Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Deputy mayor invites PUNTLAND delegates to lunch PICS

Recommended Posts

Mid ka mid ah ku xigeenada duqa magaalada Muqdisho oo qado sharaf u sameeyey ergadii maamul govboleedka Puntland

 

Mogadisho, Talaado , August 07, 2007 SMC

 

Mid ka mid ah ku xigeenada duqa magaalada Muqdisho oo qado sharaf u sameeyey ergadii maamul govboleedka Puntland ee ka qeyb galaysay shirka dib u heshiisiinta beelaha somaliyeed haatan uga socda xerada gaadiidka boliska

 

Ku xigeenka gudoomiyaha gobolka banadir ee dhinaca arimaha nabad gelyadda mudane cabdifatraax ibraahim cumar sebriye ( ina shaaweeye) ayaa qado sharaf u sameeyey ergada shirka dib uheshiisiinta ee belaha somaliyeed haatan uga socda magaalada muqdisho ee ka soo jeeda gobolada waqooyi berri ee maamul goboleedka puntland ,

 

Ibraahin fagaareeye isaga oo ku hadlayey magaca beesha ayaa ku so dhaweeyey guriga cabdifitax cumar sebriye shaaweeye oo garabkiisa taagnaayeen Cabdikariin sh: ibraahin ,nasra weheliye maalin,iyo ganacsade suuxaay iyo xubno kale ayaa

 

Si kalsooni leh waxaa uu ugu soo dhaweeyey si ay ka muuqato walaaltinimo islaanimo iyo sharaftii u dhaxeynjirtay beelaha somaliyeed ee walaalaha ah gar ahaan kuwa puntland iyo beesha murusade dhaxeyn jirtay oo dameystiran

 

Dhinaca beesha murusade ayaa waxa ka soo qeyb galay qaarka tirsan ugaasyada ,boqorada ,indheer garadka,salaadiinta ,culumaa.udiinka ,haweenka , iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay beesha murusade iyada oo dhianaca isgaarsiintane uu uga qeyb qaatey ka qeyb galka qado sharaftaas ugaaska beesha murusade ugaas cabdiqadir oo ku sugnaa xiligaa magaalda ceelbuur ee gobolka galgaduud.

 

Boqor cabdilaahi boqor muuse ( boqor king kon ) , bel daajiye farax ,beel daajiye xaaji cabdulaahi ismaciil ,garaad cabdulahi cali ciid , ugaas cabdulaahi ciise nuur , beel daajiye cali farax maxamuud , suldaan maxmaed jamac shire , ugaas xasan ugaas yaasiin cabdiraxman , suladaan cabdilqaadir suldan cali yaasiin kenidiid ,garad cabdisalaan xusen maxamed ,suldaan cabdi bile warsame ,islaan xusen islaan cabdi islaan iyo inkale oo aan haatan magacyadooda halkaan ku soo wada qori Karin.

 

Beesha....... oo gogoshan dhigtay ayaa lagu tilmaamay in ay aheyd gogol saaxiibtinimo o ka dhaxayso labada beelood taasoo lagu macneeyey mid so jireen ah iyada oo loogu tala galay in ay ka so qeyb galaan madaxdhaqanmeedyada labada beelood sida Salaadiinta ugaas yada boqorada islaanyada nabadoonyada iyo ergsada kale ee la socoto ee rer puntland iyaga oo ka raali geliyey wixii daldaloola ah ee ay leedahay gogoshu.

 

Cabdifatax ibraahin sebriye shaawey oo ah ku xigeenka duqa magalada xaga arimaha nabadgelyada ayaa ergada reer puntland ugu horeyn ugha mahad celiyey ka soo qeyb galka qado sharaftaa isaga o u sheegay in caasimada muqdisho ee somaliya ay tahay magaladoodii labaad uuna si weyn ugu faraxsan yahay sida ay uga soo qeyb galeen casuumadii uu u fidiyey wuxuuna xusay in ay farxad weyn u tahay in dad kala maqnaa mudo 17 sanno ah ay manta hal meel ku wada qadeenyaan waxeyna taasi ina xasuusineysaa nbuu yiri dhaqankii iyo hidihii somaliyeed ee soo jireenka ahaa wuxuuna xusay in aanay somaliya manta sinaba u kala marmin ayna yihiin dad isku diin ah .isku dhaqan ah.isku af ah.

 

Ugu danbeyntii labada beelood ayaa si waangsan isu afgartey waxaana lagu soo gebegebeeyey guul iyo wanaag.

 

Wuxuuna halkaasi ku gudoonsiiyey hadiyado qaali ah oo ka wuxuuna sheegay in ay ka dhaxeyso sidaan oo kale labada beelood.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho_Pundland_13.jpg

 

Boqor cabdilaahi boqor muuse ( boqor king kon ) , bel daajiye farax ,beel daajiye xaaji cabdulaahi ismaciil ,garaad cabdulahi cali ciid , ugaas cabdulaahi ciise nuur , beel daajiye cali farax maxamuud , suldaan maxmaed jamac shire , ugaas xasan ugaas yaasiin cabdiraxman , suladaan cabdilqaadir suldan cali yaasiin kenidiid ,garad cabdisalaan xusen maxamed ,suldaan cabdi bile warsame ,islaan xusen islaan cabdi islaan iyo inkale oo aan haatan magacyadooda halkaan ku soo wada qori Karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this