Sign in to follow this  
General Duke

AU summit ....

Recommended Posts

Wasiirada IGAD oo ka shiray Xaalada dalka Soomaaliya

 

IGAD_bashir.JPG

 

igad_kulan.jpg

Last Updated::2007-01-28 15:56:08

 

Addis Ababa:- Wasiirada Arrimaha Dibada ee dhamaan dalalka IGAD ayaa ku shiray magaalada Addis Ababa shalay oo Sabti ahayd.

 

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xoghayaha IGAD Dr Atallah Bashir oo kulan khaas ah la yeeshay 7 Wasiir ee Arrimaha Dibada ee matalaya dalalka IGAD kamid ah.

 

Wasiirada iyo Xoghayaha Guud ee IGAD Dr Atallah Bashir ayaa ka wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya khaasatan ciidamada Afrikaanka ah ee dhawaan la geenayo dalka Soomaliya.

 

Shirkan ayaa horu dhac u ah shir weynaha Midowga Afrika oo berito oo ay Taariikhdu tahay 29 Janaayo ka furmi doona magaalada Addis Ababa.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Somaliya Ismaaciil Hura Buubaa ayaa sheegay in shirkii shalay looga hadlay sidii IGAD ay uga qeyb qaadan lahaayeen kaalinta uga soo aada Taakuleynta ciidamada dhawaan la keeni doono dalka Soomaaliya.

 

Ciidamada ka socda Midowga Afrika iyo IGAD oo gaaraya 8000 ayaa lagu wadaa in dhawaan ay soo gaaraan dalka Soomaaliya.

 

Dalalka hada sheegay in ay ciidamo diyaarinayaan ayaa waxaa kamid ah Nigeriya, Malawi, Ugadha, Ghana iyo Rwanda oo ayagu sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan hawlgalka IGADSOM.

 

Dalalka Koonfur Afrika iyo Liibiya ayaa ayagu sheegay in aysan ciidamo soo diri doonin balse ay ka qeyb qaadan doonaan dhinaca Taakuleynta, Farsamada, iyo dhaqaalaha qorshahaasi.

 

Waxaa ayaguna la sugayaa in ay dalal kale oo dheeraad ah kusoo biiraan qorshaha ciidamo geynta Somaliya, marka uu furmo shirka Midowga Afrika oo berito si rasmi ah u bilaaban doona.

 

Qodobada ugu muhiimsan ee shir weynaha Midowga afrika ayaa waxaa ugu horeeya arrimaha dalka Somaliya, Sudan iyo DR. Congo.

 

Waxaa sidoo kale shirkaasi markale diirada lagu saari doonaa mideynta dalalka Afrikaanka ah ee dhinaca Dhaqaalaha, Siyaasada iyo Amni sugida.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mbeki to lead delegation to AU summit

 

January 28 2007 at 02:36PM

 

President Thabo Mbeki will lead a delegation to the African Union's Heads of State and Government Summit in Addis Ababa on Monday and Tuesday, said the department of foreign affairs.

 

An executive council of foreign ministers would make recommendations to the summit on, amongst others, Somalia and Sudan, Burundi, the Ivory Coast, the Middle East and Palestine was well as the status of Africa-Europe dialogue, spokesperson Ronnie Mamoepa said on Sunday.

 

Foreign Minister Nkosazana Dlamini-Zuma led a South African government delegation to the executive council's meeting on Thursday and Friday. - Sapa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa.

 

Addis-Baba, Isniin January 29, 2007 Simba Radio

 

Shir Madaxeedkii Ururka Midowga Afrika, ayaa maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa, ee caasimadda dalka Ethiopia ayada oo looga hadlayo Arrimha Somalia.

 

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan Konton Madaxweyne oo ka socda Qaaradda iyo sidoo kale Xoghayaha Guud Jamciyaddda Qurumaha ka dhaxeysa Ban Ki-Moon .

 

Kullanka ayaa Waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda qaaradda loo geyn lahaa dalka Somalia .

 

Dalal badan ayaa la filayaa in ku dhowaaqaan sida ay diyaarka ugu yihiin inay howl galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika uu ka fulinayo Dalka Somalia ay ciidamo ugu tabarucaan.

 

Madaxweyanaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa kullaankaasi, ayada oo la filayo in mar kale uu ciidamo nabad ilaalin ah dalbadao.

