Sign in to follow this  
Cowke

East Africa University Opens New Research Development Center Wing. PICS

Recommended Posts

Cowke   

Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta oo Laga Furay Magaalada Boosaaso (Daawo Sawiro)

 

side_eau_under_menu.jpg

 

Boosaaso (RBC Radio) Jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso ayaa furtay qeyb cusub oo ka tirsan jaamacada taasi oo qaabilsan cilmi baarista iyo horumarinta.

 

Munaasabad ballaaran oo ka dhacay xarunta jaamacada ayaa si rasmi ah xariga looga jaray xaruntan cusub iyadoo furitaanka xaruntan lagu soo beegay toddobaadka cilmi baarista oo haatan ka socda jaamacada.

 

Masuuliyiinta jaamacada Bariga Afrika, masuuliyiinta maamulka dowlada iyo waxgaradka ayaa ku tilmaamay xarunta cusub ee cilmi baarista mid wax ka tari doonta horumarinta guud ahaan dalka.

 

Ku simaha gudoomiyaha jaamacada Bariga Afrika Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ka hadlay furitaankii xarintan cusub ee cilmi baarista iyo horumarinta (Research and Development Center) ayaa sheegay in ujeedada ay ka leeyihiin ay tahay sidii loo heli lahaa daraasado cilmi ku dhisan oo ku wajahan kheyraadka dalka gaar ahaan xoolaha iyo kheyraadka badda oo ay labada shey ee ay Soomaalida Alle ku maneystey.

 

 

Dr. Saadaq Eenow oo ka mid ah macalimiinta jaamacada isla markaana qoraa caan ah ayaa sheegay in cilmi baarista dhabta ah ay wax ka tari karto isbedel lagu sameeyo nolosha dadka, wuxuuna Dr. Eenow si gaar ah u tilmaamay baahida Soomaalidu xilligan u qabto cilmi baaris.

 

 

Gen Cali Ismaaciil oo ka tirsanaa ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed isla markaana sanadihii la soo dhaafay sameeyey qoraalo buugaag dhowr ah ayaa isaguna ka sheegay goobtaasi in dadka Soomaalida aysan dareemin in waxa kaliya ee dhibaatada ku yaraan karto ay tahay cilmi iyo caqli la isku daro taasi oo bulshadana lagu mideyn karo.

 

Waxaa xafladan oo ahayd mid dheer isla markaana aad u xiise badneyd ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin maamulka iyo waxgarad isugu jira isimo iyo aqoonyahan ku nool Boosaaso.

 

 

Waxaa sidoo kale furitaanka xarunta cilmi baarista goob joog ka ahaa masuuliyiinta Jaamacada Muqdisho qeybteeda Puntland.

 

Intii ay socotay munaasabadan lagu daahfuray xarunta cilmi baarista iyo horumarinta waxaa barbar socday bandhig qaan masrixiyeed loo soo agaasimay oo ay ka qeybqaateen fanaaniin Boosaaso kuwaasi oo ruwaayad maad ah ku metelay sida dadka ay ugu baahan yihiin cilmi kororsiga. Gaar ahaan waqtiga ardeygu Jaamacada dhameeyo oo sida badan ardey badan aaney dib ugu laaban waxbarashada halkaasina ku joojiyaan.

 

Ardey gaareysa illaa dhowr biqol ayaa ka qeybqaadanaya dood cilmiyeed mudo toddobaad ah ka soconaya xarunta jaamacada halkaasi oo ay sidoo kale muxaadaro cilmiyeed ka jeedinayaan aqoonyahano, macalimiinta jaamacadaha iyo qorayaal caan ah oo lagu marti qaaday todobaadkan oo loogu magac daray ‘Toddobaadka Cilmi Baarista iyo Horumarka’.

 

Waxaana inta uu socdo kulan cilmiyeedkan la filayaa in bahda waxbarashada iyo dadka daneeya horumarka tacliinta u suura geli doonta inay su’aalo weydiiyaan aqoonyahana ka soo qeybgaleysa munaasabada dood cimiyeedka ah.

 

Waa markii ugu horeysay oo xarin dhan oo qaabilsan cilmi baaris laga hirgaliyo Puntland, waxaana la rajeynayaa in xaruntan ay wax badan ka bedeli doonto baaritaanada cilmiga ah ee ay u baahan yihiin dad badan oo ku lug leh hawlaha tacliinta xilligan ama horey u daneynayey inay cilmi baaris u tagaan meelo kale.

 

Cabdalle Muumin

RBC Radio

 

xaf31.jpg

 

xaf81.jpg

 

xaf121.jpg

 

xaf61.jpg

 

xaf0.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

This research facilities will really help in placing puntlanders in the forefront in research development areas after 10-20 years!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this