Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sharif Hotel admits he has no power requests foreign intervention

Recommended Posts

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in dowladiisa aanay wax badan ka qaban Karin amaan darada ka jirta dalka Soomaaliya.

Posted: 12/4/2009 3:48:00 PM

Shabelle: MUQDISHO.

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waxa uu sheegay in dowladiisa aanay wax badan ka qaban Karin amaan darada ka jirta dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlayay xarunta gobolka Banaadir oo Aas qaran loogu sameenayay 3-Wasiir oo shalay ku geeryootay qarax ka dhacay Hotelka Shaamow ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay dowladiisu ku filnayn wax ka qabashada xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay in hadii dowladu ay ku filantahay wax ka qabashada xaaladaha cakiran ee dalka aanay ku sugnaan lahayn halka ay hadda joogto isagoona ka dalbaday wadamada Saaxiibka la ah dowladiisa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo faro galiyaan dalka Soomaaliya.

 

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed in marnaba dowladiisu aanay ka daalaynin dadaalka ay ugu jirto nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya isagoona ka codsaday dadka in ay gacan ku siiyaan sidii ay uga adkaan lahaayeen xoogaga kaga soo horjeeda dalka gudihiisa.

 

Ma ahan markii ugu horaysay ee mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya ay ka dalbadaan wadamada Saaxiibka la ah dalka Soomaaliya in faro galin lagu soo sameeyo Wadanka Soomaaliya.

Kol hore ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya waxa uu sheegay in loo baahanyahay in faro galin caalami ah lagu sameeyo wadanka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalbaday Faragalin shisheeye

Hamarey

 

December 4, 2009 Markacadeey

 

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa beesha caalamka ka dalbaday in faragalin xoogan ku sameeyaan arimaha Soomaaliya.

 

Sheekh shariif ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladiisa aysan awood u laheyn in wax ka qabato xaaladaha sii xumaanada ee dalka ka jira.

 

"beesha caalamka waa in faraglin ku soo sameyaan arimaha Soomaaliya dowlada oo kali ah xaalada haatan taagan waxba kama qaban karto"ayuu yiri sheekh shariif.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale balan qaaday in dowladiisa sii wadi doonto dadaal walba oo xal loogu helayo arimaha Soomaaliya.

 

'dowlada dhiig cusub ayay ku bixin doontaa wax walba oo nabad loogu soo celin karo dalka in hal hal naloo dilo waxaa ka roon in dhiigeena guud ahaan ku bixino in dalka nabad ku soo celino"ayuu yiri sheekh shariif.

 

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweynaha ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan dowladiisa si wax uga qabto xaalada dalka ka taagan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this