Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Qaad Bi’iye (Gurxan Bulxan)

Recommended Posts

Source:

 

GURXAN:

 

“Mirqaankaad maqasheen waa

Naf mowtideed la cadaa'boo

Mootan oon is ogaynoo

Maqsin foorno la moodoo

Marfash baas lagu sheegoo

Daaqaddii la malaasoo

Albaabkii laga moosoo

dhammac miici galooliyo

Maygaag weyn dhuxushiisa

Markaa laysu dul saaray……”

 

GURXAN:

“Mijaynoow minna naar

Magane cawdu billaah

Ma waasheen ummadaasi

Waar mallaa ma jiraanba?”

 

 

WAA MAXAY MIRQAAN?

 

“Mirqaan waa naf awoowgeed iyo asuulkeedba la gubay, oo lagu aabudhay qol billaa daaqad ah oo

dhammaci ka holcayso, taasoo lagu cabudhiyay dhawr baakidh oo sigaar ah iyo tennekad bigays ah;

Miriqaankaad maqasheen waa naftaa sirinsirqaysan, ee markay kob ay ka baxdo weydo indhuhu

bannaanka u soo boodaan.” Ayuu ku tiraabay nin reer Somali Galbeed ah oo aanan magaciisa hayn.

Haddaba, murtidan ayaa soo gaadhay Gurxan & Bulxan (G & B) oo sidaad hore ula socoteenba ahaa

laba nin oo aallaaba figradahoodu isku yihiin “Maan Barreey & Maan Billaal”. Haseyeeshee, doorkan waxay u wada guuxeen murtidan sare ku xusun, waxayna aragtiyo isku dhaw ka muujiyeen

dhibaatooyinka Qaadku keeno ee ay ka mid yihiin: 1) Mirqaan-Raadis, 2) Dhammac-Oogis, 3)

Sigaar-Fuuqis, 4) Shaah-Qalaxsi, 5) Badhgo-Qaylsi, 6) Dubaab-Qaadis, 7) Qaadiraysni, IWM.

 

GURXAN 1:

Mirqaankaad maqasheen waa

Naf mowtideed la ca*****o

Mootan oon is ogaynoo

Maqsin foorno la moodoo

Marfash baas lagu sheegoo

Daaqaddii la malaasoo

Albaabkii laga moosoo

dhammac miici galooliyo

Maygaag weyn dhuxushiisa

Markaa laysu dul saaray!

Meeshaa laysku bukhuuree

Miciinkii laga dhaarshay

Bay mirqaan ka dayaane

Maandhe sow lama yaabtid!

 

BULXAN 1:

Dabkaa naarta la moodo

Marka uu miir dillaacee

Dhididku meel walba daato

Dhex-mushaaxo jidhkoo dhan

Mijin qaad lagu sheegoo

Oday aan sanad maydhan

Oogadiisa maddowga

Uskaga miiddale heerku

Midabaystay korkiisu

Farahiisa millaalmay

Laga maydhin habeeda

Murduufkuu ku xidhaayo

Maydhaxduu ku jiqsiiyee

Ku maroojin yaqaano

Markuu boog xoqanaayo

Malaxdii ka da’aysay

Caleentuu marinaayay

Bay markaa ragga qaadku

Iyagoon ka mishiiqsan

Misna aan wis-wisaynin

Ay sidii wax marraadla

Jilibka ugu mutaanoo

Aan mirqaano dhahaane

Maandhe sow lama yaabtid!

 

(GUXAN &BULXAN) Hooris!

Mijaynoow minna naar

Magane cawdu billaah

Ma waasheen ummadaasi

Waar mallaa ma jiraanba?

 

GURXAN 2:

Markay baakidh sigaar ah

Mallow qiiq ka madow leh

Sambabka meello daloosha

Kansar-mowdle horseeda

Oon midhkaa dux lahayn

Ay sidii warshad miigan

Marraaqii la shidaayay

Markab shoolad taagtay

Qiiq mudhaa kaga saari

Aan mirqaano dhahaan

Maandhe sow lama yaabtid?

