Sign in to follow this  
Liibaan

Halkee SomaliLand loo yaqaanaa?

Recommended Posts

Liibaan   

Halkee SomaliLand loo yaqaanaa?

 

[17/07/06]

 

Dhibaatooyinkii shacbiga Somaliyeed oo ku hadla Afka Soomaaliga ka soo gaaray gumeystayaashii, waxaa ka mid ahayd iyadoo la kala qaybiyey. Sababtoo ah gumeystayaashii ayaan isku mowqif ka ahayn arriimaha Somalia.

 

labo ka mid qaybihii ayaa nasiib isu helay iney midoobaan, oo kala ahaa "Italian SomaliLand iyo Biritish SomaliLand". hadaba erayga SomaliLand macnihiisu waa "Dhulkii Soomaalida"

waa magac Soomaali oo dhan ka dhexeeyey. waxaana magacaas loo Beddelay "Somalia"

Hadda magacii SomaliLand (dhulkii Soomaalida), waxaa sheegtay degaanno gaar.

 

Haddaba aan u soo noqdo Ujeeddada Cinwaanka, oo ah halkee SomaliLand loo yaqaan.

Somalia waxay u qaysan tahay Woqooyi iyo Koonfur, Woqooyiga Somaliya waa halka loo yaqaan maanta SomaliLand. Juqraafi ahaan waxay ka soo bilaabataa Xuduudka Jabuuti (Lowyacadde), Ceerigaabo ilaa Sanaag bari, marka la soo dhaafo Sool, oo la soo gaaro meel wax yar u jirta Garoowi, iyo dhanka kale meel Bosaaso wax yar u jirta. Aagaas waxaa Calaamadeeyey Gumeystihii.

 

Xayndaabkaas ama Xuduudaha SomaliLand waxaa deggan Qabaa'il kala duwan oo asal ahaan ka soo jeeda degaankaas. deegaan walba wuxuu gaar u ahaa Qabiilka halkaas deggan, waxayna weligood kala lahaayeen xuduudo. Xitaa xilligii Dowladnimada, Xuduudaha Qabaa'ilku waa jireen.

 

Markii dowladnimadii Burburtay waxaa waddankoo saameeyey dagaal Sokeeye. Qabaa'illada qaarkood waxay ku heshiiyeen inay Colaadda ka baxaan, nidaamna sameystaan, nidaamyadaas ayaa waxaa ka dhashay dowlad gobaleedyo, oo markii dambe isu rogay gooni isu taag iyo madaxbanaani. Haddaba goballada iyo degmooyinka ku jira Xayndaabka SomaliLand arrintaas ma isku raaceen. maalinta 18-ka May ma laga xusaa dhammaan degaannada ku jira Xudduudda Mustaqbalka ee aqoonsiga loo raadinaayo, oo la rabo in loo calaamadeeyo halka loo yaqaan SomaliLand. maamulka Hargeysa ma wada gaaray Xuduudda xisaabtanka ku jirta ee SomaliLand.

 

Haddaba degaannadaas aan gaarin maamulka Hargeysa, isla markaana laga xuso 1da July, waxay ku jiraan Juqraafiga la raba in loo bixiyo "SomaliLand Goverment". waana deegaannada lagu xisaabtamayo in map cusub loo sameeyo ama la goosto, laakiin muddo 15 sanadood ah maamul Hargeysa halkaas lagama aqoon, weligoodna ma arag. Siyaasiinta SomaliLandna aagaas cag ma dhigi karaan. hadaba sidee arrintaas ku suurtageliysaa, halkeese loo yaqaan SomaliLand.

 

Markii labada maamul ee SomaliLand iyo PuntLand la sameeyey, haba kala horreeyaanee, mid walba waxaa ka hirgashay maamul Shaqeeya oo dowlad leh, Madaxweyne leh, Gole Baarlamaan leh. waxayna ku heshiiyeen labo arrimood oo Dimoqraatiyada aasaas u leh oo ah:

 

1- in qolo walba maamulkeeda ay ku ekaato, oo aan wax fagelin la isku sameen, in ganacsiga la is weydaarsado oo aan la iska carqaladeen, in muwaadiinta isu gudbaan oo aan safarkooda la iska carqaladeen. in qolo walba caalamka waxay ka raadsaneyso aan la iska faragelin. sida SmaliLand oo aqoonsi raadsata, Puntland oo khayraad dabiici ah soo saaristiisa caalamka ka raadsata. qodobkaas si fiican ayuu aagaas uga hergalay.

 

2- qodobka kale ee lagu heshiiyey ayaa ah in qolo walba maamulkeeda uu ku ekaado xudduudooda. waa xudduuddii Qabaa'ilka. Taasna waa lagu heshiiyey, in Maamul walba Xudduudiisa uu ku ekaado, Taas ayaana sababtay in maamulka Hargeysa uu gaari waayo aagagga xuduudaha xisaabtanka ugu jirta.

 

Haddii qodobka 2aad la jebiyo oo xudduuda la isu soo tallaabo, waxaa halkaas ka dhacaya dagaal sokeeya oo ka xun kii Koonfurta.

 

Khilaafka ugu weyn ee ka jira geeska Afrika wuxuu ka jiraa SomaliLand Dhexdeeda, oo ah degaano rabo gooni isu taag iyo deegaano ka soo horjeeda arrintaas, oo aan u arkin Madaxbannaani, oo u arka qabiil ku soo dhulballaarsanaya, ka dibna ay Minority u noqdaan.

 

Siyaasiinta SomaliLand markay caalamka ku wareegayaan oo ay aqoonsi raadinayaan, waxay wataan Map ama deegaanno aysan wakiil ka ahayn, oo uusan maamulkooda gaarsiisneyn, laakiin ka mid ah xayndaabka SomaliLand, taasna waxay ka mid tahay beenta Somali wada fahamsan tahay, laakiin aan Caalamka fahamsaneyn.

 

Ceebaha siyaasiinta SomaliLand ka soo gaartay aaggaas, waxaa ka mid ah Caleema saarkii Garaad Jaamac oo ka dhacay Laascaanood kana mid ah deegaanada ka tirsan SomaliLand.

Garaad Jaamac waa garaad SomaliLand ah, aagiisana wuxuu ka mid yahay Xuduudda Siyaasiinta SomaliLand xisaabta ugu jirta, oo ay aqoonsi u raadinayaan.

 

Caleemasaarka Garaadka waxaa ka soo qeybgalay Madax Dhaqameedyada SomaliLand iyo Somalia inteeda kale, Laakiin Siyaasiinta SomaliLand cag ma soo dhigin oo uu ku jiro Madaxweyne ku xigeynkooda. waana deegaan SomaliLand ah laguna caleema saarayo Garaad ka mid ah Garaaddada SomaliLand. waxaase ka soo qeyb galay siyaasiinta Dowladda F.K. qaarkood waana ka qudbeeyeen. waxaa kaloo ka soo qeyb galay Madaxweynaha Puntland iyo Dowladdiisa, kana qudbeeyeen. Waxaa halkaas lagu sharxay Calanka Somalia, iyo Calanka Puntland. Calan SomaliLand iyo Siyaasiin Somalind xafladdaas laguma arag. waana magaalada ay magaceeda gacanta ku wataan oo ay caalamka aqoonsi uga raadinayaan, kana mid ah xududddda ay ku xisaabtamayaan.

 

Waxaa intaa ka sii daran khudbaddii Garaadka oo ay ka mid ahayd, inuu ka shaqeynayo midnimada Somalia. Garaadka wuxuu ka mid yahay Garaaddada SomaliLand, waxaana hoos yimaada Qabaa'il deggan aagga SomaliLand oo aan taageersaneyn gooni isu taagga.

 

Haddaba su'aasha la is weydiin karo waxay tahay halkee loo yaqaan SomaliLand.

Boohoodle oo wax yar u jirta Burco, kama mid aha Maamulka SomaliLand.

 

Beelaha u dhashay SomaliLand oo aan ka tirsaneyn maamulka Hargeysa waa iska aamusan yihiin, deegaankooda waxaa xisaabsanayay oo caalamka kula wareegaya aqoonsi raadin, maamul aysan ka tirsaneyn. waxaa mustaqbalka laga yaabaa in deegaankooda loogu soo dhaco, haddii SomaliLand la aqoonsado, in dagaal aysan hadda xisaabta ugu jirin inay madaxa la galaan. Hadaba maxaa la gudboon dadka deegaankaas degan?

 

Waa iney matelaan deegaankooda, waa iney barbar cararaan Siyaasiinta SomaliLand, caalamkana u sheegaan in deegaanka SomaliLand ay ka mid yihiin, wakiilna aysan ka aheyn Maamulka Hargeysa. waa iney dowladda ku meelgaarka cadaadis ku saaraan, iney beesha caalamka u sheegaan in deegaankooda uusan ka tirsaneyn maamulka Daahir Riyaale, laakiinse ay yihiin deegaan SomaliLand ah, kana tirsan maamulka Puntland. waa iney Jaraa'id calaamka u diraan, iyo UN-ka maqaallo ah, iney degan yihiin degaan SomaliLand ah oo aysan rabin inay Somalia ka go'aan.

 

Warbaahinta Somalida iyo Caalamka waxay hadal hayaan SomaliLand, Laakiinse halkee SomaliLand loo yaqaan.

 

Jawaabta akhristayaasha ayaan u daayey.

 

Abdullah Jaamac Boqor

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Waa iney matelaan deegaankooda, waa iney barbar cararaan Siyaasiinta SomaliLand, caalamkana u sheegaan in deegaanka SomaliLand ay ka mid yihiin,

 

 

well if they did that long time ago then their degaan woulnt have much of problem would it, instead buntland ayey moodeen tol out of tribal affiliation imikana waad aragtaa where it has got them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^obviously the people in the tiange are having milk and honey, soryy my frien there is nothing called Somaliland, we are all Somali's and it is our land..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

qudh

 

Maamulka Hergeysa is a clan based,and so is Puntland

 

Accusing only sool people clan card is bizarre and hate motivated

 

People of Laascaanood joined their tol in Garowe and Boosaaso, as people of Burco joined with their tol in Hergeysa and Barbare

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this