Mr. Somalia Posted November 30, 2009 Source: GURXAN: “Mirqaankaad maqasheen waa Naf mowtideed la cadaa'boo Mootan oon is ogaynoo Maqsin foorno la moodoo Marfash baas lagu sheegoo Daaqaddii la malaasoo Albaabkii laga moosoo dhammac miici galooliyo Maygaag weyn dhuxushiisa Markaa laysu dul saaray……” GURXAN: “Mijaynoow minna naar Magane cawdu billaah Ma waasheen ummadaasi Waar mallaa ma jiraanba?” WAA MAXAY MIRQAAN? “Mirqaan waa naf awoowgeed iyo asuulkeedba la gubay, oo lagu aabudhay qol billaa daaqad ah oo dhammaci ka holcayso, taasoo lagu cabudhiyay dhawr baakidh oo sigaar ah iyo tennekad bigays ah; Miriqaankaad maqasheen waa naftaa sirinsirqaysan, ee markay kob ay ka baxdo weydo indhuhu bannaanka u soo boodaan.” Ayuu ku tiraabay nin reer Somali Galbeed ah oo aanan magaciisa hayn. Haddaba, murtidan ayaa soo gaadhay Gurxan & Bulxan (G & B) oo sidaad hore ula socoteenba ahaa laba nin oo aallaaba figradahoodu isku yihiin “Maan Barreey & Maan Billaal”. Haseyeeshee, doorkan waxay u wada guuxeen murtidan sare ku xusun, waxayna aragtiyo isku dhaw ka muujiyeen dhibaatooyinka Qaadku keeno ee ay ka mid yihiin: 1) Mirqaan-Raadis, 2) Dhammac-Oogis, 3) Sigaar-Fuuqis, 4) Shaah-Qalaxsi, 5) Badhgo-Qaylsi, 6) Dubaab-Qaadis, 7) Qaadiraysni, IWM. GURXAN 1: Mirqaankaad maqasheen waa Naf mowtideed la ca*****o Mootan oon is ogaynoo Maqsin foorno la moodoo Marfash baas lagu sheegoo Daaqaddii la malaasoo Albaabkii laga moosoo dhammac miici galooliyo Maygaag weyn dhuxushiisa Markaa laysu dul saaray! Meeshaa laysku bukhuuree Miciinkii laga dhaarshay Bay mirqaan ka dayaane Maandhe sow lama yaabtid! BULXAN 1: Dabkaa naarta la moodo Marka uu miir dillaacee Dhididku meel walba daato Dhex-mushaaxo jidhkoo dhan Mijin qaad lagu sheegoo Oday aan sanad maydhan Oogadiisa maddowga Uskaga miiddale heerku Midabaystay korkiisu Farahiisa millaalmay Laga maydhin habeeda Murduufkuu ku xidhaayo Maydhaxduu ku jiqsiiyee Ku maroojin yaqaano Markuu boog xoqanaayo Malaxdii ka da’aysay Caleentuu marinaayay Bay markaa ragga qaadku Iyagoon ka mishiiqsan Misna aan wis-wisaynin Ay sidii wax marraadla Jilibka ugu mutaanoo Aan mirqaano dhahaane Maandhe sow lama yaabtid! (GUXAN &BULXAN) Hooris! Mijaynoow minna naar Magane cawdu billaah Ma waasheen ummadaasi Waar mallaa ma jiraanba? GURXAN 2: Markay baakidh sigaar ah Mallow qiiq ka madow leh Sambabka meello daloosha Kansar-mowdle horseeda Oon midhkaa dux lahayn Ay sidii warshad miigan Marraaqii la shidaayay Markab shoolad taagtay Qiiq mudhaa kaga saari Aan mirqaano dhahaan Maandhe sow lama yaabtid? BULXAN 2: Markuu shaaha cabayaayo Madawgiisa bigeyska Mallihii toban koomboon Midna aan laga maydhin Bullooy sheeko