MoonLight1 Posted October 17, 2009 Abaal marino ay ka mid yihiin Qoryo, Bambooyin iyo qalab kale oo la gudoonsiiyey arday ku guuleysatay tartan aqooneed ka socday gudaha magaalada Kismaayo Xaflad lagu soo xirayey tartan aqooneed ka socday magaalada Kismaayo intii lagu guda jiray bishii barakeysneyd ee Ramadaan ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay gudaha magaaladaasi. Tartankan oo ay ka qeyb galeen xaafadaha kala gedisan ee magaalada Kismayo ayaa ka baxayey idaacada loo yaqaano Andaluus ee taageerta maamulka Islaamiga ah ee halkaasi ka arimiya, waxaana xafladii xiritaanka ka soo qeyb galay mas’uuliyin ka tirsan maamulka Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka. Masuuliyiinta maamulka ayaa abaal marino kala duwan gudoonsiiyey arday kaalimaha hore ka galay tartankaasi oo ka kala socotay xaafadaha Farjano, Guulwade iyo kuwo kale oo ku yaala magaalada Kismaayo, waxaana xaafada Farjano oo gashay kaalinta koowaad la siiyey qori AK-47, ah labo bam gacmeed, booshahka rasaasta lagu qaato, miis xafiiseed iyo Kombiyuutar kuwaasoo qiimahooda lagu sheegay ilaa $1,150 halka xaafada Guulwade iyo kuwa kale oo kala galay kaalimaha labaad iyo kaalimaha xiga ay heleen abaal marino aan ka dhicin oo ay ku jiraan qoryo iyo hub kale. Sheekh Cumar Xayaakalaah oo ka mid ah saraakiisha maamulka Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka oo halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay una hambalyeeyey ardaydii ka qeyb gashay tartan aqooneedkaasi dedaalkii faraha badnaa ee ay muujiyeen, wuxuuna xusay in sababaha ay abaal marinada ugu soo dareen hubkaasi kala duwan ay tahay sidii ay uga qeyb lahayeen ardaydaasi la gudoonsiiyey dagaalka jihaadka ee sida uu yiri looga soo horjeedo wax uu ku tilmaamay cadowga islaamka ee duulaanka soo qaaday. Waa markii ugu horeysay ee abaal marino ay ku jiraan hub ay ka mid yihiin qoryo bambooyin iyo hub kale la gudoonsiiyo arday ku guuleystay tartan aqooneed waxaana arintan ay si weyn uga yaabisay dad badan oo horey u arki jiray iyadoo abaal marino lagu bixinayo lacago iyo waxyaabo kale. dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted October 17, 2009 waxaas baa wadankenii gacanta u galay Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted October 17, 2009 Somali rebels give AK-47 to best young koran recitor Source: Reuters KISMAYU, Somalia, Oct 17 (Reuters) - The 17-year-old winner of a Koran recital and general knowledge competition organised by al Shabaab rebels in Southern Somalia got an AK-47 gun, two hand grenades, a computer and an anti-tank mine as prizes. The runner-up in the month-long competition aimed at 10-25 year olds, a 22-year-old, received an AK-47 and ammunition at the ceremony, where the rebels urged parents to allow children to learn how to handle weapons and fight against the enemy. Somalia's 18-year conflict now pits al Shabaab and Hizbul Islam rebels against the U.N.-backed government of President Sheikh Sharif Ahmed. The radical al Shabaab, seen by Washington as al Qaeda's proxy, controls most of Southern and Central Somalia and has also been targeting Somali children in neighbouring Kenya for radicalisation and recruitment to their ranks. [iD:nLG337811] (Reporting by Sarah Abdi; Writing by Duncan Miriri; Editing by Louise Ireland) Quote Share this post Link to post Share on other sites