 

Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon, oo horey ugu baaqay inay Beesha Caalamka taageero deg eg ah siiso Somalia , ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu ku cadaadiyo Hogaamiyayaasha Qaaradda ee halkaasi ku shirsan inay ciidamo u diraan Somalia .

 

Ban waxa uu sheegay in Somalia ay hadda ku jirto dhibaato baratan siyaasadeed iyo mid Milatari ka oogtay Gobolka Geeska Afrika.

 

Arriamha kale ee kullanka looga hadli doono, ayaa waxaa ka mid ah dhibaatada ka taagan Gobolka Darfur ee Galbeedka Dalka Sudan , is beddelka Cimilada iyo shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhaca Gobolka Guinea

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia.

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midowga Afrika oo furmay iyo Digniin laga soo saaray Xaalada Somaliya.

Last Updated::2007-01-29 16:55:47

 

Adis Ababa:- Waxaa maanta si rasmi ah uga Furmay Caasimada Itoobiya Shirweynihii 8aad ee Midowga Afrika.

 

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen 53 wadan oo kamid ah ururka Qaarada Afrika, ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Waxaa sidoo kale shirkan ku sugan Wafuud kala gedisan oo uu kamid yahay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo wafuud ka kala socota dalalka Reer Galbeedka iyo Aasiya.

 

Furitaankii Shirkaasi ayuu ka hadlay Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Alpha Omer Konari.

 

Guddoomiyaha midowga Africa Alpha Omer Konari ayaa ka digay in xiisadaha colaadeed ee kataagan dalka Soomaaliya ay ku fidaan wadamada gobolka oo idil haddii dib u dhac uu ku yimaado ciidamada nabad ilaalinta ee la geynayo wadanka Soomaaliya.

 

 

Golaha loo dhan yahay ee Midowga Afrika oo uu u khudbeenayo Guddoomiyaha Midowga Afrika

 

Shirweynaha Midowga Afrika ayaa qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo waxaa kamid ah arrimo ay ku jirto xaalada Soomaaliya, ayadoo shirkaasi muddo laba maalmood ah uu socon doono.

 

Alpha Omer Konari ayaa sheegay in fashil ku yimaada ciidamada nabad ilaalinta ee la geynayo dalka Soomaaliya ay ka dhignaan doonto in xaalada Soomalaliya ay faraha ka baxdo, isagoo ku baaqay in la dedajiyo ciidamada nabad ilaalinta ee la geynayo dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo lagu wado in khudbad uu ka jeediyo shirkaasi ayaa ka codsan doona madaxda Africa iyo beesha caalamkaba in ay gacan ka siiyaan dawladiisa xasilinta dalka, ayagoo u soo diraya ciidamadii nabad ilaalinta oo ay u yabooheen dawladdiisa.

 

 

Madaxweynaha Ghana John Kufuor (Midig) iyo Madaxweynaha Nigeriya Olusegun Obasanj (Bidix)

 

Shir madaxeedkan ayaa ku soo aaday xilli dawladda Mareykanka ay sheegtay in ay ka saacideyso Midowga Africa in diyaarado ay ku soo daabusho ciidamada nabad ilaalinta ee la keenayo dalka Soomaaliya si ay gacan u siiyaan dawladda taagta daran ee ku fashilantay xasilinta dalka Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha Liibiya Col.Qadaafi oo soo gaaray madasha shirka Midowga Afrika

 

 

Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga oo kamid ah Hogaamiyaasha Midowga Yurub ee ku sugan Addis Ababa

 

 

Madaxweynaha Falastiin oo kamid ah Marti sharafta iyo hogaamiyaasha goobjoogayaasha ka ah shirka Midowga Afrika

 

 

Wadooyinka Addis Ababa oo ay si weyn uga muuqdaan ciidamada Amniga

 

 

Louis Michel Xoghayaha Horumarinta ee Midowga Yurub oo ku sugan madasha shirweynaha Midowga Afrika

 

 

Isbuursi weyn oo ka dhacay Illinka laga galo hoolka shirka kadib markii ay Illaalada Qaramada Midoobay ay dib u celiyeen suxufiyiin badan

 

 

Inta uu shirkan socdo ayaa lagu wadaa in ay dhacaan shirar kale oo hoose oo ay si gaar ah u yeelanayaan wafuuda kala gedisan ee wakhtigan kuwada sugan xarunta Midowga Afrika.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this