macaanto Uga miisto maraadkuu Intuu qoorta maroojo Marba gees is majiiro Meelaan rooba ka muuqan Meeshaasaa tus jiraayoo Mayay baa di’i doonoo Mirqaankaa illa jiidhee Bal maleeya yidhaahdo! Maandhe sow lama yaabtid? (GUXAN &BULXAN) Hooris! Mijaynoow minna naar Magane cawdu billaah Ma waasheen ummadaasi Waar mallaa ma jiraanba? GURXAN 3: Markuu qaadku dhammaado Indhaha uu kor majiiro Ku madiixo callaacal Anigoo mijin haystaa Hebel laan iga maagoo Anna maanan masuugine Ku maqiiqay caqaar dhan Badhgo’ baan ahay maante Mar kalaan bixin doonaa Adeeroow wax ma haysaa Eedooy maanta I daymi Uu dul meero shaxaadtan Orod meesha ka foof tag Oday seedo maxaadhle Amaahdii hore meeday Errey loogu majiibo Isagoo ill miskiin leh Ilko huuro madow leh Af-qashuushni ka muuqdo Ardaaguu meehanaabo Adba maanad la yaabin? BULXAN 3: Markuu seexdo habeenkii Dubaab waa mushkillee Bisad dhoollaha miiqan Baa ku baacin midh jiir ah Naf malay malab weeyee Isagood murjin moodoo U maqiiqan si waallan Midhicirkiyo ubucdiisu Meesha ay ku kulmaanbu Ka muquuran caloosha! Dabba jiir ma muc weynee Midigtiisu halleeshay Mirqin dhuuban ahayde Miskahaa sabarkooday Ka ruqdaa mullacdeedu Madaxa qoortiyo laabtiyo Mudkii oo isku yaalloo Murguxan baa ku go’aaya Mana qayshan karraayo Mana qiil kale keennee Markuu quuqda guraayo Ummadii qosol maagto Quus miyaadan ka joogsan? SAMATAR: Adeer, aniga waad I ogtihiin oo sidiina tix ma tiriyo, laakiin waxaan idiin sheegayaa arintan labadiinuba waad asiibteen! Waxaadse ilowdeen qaadka dhibkiisu kuma dhammaado badhgo’a ee wuxuu ku dhammaadaa Qaadirada. Qaad cunne qaadiro wuu yaqaanaa, Ilka-caddana looga qisoon maayo! Waxaanse idin xusuusinayaa, Somalidu cadawyo badan bay leedahay, kuwo waa dabiici sida Abaaraha oo kale, oo iyaga illaahay baa SWT keena; Laakiin 3 Aafo oo 9 Wax Dhimma keena, dhammaantoodna wax laga qaban karo ayaa Soomaalida dullaystay: 3daa Aafo waxay kala yihiin: B) Collaad , T) Qaad, iyo J) Jahli. Sagaalka wax-dhimma ee ay keenaana waa: B) Collaadu; dadka, dalka, iyo duunyadaba way dhintaa! T) Qaadku; maalka, maskaxda, iyo muruqa ayuu dhimmaa! J) Jahligu; horumarka, hanuunka-Alle, iyo hal-fahanka ayuu dhimmaa ! Haddaba, xalka aafooyinkan sare ku xusani waa sadex heer: Xal-Qarran, Xal-Qoys, iyo Xal-Qof. COLLAADA; Dad baddan baa huriya, sidaadarteed, Qarranka ayaa daminteeda looga fadhiyaa! QAADKU; Waa Abaarta 2aad ee qarnigan, sidaadarteed, xalkiisa Qofka cunna ayaa looga fadhiyaa! JAHLIGA; “Aqoon la’aani waa iftiin la’aan”, sidaa darteed, Qoyskaa inay caruurtu waxbarasho u hesho looga fadhiyaa! Axmed-Assad, MurtiSoor (G & B) Ahmedy98@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites