General Duke Posted December 21, 2009 Afhayeenka baarlamaanka Puntland oo dhaawac sahlani ka soo gaaray qarax lala beegsaday gaarigiisa. Wacaal Daray ah: Garowe, Dec 20 - Afhayeenka baarlamaanka Puntland ayaa daqiiqado ka hor dhaawac aad u sahlani ka soo gaaray qarax ka dhacay magaalada Garowe. Qaraxa oo sida la xaqiijiyey lala beegsaday gaariga afhayeenka baarlamaanka ayaa waxaa ku dhintay darawalkii gaariga, halka ay dhaawacyo soo gaareen 2 ka mid ah ilaalada afhayeenka. Afhayeenka baarlamaanka Puntland Md. C/rashiid M. Xirsi ayaan la sheegay in uu soo gaaray finfiniinkii qaraxu, uuna aad u wanaagsan yahay. Saraakiisha ciidanka bilaysku oo aan la xiriirnay ayaa sheegeen in afhayeenku uu bed qabo, dhaawaciisuna uu ahaa mid aad u sahlan. Mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada oo aan la xiriiray ayaa ka gaabsaday in ay tafaasiil ka bixiyaan xaalada uu ku sugan yahay afhayeenku, balse sheegay in caafimaadkisu uu wanaagsan yahay. Bilayska Garowe ayaa isku gadaamay goobta dhacdadu ka dhacday, sheegayna in ay baaritaan ku wadaan cidda ka dambaysay fal dambiyeedkan. Ugaarsiga indheergaradka iyo dilalka madaxdu ma aha dhacdo ku ugud Puntland, walow qaraxyada lala beegsado gawaarida madaxdu ay tahay mid ku cusub Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites