Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president meets with French ambassador to Djibouti

Recommended Posts

Safiirka Faransiiska u fadhiya Djibouti oo la kulmay madaxweynaha la soo doortay

Written by Qarannews

Jul 20, 2010 at 03:54 PM

Hargysa,(Qarannews)-Waxa maanta dalka yimid safiirka dalka Faransiiska u fadhiya dalka Djibouti, safiirka ayaa isla maantaba gurigiisa kula kulmay madaxweynaha la soo doortay mudane Axmed Siilaanyo, kulankaasi oo ay alabaabadu u xidhnaayeen lama shaacin waxii laga wada hadlay.

 

Maalinta bari ah ayaa uu safiirku la kulmi doonaa madaxweynaha xilka ka dagaaya mudane Daahir Rayaale, ma aha markii u horaysay ee uu safiirkani uu dalka yimaado hase ahaatee markii u danbaysay ee uu dalka yimaado waxa laga joogaa mudo ka yar sadex bilood, isla markaasna uu madaxweyne Rayaale uu booqday dalka Faransiiska, xoogaa yar ka bacdi socdaalkii ugu danbeeyay ee uu safiirkani uu dalka ku yimaado iyada oo uu xiligaasi siday martiqaadkii uu madaxweyne Rayaale uu ku tagay dalka Faransiiska, lamana garan karo in uu madaxweynaha cusub uu isagana u sido martiqaad iyo in kale.

 

Socdaalka safiirkani dalka Faransiiska u fadhiya dalka Jabuuti, ayaa ay dad badani su'aalo badan iska waydiinayaan, socdaalkani oo ah kii labaad ee mudo yar gudaheed uu dalka ku soo laabto.

 

Sida ay doontaba ha ahaatee waxa dalka ku soo qul qulaaya oo mudooyinka dhow ku soo fool leh waftiyo badan oo kala gadisan oo la filaayo in ay ka iman doonaan ururka midowga Afrika, midowga Yurub, wadamo mihiim ah oo ka mid ah dalalka Carabta, iyo wadamo kale kuwaasi oo u soo diri doona Somaliland waftiyo mihiim ah.

 

Caalmka oo dhan ayaa la dhacsan doorashadii dhawaan ka qabsoontay Somaliland, iyada oo fursad fiicana u noqon doonta xukumada cusub, hase ahaatee waxa ay dad badani is waydiinayaan xukumada Siilaanyo ma ka faa'iidaysan doontaa dhabadii dimuquraadiyada ahayd ee uu jeexay madaxweyne Rayaale oo u baahan in maanta xagaasi laga sii anba qaado oo laga midho dhaliyo si dalka loogu helo aqoonsi taam ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sida ay doontaba ha ahaatee waxa dalka ku soo qul qulaaya oo mudooyinka dhow ku soo fool leh waftiyo badan oo kala gadisan oo la filaayo in ay ka iman doonaan ururka midowga Afrika, midowga Yurub, wadamo mihiim ah oo ka mid ah dalalka Carabta, iyo wadamo kale kuwaasi oo u soo diri doona Somaliland waftiyo mihiim ah.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti culus oo Faransiisa oo booqday maxaabiista budhcad-badeedda & Aataarta qadiimiga ee Laas-geel

July 21st, 2010 Comments Off

 

Hargeysa, (Somaliland.org)- Madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa shalay qaabilay wefti uu hogaaminayo Safiirka Faransiiska u fadhiya Djibouti Dominique Decherf.

 

Weftigan Faransiiska ahi markii ay socdaalkaas ka soo noqdeen, waxay kulan la yeesheen Madaxweyne Siillaanyo. “Aad baanu ugu faraxsanahay weftigan ka socda dawladda Faransiiska imaantinkiisa. Maslaxadda ka dhaxaysa labada waddana waanu ka wadahadalay. Xidhiidhka labada waddana waanu sii xoojin doonaa, insha allaah.” Ayuu yidhi Madaxweynaha la doortay Md. Siillaanyo ka dib kulankoodii. Waxaana kulankaa kala qaybqaatay Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE.

 

Weftiga Faransiiska oo shalay dalka soo gaadhay, ayaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International, waxa ku soo dhaweeyay Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska, Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee talada dalka ku guulaystay. Weftigan ayaa ka hor intii aanay kulanka la yeelan Madaxweyne Siillaanyo waxay gelinkii dambe ee shalay booqasho ku tageen Jeelka Mandheera iyo goobaha taariikhiga ah ee Degmeda Laas-geel. Isla markaana waxay Jeelka Mandheera ku booqdeen Maxaabiis u xidhan falalka Budhcad-badeednimo, kuwaasoo ay saddex xubnood oo ka mid ah maxaabiistaas kulan la yeesheen. “Saddex maxbuus ayaanu ka aragnay, saddexddaas oo aanu u dooranay da’da iyo meelaha ay u kala dhasheen. Waxaanu dooraay kii ugu da’da yaraa oo 19 jir ah, ka ugu wayn oo 45 jir ah iyo mid dhexe oo 22 jir ah. Waxaananu sidaa u samaynay inaanu ogaano cidda ay ka kala socdaan. Puntland waxaanu ka qaadanay 2 qof (kii 19 jirka iyo 45 jirka), halka ka 22 jirka ahina uu ka soo jeedo Muqdisho, kaasoo Muqdisho ka yimi 2007 waxana uu ku noolaa Boosaaso. Ilaa 50 qof oo maxaabiistaas ah ayaanu waydiinay wax dhibaatooyin ah inay la kulmaan ‘maya,’ ayay yidhaahdeen, weftiguna aad bay uga heleen,” sidaa waxa yidhi Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska.

 

Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Djibouti oo shalay qolka nasashada garoonka diyaaradaha ee Cigaal ugu waramay Taleefishanka SLNTV, waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho hambalyaynta labada madaxweyne ee talada la kala wareegaya iyo u kuurgelista xaaladdaha dalka yaala. “Haa. Waa markii ugu horaysay ee aan imaado Somaliland tan iyo intii doorashooyinku dalka ka dhaceen,” ayuu yihi Safiirku oo intaa ku daray, “Waxaan halkan (Somaliland) u imi sidii aan ugu hambalyayn lahaa Somaliland doorashooyinkii xorta ahaa ee heerka caalami ahaa ee dhacay iyo inaan u hambalyeeyo labada madaxweyne ee talada la kala wareegaya oo aan uga hambalyaynayo natiijooyinkii soo baxay iyo siday u aqbaleen.” Safiirka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi, “Waxaan Somailand uga sidaa Dawladda Faransiiska iyo Baarlamaankaba hambalyo, isla markaana maadaama oo ay Somaliland tahay mid xasiloonideedu muhiim u tahay gobolkan Geeska Afrika, isla markiiba waanu ka wadahadli doonaa wada-shaqaynta aanu la yeelanayno.”

 

Weftigan uu hogaaminayo Safiirku waxa ka mid ah xubin baarlamaan oo xukuumada Faransiiska iyo Baarlamaankooduba ay u soo xil-saareen soo ururinta sidii loola dagaalami lahaa ama horumar looga gaadhi lahaa budhcad-badeedda.

 

Somaliland.org

Source Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Une mission émiratie à Djibouti

 

Le ministre des affaires Etrangères et de la Coopération Internationale, M. Mahmoud Ali Youssouf, a reçu hier une mission émiratie. Forte de plusieurs personnes, celle-ci était conduite par le vice ministre des Affaires Etrangères, chargé des Affaires Economiques, des Emirats Arabes Unis, M Khalid Ghanim Al Gait.

 

L’entrevue s’est déroulée en présence de l’ambassadeur de Djibouti accrédité aux Emirats Arabes Unis, M. Idriss Ahmed Chirwa. Au cours de cette rencontre, le chef de la diplomatie djiboutienne a d’emblée souhaité la bienvenue au vice ministre Al Gait et aux membres de sa délégation. Il s’est ensuite félicité de l’excellence des relations d’amitié et de coopération entre les Emirats Arabes Unis et Djibouti.

 

De son côté, le vice ministre émiratie a exprimé son souhait de voir se renforcer la coopération constructive entre les secteurs privé et public de deux pays. Un objectif commun dont la réalisation doit reposer sur la prise en compte des positions stratégiques de Djibouti et des Emirats Arabes Unis selon M Al Gait.

 

Par la suite, M. Mahmoud Ali Youssouf, a présidé une séance de travail qui a regroupé de part et d’autre de la table ronde des entre des opérateurs économiques émiraties et djiboutiens.

 

Outre les hauts fonctionnaires sous l’autorité du chef de la diplomatie djiboutienne, des responsables issus des rangs du Ministère de l’Economie et des Finances et celui de l’Education Nationale, de l’EDD et la SID ont débattu des sujets d’intérêt commun avec des représentants de Dubaï World, du fonds d’Abu-Dubai pour le développement, de la société Masdar et de la fondation Cheikh Khalifat Bin Zayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo ka warbixiyay kulan uu la yeeshay Wefti Faransiis ah

July 22nd, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay kulan la yeeshay wefti Faransiis ah oo maalmihii u dambeeyay socdaal ku joogay Hargeysa.

 

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo hadal ka jeediyay fadhigii shalay ee golahaas, waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulanka uu la yeeshay Safiirkii hore ee dalka Faransiiska u fadhiyay dalka Jabuuti.

 

Waxa uu sheegay in kulankoodu ahaa mid gaar ah, isla markaana ay kaga wadahadleen arrimo door ah oo ay ka mid yihiin sii xoojinta xidhiidhka labada, Baarlamaanada Somaliland iyo Faransiiska iyo qodobo kale.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in weftiga Faransiisku amaaneen doorashadii Madaxtinimo ee dalka ka dhacday iyo qaabkii nabadgelyada ahayd ee ay ugu qabsoontay. “Waxa aanu manta (shalau) kulan la yeelanay safiirkii hore ee dalka Faransiiska u fadhiyay magaalada Djabouti iyo waftigii uu hogaaminayay oo doonayay in ay maanta dalka dib uga laabtaan, waxaanan ka wada hadalnay sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo waliba baarlamaanada dalalka Somaliland iyo Faransiiska,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in safiirkaa hore uu xogogaal u ahaa waxay Somaliland qabsatay, safiirkuna uu tilmaamay in Danjiraha lagu bedelay uu yahay in xogogaalnimadaa kala mid ah.

 

Somaliland.Org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muxuu Ku Tilmaamey Somaliland Safiirka Fransiiska Ee Dalka Djabuti

Written by Haatuf

Jul 23, 2010 at 10:10 AM

“Idinkoo Ku Jira Xaalad Adag, Kuna Nool Deegaan Faqri Ah Iyo Gobol Aan Xasiloonayn Haddana Waxaad Dimuqraadiyada Ka Gaadheen Heer Ka Sareeya Wadamada Afrika Intooda Badan”

 

Dominique Decherf, Safiirka Dalka Faransiiska U Fadhiya Djibouti

 

Hargeysa(Qarannews) -Safiirka dalka Faransiiska u fadhiya Djibouti, Dominique Decherf oo isaga iyo wefdi uu hogaaminayo ay socdaal 2 maalmood qaatay ku yimaadeen Somaliland ayaa Somaliland ku amaanay heerka dimuqraadiyadeed ee ay gaadhay, taasoo uu ku sheegay mid tusaale u ah wadamo badan oo qaarada Africa ka mid ah. Ambassador Dominique Decherf waxa uu intaa raaciyay in Somaliland iyadoo ay ku xeersan yihiin duruufo qalafsan isla markaana ku taala gobol aan xasiloonayn ay haddana qabsatay doorasho xor iyo xalaal u dhacday oo dhinacyadii ku tartamay wax khilaaf ah aanay ka keenin.

 

Dominique Decherf oo shalay qaar ka mid ah saxaafada ugu waramayay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in xidhiidhka ka dhexeeya dawlada France iyo Somaliland uu haatan marayo meel aad u wanaagsan, waxaanu ku amaanay wakiilka Somaliland u jooga France,Cali Ismaaciil Xasan inuu ka shaqeeyey sii horumarinta xidhiidhka labada dal,France iyo Somaliland.

Dominique Decherf isagoo arrimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi,“ intii aan ahaa safiirka dawlada France u jooga dalka Djibouti,waxaan isku dayay in aan kor u qaado xidhiidhka ka dhexeeya Djibouti iyo France, taas oo ahayd shaqadeyda, waxa kale oo aan aad ugu faraxsanahay xidhiidhka wanaagsan ee naga dhexeeya Somaliland, waxa halkan “Somaliland” hore u yimid qaar ka mid ah madaxda safaarada France ku leedahay Djibouti. France waxay hore u timid Somaliland sanadkii 1991-kii markii dalka dib loogu soo noqday,hase ahaatee xiligaas xidhiidhku halkii aynu doonaynay ma gaadhin. Muddo haatan laga joogo 3 sanadood ayaa xidhiidhkii France iyo Somaliland mar kale halkii uga bilaabmay si rasmi ah. Waxaanu Paris ku soo dhoweynay wakiil ka socda Somaliland, hadana markii Madaxweyne Daahir Rayaale uu yimid Paris waxa mar kale sii xoogeystay xidhiidhkii u dhexeeyey Somaliland iyo France, waxa la isla gartay wakhtigaa in la sameeyo guddi joogto ah oo labada dal xidhiidhiya si loo sameeyo hanaan lagu wada shaqeeyo, wuxu ahaa go’aan waxtar leh. Waxaan aad ugu faraxsanahay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo France. Iyadoo aad ku jirtaan xaalad adag oo aad ku nooshihiin degaan faqri ah iyo gobol aan xasiloonayn waxad dimuqraadiyada ka gaadheen heer ka sareeya wadamada qaarada Afrika intooda badan. Waxaad dalkiina dib ugu soo celiseen dadkii wax soo bartay ee dibadaha idinka joogay, taasina waa arrin lagu daydo. Doorasho xor iyo xalaal ah ayaad ku qabateen duruuftihiina dhaqaale oo qalafsan inkastoo aad caawimo dhaqaale ka hesheen bulshada caalamka xiligii doorashada. Waxay ahayd guul weyn, dadka intoodii badneyd baa ka qayb qaatay doorashada, muran kama iman qaybihii tartamayay, runtii waa tusaale wanaagsan oo mudan in lagu daydo. Imika waan ka tagayaa Djibouti waayo waxa dhamaaday wakhtigii aan safiirka ahaa”.

Dhanka kale waxa uu ambassador Dominique ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya xafiiska Somaliland ee Paris iyo dawlada France “ laga soo bilaabo bishii October 2008 waxa la sameeyey xafiiska Somaliland ee Paris, waxaana la keenay wakiil, xafiiskaasi si wanaagsan buu u shaqeeyaa, markii hore waxa xafiiska qabtay Maxamuud Siciid Nuur (Fagadhe) oo imika dhintay,haddana waxa qabtay xilka Cali Ismaaciil Xasan oo runtii khibrad wanaagsan u leh shaqada, Cali waa nin si weyn ugu firfircoon horumarinta xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo France, wuxu sameeyaa safaro uu madaxda dawlada France ku keeno Somaliland, dawlada cusub ayay u taalaa inay raacdo wadadii aanu u furay France iyo Somaliland, madaxweynaha cusub ayay sidoo kale u taalaa inuu xidhiidhka sii horumariyo” ayuu yidhi Ambassador Dominiqur Decherf.

Intaa kaddib waxa isaguna saxaafada la hadlay wakiilka Somaliland u jooga dalka France, Cali Ismaaciil Xasan, isagoo sheegay in xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo France uu haatan marayo heer wanaagsan isla markaana dawlada France danaynayso wax la qabsiga xukuumadda cusub, waxaanu intaa ku daray in doorashadii ka dhacday Somaliland ay sare u qaaday sumacadii dalka, taasoo uu sheegay inay albaabka u furayso xidhiidho dhaqaale oo caalamku la yeesho Somalialnd.

 

 

Wakiilka Somaliland u jooga dalka France, Cali Ismaaciil Xasan waxa hadaladiisa ka mid ahaa “ anigoo aan dhameystiri kareyn waxqabadkii xafiiska Somaliland ee France uu qabtay wakhtiga oo kooban dartii, haddana in yar haddii aan idiin sheego, Somaliland iyo safiirka (Dominique) waxa isugu horeysay bishii 6-aad 2008, markaas oo madaxweyne Rayaale uu marayay Djibouti iyo anigoo imid Djibouti waxan kulansiiyay Madaxweyne Daahir Rayaale iyo safiirka, waxa iigu xigay sanadkii 2008 bishii 9-aad waxan ku guuleystay in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin aan geeyo magaalada Paris ee xarunta dawlada France, markaas oo xidhiidhkii France iyo Somaliland uu heer sare sii gaadhay oo sii adkaaday, waxa haddana noogu xigtay in aanu keeno wefti balaadhan oo isugu jira xubno ka kala socda qaybaha dawlada France u qaabilsan dhaqaalaha,siyaasada, anagoo markaas bank Djibouti ku yaalay laantiisa aanu ka furay Somaliland,waxay ahayd bishii January 2009. waxa kale oo noogu xigtay bishii March sanadkii 2009 oo ay isoo raaceen safiirkan imika ila socda iyo baarlamanka Faransiiska ninka u qaabilsan Geeska Afrika, haddana waxa iigu xigay in aanu aniga iyo safiirku nimaadno bishii April ee sanadkan isagoo safiirka ay la socdaan wefti balaadhan, marka kale ee noogu xigtaana waa imika. Shacbiga reer Somaliland way mutaysteen dimuqraadiyada ee Ilaahay ha ka jasaa’i siiyo, madaxweyne Daahir Rayaale waxaan leeyahay hambalyo siddii dimuqraadiyada ahayd ee aad u aqbashay natiijadii doorashada, waxan leeyahay madaxweynaha la doortay,waxa ina sugaysa hawl adag ee aan u diyaar garowno siddii aan uga soo bixi lahayn, waxaan odhan karaa heerka dimuqraadiyada Somaliland gaadhay waxay horseedi kartaa xidhiidh dhaqaale oo wanaagsan inuu ina dhex maro dawlada France waayo waxa la sugayay waxay ahayd doorashada ”.

 

Wakiilka Somaliland ee France,Cali Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay in Faransiisku danaynayo maalgashiga dekedda Berbera oo uu sheegay inuu isagu ahaa shakhsigii xidhiidhkaasi ka shaqeeyey, waxaanu intaa ku daray inuu ka sii shaqeyn doono siddii heshiiskaasi u dhameystirmi lahaa.

 

Xubnaha kale ee weftigan la socday waxa ka mid ahaa Thierry Choiner oo ahaa xoghayaha guud ee safaaradda Faransiisku ku leeyahay dalka Djibouti iyo xoghayaha cusub ee safaarada France ku leeyahay Djibouti, xubno kale oo ka socday baarlamaanka dalka France.

Ugu dambeyntii weftigaasi waxay shalay gelinkii dambe ka dhoofeen madaarka Egal International ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku sii macasalaameeyeen wasiirka arrimaha dibedda Somalialnd, C/laahi Maxamed Ducaale, marwo Edna Aadan Ismaaciil, taliyaha sirdoonka Somaliland, Maxamed Nuur iyo dadweyne kale.

 

 

 

Source Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this