Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Chamber Of Commerce Meet To Discuss TFG Fake Currency. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Kulan Looga Hadlaayay Lacago Sharci daro ah Ee laga Soo dejiyey Gaalkacyo Oo Ka Dhacay Bosaaso (Sawiro)

 

July 8, 2010

 

Ujeedada ugu weynayd ee kulanka ayaa ahayd sidii looga tashan lahaa lacago sharci daro ah oo laga keenay Magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku haysay Dawladda Puntland oo markii danbeena ay kooxo hubaysan ay dib uga fara maroorsadeen,taasi oo laga cabsi qabo in ay soo gasho suuqyada Puntland.

 

Mas’uuliyiintii kulankaan ka soo qayb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha rugta Ganacsiga iyo warshadaha Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim,Duqa Degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje, Ganacsato,Isimo,Nabadoono iyo Aqoonyahano.

 

Ugu horayn ayaa waxaa ka hadalay Guddoomiyaha rugta Ganacsiga iyo warshadaha Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim isagoona sheegay in kulankoodan ay isgu yimaadeen uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen lacago sharci daro ah oo laga keenay markii hore magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu sheegay in lacagtaasi sharci darada ah ay iminka ku jirto gudaha Magaalada Galkacyo ayna haboon tahay in laga arinsado sidii looga hortagi lahaa in ay soo gasho gudaha ama suuqyada Magaalooyinka kale ee Puntland.

 

Isagoona sidoo kale sheegay in hadii ay soo gasho lacagtaasi suuqyada Puntland ay dhaawac weyn iyo sicir barar u keeneyso dadka iyo ganacsatada Puntland.

 

Duqa Degmada Boosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in lacagtan sharci darada ah ay tahay mid xaaraan ah oo mamnuuc ka ah in la soo geliyo dalka.

 

Waxaana uu sidoo kale sheegay in ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciddii lagu arko ama soo gelisa gudaha suuqyada Puntland lacagtaasi sharci darada ah.

 

Cabdicasiis Maxamed Yuusuf ‘ ‘Afgaduud” oo ah Nabadoon si weyn looga yaqaano deegaanada Puntland oo ku sugna kulanka ayaa ugu horayn ka hadalay dhibaatada ay keeni karto hadii lacagtaasi ay u soo gudubto suuqyada puntland ay sicir barar baahsan ay keeni karto hadii dawladda Puntland aysan ka hor tagin.

 

“” Waan ka daalnay,waan ka daalnay!, in aan la hadalno dawladda oo aan wax u sheegno balse waxaan wax u sheegayna shacabweynaha Puntland in ay iyagu u tashtaan Mustaqbalkooda danbe…”, ayuu yiri Nabadoon Afgaduud.

 

Qaar ka mid ah ganacsatada Magaalada Boosaaso oo iyagu xaadir ku ahaa kulanka ayaa si isku mid meel isaga wada taagay in sidii looga hortagi lahaa lacago sharci daro oo laga keenay Magaalada Muqdisho.

 

Arintan ayaa imaaneysa xili dhawaan ay kooxo hubaysan kala baxeen garoonka diyaaradaha Magaalada Galkacyo lacago sharci daro ah oo mudo ku xayirnayd halkaasi,taasi oo keeni karta hadii ay suuqyada Puntland soo gasho mid dhaawac weyn u keeni karta Shacabweynaha Puntland.

 

Cismaan Turaabi

Horseed Media

Bosaaso,Puntlad

 

P1040084.jpg

 

P1040088.jpg

 

P1040086.jpg

 

P1040091.jpg

 

P1040087.jpg

 

P1040065.jpg

 

P1040079.jpg

 

P1040081.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Dadweynaha Magaalada Qardho oo walaac ka Muujiyay Lacagihi soo galay Gaalkacyo

July 8, 2010

1 comment | leave your own!

 

Qaar ka mida ganacsatada magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo saaka ay makroofanka la dhexqaaday warbaahinta Horseed Media ayaa waxay cadeeyen inay aad uga xun yihiin lacago shiling Somali ah oo aad u farabadan kuwaasi oo magaalada Gaalkacyo lagaga faro maroojiyay ciidamada amaanka ee Puntland, lacagtaasi oo hada la sheegay inay dhex dabaalanayso suuqyada waaweyn ee dowlad goboleedka Puntland.

 

 

Maxamuud Siciid Cali wuxuu ka mid yahay ganacsatada dukuumada yar yar ku leh bartamaha magaalada Qardho, wuxuuna noo sheegay in uu aad uga xunyahay lacagta shiling Somaliga ah ee la soo gashay deegaanada Puntland, ” waxaan u arkaa lacagtaasi inay saameyn ku yeelan karto ganacsigayaga, lacagtaasu khasaare weyn ayay u geysanaysa Dollarka…… waxayna keeni karta maciishada daruuriga ah iyo Dollarka oo kor u kac ku yimaado”.

 

Sidoo kale Cali Cabdi Aadan (Laangare) oo ka mid ahaa dadki aan makroofanka la dhexqaadnay ayaa noo sheegay inay tahay wax laga xumaado in lacag aan sharci ahayn ay wadanka soo gasho taasi oo keeni karta buu yiri waa sida uu hadalka u dhigaye nidaam daro, hase ahaate Cali wuxuu ganafka ku dhuftay inay lacagtaasi waxyeelo ganacsi keeni karto, maadaama buu yiri loo baahanyahay inay dowladu nidaam u samayso isku bedelka kaashka (Somali Shiling) iyo Dollarka.

 

Dhanka dadweynaha waxaa ka mid ahaa dadki aan la kulanay Maxamed Cabdulaahi Ibraahim (Maxaadiro), wuxuuna yiri “waxay siyaadinaysa sicirir barar,waxaa imanaya khalad weyn waayo waxaa jira dad tabaryar,fuquro iyo masaakiin awalna aad bay tabartayadu u liidatay oo uma dulqaadan karno…”.

 

Si kastaba ha ahaate dareenkan ayaa soo baxay mudo yar ka dib marki koox dabley ah ay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ka qaateen lacag dan 17 bilyan iyo 500 milyan oo shiling Somali ah, taasi oo ay soo siisay Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ganacsato reer Puntland ah oo lacag dayn ah ku lahayd, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame.

 

C/rashiid Maxamed Daahir

Horseed Media

Qardho, Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Ganacsatada Oo Ka Cabanaysa Lacagtii Cusbeyd Oo Qaarkeed Soo Gashay Suuqyada Gaalkacyo.

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Ganacsatada ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa muujinaya cabasho ka dhan ah lacago cusub oo shilin Soomaali ah oo soo galay suuqyada magaalada Gaalkacyo.

 

Kadib markii maalintii shalay aheyd ay gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug soo gashay lacag cusub oo shilin Soomaali ah oo mudooyinkani ku xanibneyd Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo waxaa isbedel uu ku yimid rajada ganacsatada ee ah in dhaqaaluhu fadhiyo halkiisii hore, maadaama ay wadnaha farta ugu hayeen in lacagtaasi ay keeni karto sicir barar ku yimaada dhaqaalaha Gobolka.

 

Saaka ayaa ganacsatada suuqyada magaalada Gaalkacyo noocyadooda kala duwan waxay muujinayeen cabasho ka dhan ah lacagtaasi, waxaana ay aad uga baqdin qabaan in uu isbedel ku yimaado sarifka lacagaha, maadaama qof walba oo ganacsata ah uu waqtigani go’aan ka gaarey qabashada lacagaha shilinka Soomaaliga.

 

Waxaana xilliyadani oo kale marka ay suuqyada soo gasho lacagaha cusub ee shilin Soomaaliga ah dhacda in qiima jab weyn uu ku yimaado sarifka lacagaha, gaar ahaan waxaa ciriiri noqda helista lacagaha qalaad sida Doolarka, iyadoo lacag Soomaaliguna ay qiima beesho.

 

Ganacsatada ayaa hadalkooda ama fikirkooda ku sheegay in xalka kaliya ee wax lagu badbaadin karo uu yahay in lacagtaasi gebi ahaanba aan la qaadan oo la karantiilo, haddii kale in ay sababi karto dhaqaale burbur aan laga soo kabsan karin.

 

Lacagtani cusub ee ay ganacsatadu ka cabaneyso ayaa 23 June ee aynu soo dhaafney ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, waxaana watey oo magaalada Muqdisho ka keensadey Haween u dhashay Puntland, kuwaasi oo lacagta loo soo siiyey amaah ay ku lahaayeen dawladda KMG Soomaaliya, iyadoo cadadka lacagtuna dhan yahay 17 Billion oo Shilinka Soomaaliga ah.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garowe: Dadweynaha oo Ka Walwalsan Lacagta Cusub

 

(Garowe) RBC: Shacabka ku dhaqan Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaaa walaac xogan ka muujiyay lacago dhawaan ay soo daabacday DKMG ah ee Soomaaliya oo habeen hore kooxa hubaysan ka dhaceen garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

 

Dadka waxa ay sheegeen in ay ka baqdin ka qabaan in lacagaahaa ay ku faafaan Suuqyad Punland islamarkaana ay keenaan sicir barar ku yimaada habka iminka wax u socdaan ama hoos u dhiga dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland .

 

Shacabku waxa ay sheegeen in ay ka codsanayaan Dowlada in ay xooga saarto arintaa oo ay ku sheegeen hadii aan laga hortagin in sicir barar xoogan uu hareereey doono suuqyada Puntland kaas oo saameeyay guud ahaan Puntland

 

Xaliimo Cali Faarax oo ka mid ah gancsatada xoogsatada ah ee ku gancsada suuqa inji ayaa tilmaamtay in aay aad uga walaac santahay lacagahaa falsada ah ee soo galay Suuqyada Puntland .

 

Maalintii shalay ayaa Maamulka Puntland ku goodiyay in tilaaba uu ka qaadi doono cidii lugu arko iyada oo isticmaalaysa hasa ahaatee waxaa dadku aay u hadal hayan hadii ay dhacdo in suuqyada gasho samaynta ay yeelan karto

 

Tan iyo xiligii lacagtaa soo gashay deegaanada Puntland dadku wax y ka kala bixinayeen fikrada kala duwan waxa ayna qaarkood sheegeen in aay aad uga wlaac sanyihiin sicir barar mr kale ka dhaca suuqyada Puntland iyadoo kii hada ka hor ka dhacay suuqyada Puntland dadku aad u xasuustaan.

 

Ma ahan markii ugu horaysay ee dadku walaac ka muujiyan lacagta faraha badan ee lugu dhacay garoonka Magaalada Gaalkacyo habeen hore waxa ayna dhoor jeer ka codsadeen dowlada in ay ku dadaashi si lacagtaa ay galin suuqyada Puntland.

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo Shacabka uga Digay Lacagta Faalsada ah (Dhageyso)

 

(Garowe) RBC: Waxaa maanta shir Jaraa,id si wada jir ah ugu qabtay xarunta idaacada Radio Garowe ee caasimada Puntland Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo duqa Magaalada Garowe .

 

Shirkaa jaa,d ayay waxaa ay kaga hadleen lacago falsa ah oo soo gashay deegaanada Puntland taas oo qayba ka mid ah lugu dhacay Garoonka diyuuradaha Magaalada Gaalkacyo

 

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirse ayaa shirkiisa Jaraa,id ku sheegay cidii lugu arko iyada oo isticmaalaysa lacagtaa falsada ah in tilaaba ka qaadi doono Maamulka Gobalka Nugaal.

 

Waxuuna sheegay in Ciidanka amniga ay aad u koontorooli doonaan gaadiidka soogala Magaalada iyo kan ka baxa islamarkaana aad loo adakayn doono amniga labada kontorool ee Caasimada iyo degmooyinka hoos yimaada .

 

Gudoomiyaha aaya sidoo kale sheegay in ganacsatada ay uga digayaan in ay shacabkooda dhibaata u horseedin kana hortgaan cidii sicir barar rabto in deegaanka ay ku soo kordhiso .

 

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi xirse ayaa dhinaca kale sheegay in looga baahan yahay shacabka in ay ka shaqeeyaan amniga Caasimada iyo degmoouinka kale ee Gobalka .

 

Waxuuna tilmaamay cidii lugu arko iyada oo wadata hub sharci dara ah in Maamulka tilaaba ka qaadi doono oo aan loo dul qaadan doonin waxuuna ugu baaqay shacabka in amniga ka shaqeeyaan oo gacan ka gaystaan.

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxamaan ilkacase

 

Nugal Govenor Speaks Out. Audio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Somalia: Looters steal false Somali currency from Puntland airport

8 Jul 8, 2010 - 9:08:10 AM

 

Unidentified looters stole some 17.5 billion Somali Shillings (approx. $531,000 USD) that was recently nabbed by Puntland security officers at Galkayo Airport, in central Mudug region, Radio Garowe reports.

 

The incident occured around late Tuesday night and the Puntland government has called for an immediate investigation into the robbery.

 

The false currency was sent from Mogadishu on a plane later seized by Puntland security forces at Galkayo Airport two weeks ago. The government ordered a freeze on the money from entering Puntland markets pending an investigation and a final decision.

 

Somali Shillings

 

The money was given to two Puntland businesswomen as a clearance for outstanding debts from the former president of the Transitional Federal Government President, Mr. Abdullahi Yusuf Ahmed.

 

Mr. Abdi Ibrahim Warsame (Qowdhan), Puntland's Deputy Minister of Finance who is also Acting Minister of Finance, said the government had arranged an alternative legal compensation to the two women who brought in the money from Mogadishu and get hold of the money before its spread.

 

"The government offered to the creditors an alternative legal compensation to settle the outstanding debts of the TFG," he said in a statement.

 

"...But militia members and other individuals involved in the initial transportation of the illegal currency looted the cargo. The collaborators of this illegal looting are still at large in Mogadishu and outside the Somali territory," he added.

 

Puntland promised to appoint a fact-finding commission to investigate and identify culprits and conspirators involved in the looting at Galkayo Airport, warning that anyone found guilty will face punishment according to the law

 

President Abdirahman Farole's government which fought relentless to get rid of counterfeit Shilling that has severely caused inflation in the region has stated that it would not allow the circulation or the usage of the currency in the areas under its control.

 

The embattled government in Mogadishu under current TFG President Sheikh Sharif Ahmed confirmed to Puntland authorities that the TFG handed the two creditors the 17.5billion Somali Shillings to pay off TFG debts incurred under the former administration.

 

Somalia has had no effective national government for 20 years and the current UN-backed Transitional Federal Government (TFG) operates under the mercy of African Union peacekeeping troops, which control only the capital's seaport, airport and Presidential Palace.

 

RELATED:

READ: Somalia: Illegal Bank Notes Entering Puntland [Govt Press Release]

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this