Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Delegation in Boocame

Recommended Posts

Laascanood(Qaran)-Waxaa maanta degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool gaadhay Wefti saraakiil iyo Maamulka isugu jira oo iyagu u dhashay deegaankaas, tegida Saraakiishan oo dadka reer Boocame aysan intooda badani ka warqabin, ayaa hadana markii ay galeen Boocame waxa si aad iyo aad u heer saraysa goobtaasi ugu soo dhaweeyay dadweynaha iyo wax garadka deegaankaasi, mana ay jirin wax rabshado iyo cabashooyin ah oo ay dadku ka muujiyeen socdaalka waftigaasi culus ee ka socday xaga xukumada Somaliland inkasta oo ay madaxda oo dhami ahaayeen dad u dhashay gobolka.

 

Weftida balaadhan ee timid Bocame ayaa si xiiso leh loo soo dhaweeyey waxayna la kulmeen qaybaha kala duwan ee reer Bocame,Somaliland ayaa u soo ruqaansanaysa dhinaca Boocame ayaa iyadu ah mid dadka ku dhaqan deegaanada Sool ay aad u hadal hayaan iyagoo iswaydiinaya waxa ku xigi kara imaatinka wafuudaasi, sidaasi waxa sheegay shaqsi ka mid ah deegaankaasi oo isagu sheegay in ay dadweyanah deegaankaasi taageersanyihiin imaatinka waftigaasi iyo wax qabadka ay u fidinayaan dadka ku dhaqan goobtaasi.

Degmada Bocame ayaa Laascaanood u jirta 95km oo kaga began dhinaca Konfureed ,Boocame waa degmo istaraajiya ahmiyad balaadhana ugu fadhida deegaanada Gobolka Sool waana degmadii uu ka dhacay shirkii ugu dambeeyey ee Isimada iyo waxgaradka Beelaha SSc.

 

Xukumada Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay u soo xidhi lahaayeen xadka Jamhuriyada Somaliland la wadaagto dalka Somaliya ee lala midoobay 1960-kii taasi oo burburtay , soo xidhida xuduudka u dhaxeeya Somaliya iyo Somaliland ayaa qayb weyn ka ah tagitaanka ay maanta madaxdan ka tirsan Somaliland ay ku booqdeen deegaanka Boocame.

 

Wixii ka soo kordha hadba waan idiin soo gudbinaynaa

 

Qarannews

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this