Saalax Posted June 30, 2010 Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa wareegto uu soo saaray ku xanibey dhamaan hawlihii shaqo ee Garoonka magaalada Gaalkacyo. Faroole oo wareegtadiisa sabab uga dhigay lacag Faalso ah oo la sheegay in Gaalkacyo la keenay ayaa hadana waxaa arintan ku hoos jirta Siyaasada kale. Lacagta la sheegay in ay soo gaadhay Garoonka ayaa ah mid gudaha ugu jirta magaalada isla markaana maaha lacag laga hortagayo hada, taasoo shaki ku dhalisay shacabka waxa loo xidhay garoonka maadaba lacagta lagu andacoonayo in ay Faalso tahay ay ku jirto gudaha magaalada Gaalkacyo. Wareegtadan uu Mr: Faroole ku mamnuucay dhamaan Duulimaadyadii imaan jirey Gaalkacyo ayaa loo sababeenayaan arin siyaasadeed, taasoo uu ku doonayo in uu kaga hortago dhaq dhaqaaqyo ay wadaan Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Mudug kuwaasoo inta badan magaalada kana baxa soona gala. Waxaa kaloo Faroole aan waayadanba gacan ugu jirin magaalada Gaalkacayo, taasoo ay saldhig ka dhigteen rag hore uga tirsanaan jirey xukumadii Cadde Muuse iyo Federaalkii C/Laahi Yuusuf. Waxaana la sheegay in xubnahani ay aad ugu kacsan yihiin siyaasada Guracan ee Faroole, ayagoo aaminsan in Puntland uu Bur burshey Faroole isla markaana ay tahay in la Badbaadsho. Isku soo wada duubo shacabka Mudug ayaa la dhawrayaa jawaabta ay ka bixiyaan Cunaqabateynta Faroole, ayadoo qorshe kale oo Faroole ku doonayo in Qaadka ka soo daga Gaalkacyo loo soo weeciyo Garoowe uu jiro isla markaana uu doonayo in waxii dhaq dhaqaaq diyaaradeed ah oo idil uu hoos keeno Garoowe oo ah magaalada uu ka soo jeedo faroole. Jidbaale Quote Share this post Link to post Share on other sites