Sign in to follow this  
Saalax

Faroole Oo Cuno Qabateeyey Gaalkacyo

Recommended Posts

Saalax   

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa wareegto uu soo saaray ku xanibey dhamaan hawlihii shaqo ee Garoonka magaalada Gaalkacyo. Faroole oo wareegtadiisa sabab uga dhigay lacag Faalso ah oo la sheegay in Gaalkacyo la keenay ayaa hadana waxaa arintan ku hoos jirta Siyaasada kale.

 

 

 

Lacagta la sheegay in ay soo gaadhay Garoonka ayaa ah mid gudaha ugu jirta magaalada isla markaana maaha lacag laga hortagayo hada, taasoo shaki ku dhalisay shacabka waxa loo xidhay garoonka maadaba lacagta lagu andacoonayo in ay Faalso tahay ay ku jirto gudaha magaalada Gaalkacyo.

 

Wareegtadan uu Mr: Faroole ku mamnuucay dhamaan Duulimaadyadii imaan jirey Gaalkacyo ayaa loo sababeenayaan arin siyaasadeed, taasoo uu ku doonayo in uu kaga hortago dhaq dhaqaaqyo ay wadaan Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Mudug kuwaasoo inta badan magaalada kana baxa soona gala.

 

Waxaa kaloo Faroole aan waayadanba gacan ugu jirin magaalada Gaalkacayo, taasoo ay saldhig ka dhigteen rag hore uga tirsanaan jirey xukumadii Cadde Muuse iyo Federaalkii C/Laahi Yuusuf. Waxaana la sheegay in xubnahani ay aad ugu kacsan yihiin siyaasada Guracan ee Faroole, ayagoo aaminsan in Puntland uu Bur burshey Faroole isla markaana ay tahay in la Badbaadsho.

 

Isku soo wada duubo shacabka Mudug ayaa la dhawrayaa jawaabta ay ka bixiyaan Cunaqabateynta Faroole, ayadoo qorshe kale oo Faroole ku doonayo in Qaadka ka soo daga Gaalkacyo loo soo weeciyo Garoowe uu jiro isla markaana uu doonayo in waxii dhaq dhaqaaq diyaaradeed ah oo idil uu hoos keeno Garoowe oo ah magaalada uu ka soo jeedo faroole.

 

 

 

Jidbaale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this