Sign in to follow this  
General Duke

A rare window of opportunity: Talks between TFG, Courts Mogadishu businessmen

Recommended Posts

Wada hadal seddex geesood ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda Federaalka ee Jowhar , Maxkamadaha Islaamka iyo Ganacsatada hubeysan ee Muqdisho

 

Sabti, December 31, 2005(HOL): Warar aynu ka helnay ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay haatan socoto qaban qaabo loogu jiro sidii ay kulan seddex geesood ah u yeelan lahaayeen Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee Jowhar saldhigoodu yahay, madaxda maxaakiimta Islaamiga ah iyo Ganacsatada hubeysan ee magaalada Muqdisho.

 

Wararku waxay sheegayaan in kulankaasi lagu wado in uu 20 bisha Janaayo ka furmo Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo la sheegayo in ay ka soo qeybgeli doonaan madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi midkood, haddii aaney labadooduba imaanin, halka ay sidoo kale ka qeybqaadan doonaan Ganacsato caan ah oo u badan kuwa hubka ku heysta magaalada Muqdisho iyo weliba Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah oo ay wararku sheegayaan suurtagalnimada in uu wehlin doono Shiikh Xasan Daahir Aweys, iyadoo ay warar hordhac ah sheegayaan in kulankaasi looga wada hadli doono sidii meesha looga saari lahaa mad-madowga ku kala dhex jira seddexda qeybood.

 

Warkan oo aan ka soo xiganay Wargeyska Sanca Press ee magaalada Muqdisho ka soo baxa waxay intaasi ku darayaan in qaban qaabada kulankani uu leeyahay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo isagu la sheegay in dhawaantan qeyb weyn ku lahaa heshiisiintii dhexmartay Maxamed Dheere iyo Yuusuf Indha Cadde oo Guddoomiyayaal ka kala ah Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, iyadoo ay weliba jiraan warar hoose oo sheegaya in kulanka uu ka dhici karo Tuulo Saldhig u ah Xaajiga oo ka tirsan Degmada Cadale laguna magacaabo Masaajid Cali Gaduud.

 

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa u muuqda kuwo doonaya in ay wada hadal kula dhameystaan khilaafka ka dhaxeeya Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Ganacsatada Muqdisho kadib markii uu dhawaantan qabsoomi waayay kulan la filayay in Ra’iisal Wasaare Geedi uu Muqdisho kula yeesho Wasiirrada hubeysan ee ka soo horjeeda, ilaa haatanna ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda kulankan oo ka soobaxay seddexda dhinac ee la doonayo inay kulankaas isugu yimaadaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this