Sign in to follow this  
xiinfaniin

PL Pres. Muslim Scholars condem Tabliiq killings

Recommended Posts

Culimo,udiin Soomaaliyeed oo ku nool Puntlland oo bayaan ka soo saaray dilkii ka dhacay Gaalkacyo

Posted to the Web Aug 12, 17:01

 

 

Gaalkacyo:-Shir deg deg ah iyo xiriiro dhinaca teleefanka ah oo ay sameeyeen culimada Soomaaliyeed ee ku nool Puntlland DGPL ayaa waxaa ay ka wada hadleen dilkii bareerka ahaa ee saaka ka dhacay xaafada Wadajir ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo., dilkaan ayaa lagula kacay culimo,tabliiq ah waxaan dilkaan fuliyey koox afka soo duubtay walow warar badan oo is khilaafsan ay soo baxayaan weli.

 

 

Bayaankii culimaduna wuxuu ahaa sidaan:

 

 

بسم ; الل ;ه الر ;حم  6; الر ;حي  5;

 

 

Faldambiyeedka foosha-xun ee saaka ka dhacay masjidka Tawfiiq ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu xasuuqay culimo ducaad ah oo u dhashay dalka aynu walaalaha nahay ee Baakistaan, falkaas waa mid aad iyo aad u xun sharci ahaan, caqli ahaan iyo dhaqan ahaanba, mana aha mid horay loogu yaqaanay bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Waxyaabaha fool-xumada u sii kordhinaya xasuuqaan waxaa ka mid ah: dadka la laayay oo ahaa culimo ducaad ah, iyaga oo ahaa dad cirroolayaal ah, iyaga oo ahaa musaafiriin marti ah, iyaga oo soo booqday dal dadkiisu wada yahay muslimiin walaalohood ah, iyaga oo lagu laayay masjid gudihiis, waliba xilli salaadeed, iyada oo aanay jirin haba yaraatee wax aano qabiil, urur iyo siyaasadeed oo loo gumaaday.

 

 

Haddaba falka sidaa u foosha-xun ee lagu la kacay walaalaha ducaadda ah wuxuu dhaawac weyn u gaysanayaa sumcadda bulshada Soomaaliyeed ee muslinka ah, wuxuuna dalkeena iyo dadkeena ka siinayaa dunida muslinka fikrad iyo muuqaal fool-xun, isla markaana wuxuu daah-fur u noqonayaa teed la kala dhexdhigayo dadweynaha Soomaaliyeed iyo walaalohooda muslimiinta ah.

 

 

Tan kale marka la eego sida wax u dheceen maanta ama muddadaanba wax u socdeen waxaa laga fahmi karaa in falka noocaan ah ay ka dambeeyaan gacmo shisheeye oo iyagu dano gaar ah ka leh dalkaan, kuna adeeganaya dhuuniqaatayaal diintooda iyo sharaftooda iibsaday. Haddaba annaga oo arrimaha aan ka soo hadalnay oo dhan tixgalinayna waxaanu soo jeedinaynaa arrimahaan soo socda:

 

 

1. Waxaan ka xunahay, isla markaana cambaaraynaynaa gumaadka arxan darada ah ee culimada ducaadda ah loogu gaystay masjidka gudihiisa, iyada oo aysan jirin haba yaraatee wax ay gaysteen oo loogu marmarsoodo dilkooda.

 

 

2. Waxaan u tacsiyaynaynaa ehelada culimada la xasuuqay, dadweyanaha reer Baakistaan ee aynu walaalaha nahay iyo shacabka Soomaaliyeed oo hortooda lagu gumaaday walaalohood soo booqday.

 

 

3. Waa in bulshadu Soomaaliyeed dhammaan iska kaashato sidii dambiilayaashaas loo soo qabqaban lahaa, loona horkeeni lahaa caddaaladda, gaar ahaan maamulada iyo qabaa’ilka oo iyagu wax weyn ka qaban kara xadgudubyadaan.

 

 

4. Waa in bulshada Soomaaliyeed ka feejignaato mu’aamaradaha loo maleegayo iyo colaadaha la kala dhexdhigayo, oo hadba muuqaal hor leh loo yeelayo, sida: qabiil, siyaasad iyo diin.

 

 

5. Ugu damabayn waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu u naxariisto culimada xaqdarrada lagu laayay, ehelkooda, axbaabtooda iyo muslimiinta oo dhan-na uu ka siiyo samir iyo iimaan, muslimiintana uu ka badbaadiyo sharka mufsidiinta, annagana uusan noo qaban waxa ay faleen sufahadu… Aamiin.

 

 

Culimada saxiixday bayaanka:

 

 

1. Sh. C/qaadir Nuur Faarax

 

 

2. Sh. Daahir Aw Cabdi

 

 

3. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

 

 

4. Sh. C/naasir Xaaji Axmed

 

 

5. Sh. Axmed Daahir Xasan

 

 

6. Dr. C/qaadir Maxamad Cabdullahi

 

 

7. Sh. Xasan Max’ed Ibraahin

 

 

8. Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

 

 

9. Sh. Maxamad Macallin Axmed

 

 

10. Sh. Axmed C/samad

 

 

11. Sh. Xasan Xuseen Axmed

 

 

12. Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf

 

 

13. Sh. Axmed Maxamed Faarax

 

 

14. Sh. Bashiir Jaamac Kite

 

 

15. Sh. Mahad C/laahi Maxamed

 

 

16. Sh. Axmed Faarax Garaase

 

 

17. Sh. C/nuur Axmed Xirsi

 

 

18. Sheekh Faarax Siciid

 

 

19. Eng. Jaamac C/laahi Maxamad

 

 

20. Ustaad C/raxmaan Maxamad C/laahi

 

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Faroole ,Culumo iyo Isimo Canbaareeyey dilkii Culumada Tabliiqa(Dhageyso)

Posted to the Web Aug 12, 15:43

 

 

Gaalkacyo:-Madaxweyn aha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa si kulul uga hadlay dilkii waxshtinimada ahaa ee loo geystay Culumo Tabliiq ah oo u dhashay dalka Pakistaan falkaan ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa uu ku tilmaamay dilka Culumada mid wax ashtinimo ah waxaana uu ugu baaqay in shacabka Gaalkacyo ay ka shaqeeyaan amaanka.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu tacsi u dirayo ehelada ay ka dhinteen culumada iyo dowlada Pakistaan waxaa kale oo uu ugu baaqay masuuliinta Koonfurta Gaalkacyo in ay amaanka ka dhaqeeyaan.

 

Halkan ka Dhageyso Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dilkii Culumada Tabliiqa

 

Waxaa sidoo kale canbaareyn kulul u soo jeedshay ragga dilay Culumo,udiin Isimada ,waxgarad iyo Culumo ku sugan Puntland iyaga oo ugu baaqay shacab ka in ay iska qabtaan dadka u soo dhigtay haatan in ay laayaan culimada aan shaqo ku lahayn wax siyaasad ah.

 

Dhanka kale waxaa dilka canbaareeyey iskana fogeeyey kooxda Al-Shabaab waxaa ayna ugu baaqeen Culumada Tabliiqa in ay difaacaan Naftooda.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culumadii tabliiqa ahaa ee xalay lagu dilay Gaalkacyo oo galabta laagu aasay qabuuraha magaalada Galkaacyo.

Posted to the Web Aug 12, 18:27

 

 

Gaalkacyo:-Waxaa galabta lagu aasay qabuuraha magaalada Gaalkacyo Allaha u naxariistee 5 wadaad oo tabliiq ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

 

Dadweyne aad u careysan oo tiro badan ayaa ka soo qeyb galay aaska culimada waxaana ka muuqday dadweynaha tiiraanyo aad u xoog badan iyaga oo ku qey linayey in la soo qabto mujrimiinta dilay wadaada Tabliiqa ah ee aan waxba galabsan.

 

Aaska ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliin ka tirsan Maamulka Puntland waxaana halkaas laga jeedshay khudbado kala duwan,goobta aaska ayaa waxaa soo buuxshay ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan Maamulka Puntlland waxaana ka mid ahaa masuuliinta aaska yimid wasiirka amniga, C/laahi Siciid Samatar, wasiirka Cadaalada iyo diinta C/risaaq Yaasiin Cadulle ‘Geesood’, wasiirka caafimaad Dr. Bashiir Cali Biixi, wasiiru dawlaha maamulk wanaagga Maxamed Faarax Gaashaan, wasiirro kuxigeeno, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan.

 

Culumada Tabliiqa ayaa waxaa xalay lagu dilay Masjid ku yaal xaafada Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug gaar ahaan xaafadda Wadajir ee dhinaca koonfureed ee magaalada waxaana weerarka qaaday rag afka uu u duuban yahay.

 

Dhagar qabayaasha ayaa u baxsaday dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaal kacyo oo ay markoodii hore ka yimaadeen sida ay sheegayaan dad goob joog ayaal ah.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Juje wuxuu yiri iyaga ma ahan!

 

Shir jaraaid bey qabanayaan baan ka maqley fadhi ku dirir aan hadaayay soo ag marey, xagee bey ku qabanayaan shirka jaraaid baan weydiiyey qolo, waxaa la iyiri Gothenburg ayey ku qabanayaan press conferenceka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this