Sign in to follow this  
General Duke

PM Sharmarke flies to Turkey

Recommended Posts

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo todobaadkii uu hore uu ku dhawaaqay in uu kala diray Xukuumadii KMG ahayd, uuna soo dhisayo Raysalwasaare cusub oo wax ka qabta xaalada, markaasna uu barbarkiisa midig kaga d

20. maj 2010

 

APL

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Raysalwasaaraha KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku sii jeeda dalka Kenya, sida ay sheegayaan shaqsiyaad ka ag dhaw Aqalka Raysalwasaaraha KMG ah, wuxuuna halkaasi kula kulmayaa xubin sare oo ka tirsan dawladdaha Midowga Yurub oo ay kala hadli doonaan xaaladaha qalafsan ee dalka Soomaaliya iyo kaalinta Reer Yurub.

 

Raysalwasaaraha KMG ah oo taageero wanaagsan ka haysta Reer Yurub, ayaa kala hadli doona sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Burcad Badeeda, Khilaafka TFG-da iyo arrimo kale oo ay ku jiran lacagaha lasiiyo dawladda uu ka tirsan yahay.

 

Goor sii horaysay ayaa la shaaciyey in ay haweenaydan la kulmayso Madaxda dawladda KMG ah, gaar ahaana Madaxweynaha KMG ah, balse taasi ayaa la baajiyey sida ay sheegayaan qaar kamid xoghaymaha Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya, maadaama uu hada joogo gudaha Muqdisho, islamarkaasna uu ku dhex jiro howlaha badan oo ay leedahay dawladda KMG ah.

 

Raysalwasaaraha ayaa hada ku sii jeeda Magaalada Nayrobi, ka dibna wuxuu aadi doonaa dalka Turkiga oo uu kaga qeybgalayo wada xaajoodyada looga hadlayo xaaladaha dalka Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan maamulada dalka Soomaaliya.

 

Dawladdaha Reer Yurub ayaa taageero wanaagsan siiya Xukuumada KMG ah ee itaalka daran oo maamusha 2KM oo ka mid ah Muqdisho, waxa ayna dhawaan si toos ah uga hiiliyeen Raysalwasaaraha Soomaaliya khilaafkii magaalada Muqdisho.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this