xiinfaniin Posted August 12, 2009 Culimo,udiin Soomaaliyeed oo ku nool Puntlland oo bayaan ka soo saaray dilkii ka dhacay Gaalkacyo Posted to the Web Aug 12, 17:01 Gaalkacyo:-Shir deg deg ah iyo xiriiro dhinaca teleefanka ah oo ay sameeyeen culimada Soomaaliyeed ee ku nool Puntlland DGPL ayaa waxaa ay ka wada hadleen dilkii bareerka ahaa ee saaka ka dhacay xaafada Wadajir ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo., dilkaan ayaa lagula kacay culimo,tabliiq ah waxaan dilkaan fuliyey koox afka soo duubtay walow warar badan oo is khilaafsan ay soo baxayaan weli. Bayaankii culimaduna wuxuu ahaa sidaan: بسم ; الل ;ه الر ;حم 6; الر ;حي 5; Faldambiyeedka foosha-xun ee saaka ka dhacay masjidka Tawfiiq ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu xasuuqay culimo ducaad ah oo u dhashay dalka aynu walaalaha nahay ee Baakistaan, falkaas waa mid aad iyo aad u xun sharci ahaan, caqli ahaan iyo dhaqan ahaanba, mana aha mid horay loogu yaqaanay bulshada Soomaaliyeed. Waxyaabaha fool-xumada u sii kordhinaya xasuuqaan waxaa ka mid ah: dadka la laayay oo ahaa culimo ducaad ah, iyaga oo ahaa dad cirroolayaal ah, iyaga oo ahaa musaafiriin marti ah, iyaga oo soo booqday dal dadkiisu wada yahay muslimiin walaalohood ah, iyaga oo lagu laayay masjid gudihiis, waliba xilli salaadeed, iyada oo aanay jirin haba yaraatee wax aano qabiil, urur iyo siyaasadeed oo loo gumaaday. Haddaba falka sidaa u foosha-xun ee lagu la kacay walaalaha ducaadda ah wuxuu dhaawac weyn u gaysanayaa sumcadda bulshada Soomaaliyeed ee muslinka ah, wuxuuna dalkeena iyo dadkeena ka siinayaa dunida muslinka fikrad iyo muuqaal fool-xun, isla markaana wuxuu daah-fur u noqonayaa teed la kala dhexdhigayo dadweynaha Soomaaliyeed iyo walaalohooda muslimiinta ah. Tan kale marka la eego sida wax u dheceen maanta ama muddadaanba wax u socdeen waxaa laga fahmi karaa in falka noocaan ah ay ka dambeeyaan gacmo shisheeye oo iyagu dano gaar ah ka leh dalkaan, kuna adeeganaya dhuuniqaatayaal diintooda iyo sharaftooda iibsaday. Haddaba annaga oo arrimaha aan ka soo hadalnay oo dhan tixgalinayna waxaanu soo jeedinaynaa arrimahaan soo socda: 1. Waxaan ka xunahay, isla markaana cambaaraynaynaa gumaadka arxan darada ah ee culimada ducaadda ah loogu gaystay masjidka gudihiisa, iyada oo aysan jirin haba yaraatee wax ay gaysteen oo loogu marmarsoodo dilkooda. 2. Waxaan u tacsiyaynaynaa ehelada culimada la xasuuqay, dadweyanaha reer Baakistaan ee aynu walaalaha nahay iyo shacabka Soomaaliyeed oo hortooda lagu gumaaday walaalohood soo booqday. 3. Waa in bulshadu Soomaaliyeed dhammaan iska kaashato sidii dambiilayaashaas loo soo qabqaban lahaa, loona horkeeni lahaa caddaaladda, gaar ahaan maamulada iyo qabaa’ilka oo iyagu wax weyn ka qaban kara xadgudubyadaan. 4. Waa in bulshada Soomaaliyeed ka feejignaato mu’aamaradaha loo maleegayo iyo colaadaha la kala dhexdhigayo, oo hadba muuqaal hor leh loo yeelayo, sida: qabiil, siyaasad iyo diin. 5. Ugu damabayn waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu u naxariisto culimada xaqdarrada lagu laayay, ehelkooda, axbaabtooda iyo muslimiinta oo dhan-na uu ka siiyo samir iyo iimaan, muslimiintana uu ka badbaadiyo sharka mufsidiinta, annagana uusan noo qaban waxa ay faleen sufahadu… Aamiin. Culimada saxiixday bayaanka: 1. Sh. C/qaadir Nuur Faarax 2. Sh. Daahir Aw Cabdi 3. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan 4. Sh. C/naasir Xaaji Axmed 5. Sh. Axmed Daahir Xasan 6. Dr. C/qaadir Maxamad Cabdullahi 7. Sh. Xasan Max’ed Ibraahin 8. Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur 9. Sh. Maxamad Macallin Axmed 10. Sh. Axmed C/samad 11. Sh. Xasan Xuseen Axmed 12. Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf 13. Sh. Axmed Maxamed Faarax 14. Sh. Bashiir Jaamac Kite 15. Sh. Mahad C/laahi Maxamed 16. Sh. Axmed Faarax Garaase 17. Sh. C/nuur Axmed Xirsi 18. Sheekh Faarax Siciid 19. Eng. Jaamac C/laahi Maxamad 20. Ustaad C/raxmaan Maxamad C/laahi Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 12, 2009 Madaxweynaha Puntland Faroole ,Culumo iyo Isimo Canbaareeyey dilkii Culumada Tabliiqa(Dhageyso) Posted to the Web Aug 12, 15:43 Gaalkacyo:-Madaxweyn aha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa si kulul uga hadlay dilkii waxshtinimada ahaa ee loo geystay Culumo Tabliiq ah oo u dhashay dalka Pakistaan falkaan ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa uu ku tilmaamay dilka Culumada mid wax ashtinimo ah waxaana uu ugu baaqay in shacabka Gaalkacyo ay ka shaqeeyaan amaanka. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu tacsi u dirayo ehelada ay ka dhinteen culumada iyo dowlada Pakistaan waxaa kale oo uu ugu baaqay masuuliinta Koonfurta Gaalkacyo in ay amaanka ka dhaqeeyaan. Halkan ka Dhageyso Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dilkii Culumada Tabliiqa Waxaa sidoo kale canbaareyn kulul u soo jeedshay ragga dilay Culumo,udiin Isimada ,waxgarad iyo Culumo ku sugan Puntland iyaga oo ugu baaqay shacab ka in ay iska qabtaan dadka u soo dhigtay haatan in ay laayaan culimada aan shaqo ku lahayn wax siyaasad ah. Dhanka kale waxaa dilka canbaareeyey iskana fogeeyey kooxda Al-Shabaab waxaa ayna ugu baaqeen Culumada Tabliiqa in ay difaacaan Naftooda. M_M Deeq Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 12, 2009 TFG condems the tabliiq killings Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 12, 2009 Alshabaab condems the killing of the tabliiqs Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 12, 2009 the so called ahlu sunnah group has been rising steadily. this may commence thier fall if the rumors proved to be true Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhuujiye Posted August 12, 2009 Alshabaab makala jecla wax bayaan kasoo saray iyo waxkale. Alshabaab had Galkacyo bay kusoo wajahanyihiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 12, 2009 Culumadii tabliiqa ahaa ee xalay lagu dilay Gaalkacyo oo galabta laagu aasay qabuuraha magaalada Galkaacyo. Posted to the Web Aug 12, 18:27 Gaalkacyo:-Waxaa galabta lagu aasay qabuuraha magaalada Gaalkacyo Allaha u naxariistee 5 wadaad oo tabliiq ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Dadweyne aad u careysan oo tiro badan ayaa ka soo qeyb galay aaska culimada waxaana ka muuqday dadweynaha tiiraanyo aad u xoog badan iyaga oo ku qey linayey in la soo qabto mujrimiinta dilay wadaada Tabliiqa ah ee aan waxba galabsan. Aaska ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliin ka tirsan Maamulka Puntland waxaana halkaas laga jeedshay khudbado kala duwan,goobta aaska ayaa waxaa soo buuxshay ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan Maamulka Puntlland waxaana ka mid ahaa masuuliinta aaska yimid wasiirka amniga, C/laahi Siciid Samatar, wasiirka Cadaalada iyo diinta C/risaaq Yaasiin Cadulle ‘Geesood’, wasiirka caafimaad Dr. Bashiir Cali Biixi, wasiiru dawlaha maamulk wanaagga Maxamed Faarax Gaashaan, wasiirro kuxigeeno, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan. Culumada Tabliiqa ayaa waxaa xalay lagu dilay Masjid ku yaal xaafada Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug gaar ahaan xaafadda Wadajir ee dhinaca koonfureed ee magaalada waxaana weerarka qaaday rag afka uu u duuban yahay. Dhagar qabayaasha ayaa u baxsaday dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaal kacyo oo ay markoodii hore ka yimaadeen sida ay sheegayaan dad goob joog ayaal ah. M_M Deeq Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted August 12, 2009 Ahlu Sunna maxay la aamusanyihiin! Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 12, 2009 Mindhaa iyagaa ka danbeeyey Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted August 12, 2009 Juje wuxuu yiri iyaga ma ahan! Shir jaraaid bey qabanayaan baan ka maqley fadhi ku dirir aan hadaayay soo ag marey, xagee bey ku qabanayaan shirka jaraaid baan weydiiyey qolo, waxaa la iyiri Gothenburg ayey ku qabanayaan press conferenceka Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 12, 2009 Juje maanta waa xanaaqsanaa Nimanku magac aysan lahayn bay isticmaalaan, xattaa cabdiwaal iyo barre baa mar sheegtay Quote Share this post Link to post Share on other sites