 

BULXAN 2:

Markuu shaaha cabayaayo

Madawgiisa bigeyska

Mallihii toban koomboon

Midna aan laga maydhin

Bullooy sheeko macaanto

Uga miisto maraadkuu

Intuu qoorta maroojo

Marba gees is majiiro

Meelaan rooba ka muuqan

Meeshaasaa tus jiraayoo

Mayay baa di’i doonoo

Mirqaankaa illa jiidhee

Bal maleeya yidhaahdo!

Maandhe sow lama yaabtid?

 

(GUXAN &BULXAN) Hooris!

Mijaynoow minna naar

Magane cawdu billaah

Ma waasheen ummadaasi

Waar mallaa ma jiraanba?

 

GURXAN 3:

Markuu qaadku dhammaado

Indhaha uu kor majiiro

Ku madiixo callaacal

Anigoo mijin haystaa

Hebel laan iga maagoo

Anna maanan masuugine

Ku maqiiqay caqaar dhan

Badhgo’ baan ahay maante

Mar kalaan bixin doonaa

Adeeroow wax ma haysaa

Eedooy maanta I daymi

Uu dul meero shaxaadtan

Orod meesha ka foof tag

Oday seedo maxaadhle

Amaahdii hore meeday

Errey loogu majiibo

Isagoo ill miskiin leh

Ilko huuro madow leh

Af-qashuushni ka muuqdo

Ardaaguu meehanaabo

Adba maanad la yaabin?

 

BULXAN 3:

Markuu seexdo habeenkii

Dubaab waa mushkillee

Bisad dhoollaha miiqan

Baa ku baacin midh jiir ah

Naf malay malab weeyee

Isagood murjin moodoo

U maqiiqan si waallan

Midhicirkiyo ubucdiisu

Meesha ay ku kulmaanbu

Ka muquuran caloosha!

Dabba jiir ma muc weynee

Midigtiisu halleeshay

Mirqin dhuuban ahayde

Miskahaa sabarkooday

Ka ruqdaa mullacdeedu

Madaxa qoortiyo laabtiyo

Mudkii oo isku yaalloo

Murguxan baa ku go’aaya

Mana qayshan karraayo

Mana qiil kale keennee

Markuu quuqda guraayo

Ummadii qosol maagto

Quus miyaadan ka joogsan?

 

SAMATAR: Adeer, aniga waad I ogtihiin oo sidiina tix ma tiriyo, laakiin waxaan idiin sheegayaa arintan labadiinuba waad asiibteen! Waxaadse ilowdeen qaadka dhibkiisu kuma dhammaado badhgo’a ee wuxuu ku dhammaadaa Qaadirada. Qaad cunne qaadiro wuu yaqaanaa, Ilka-caddana looga qisoon maayo! Waxaanse idin xusuusinayaa, Somalidu cadawyo badan bay leedahay, kuwo waa dabiici sida Abaaraha oo kale, oo iyaga illaahay baa SWT keena; Laakiin 3 Aafo oo 9 Wax Dhimma keena, dhammaantoodna wax laga qaban karo ayaa Soomaalida dullaystay: 3daa Aafo waxay kala yihiin: B) Collaad , T) Qaad, iyo J) Jahli.

Sagaalka wax-dhimma ee ay keenaana waa:

B) Collaadu; dadka, dalka, iyo duunyadaba way dhintaa!

T) Qaadku; maalka, maskaxda, iyo muruqa ayuu dhimmaa!

J) Jahligu; horumarka, hanuunka-Alle, iyo hal-fahanka ayuu dhimmaa !

 

Haddaba, xalka aafooyinkan sare ku xusani waa sadex heer: Xal-Qarran, Xal-Qoys, iyo Xal-Qof.

 

COLLAADA; Dad baddan baa huriya, sidaadarteed, Qarranka ayaa daminteeda looga fadhiyaa!

QAADKU; Waa Abaarta 2aad ee qarnigan, sidaadarteed, xalkiisa Qofka cunna ayaa looga fadhiyaa!

JAHLIGA; “Aqoon la’aani waa iftiin la’aan”, sidaa darteed, Qoyskaa inay caruurtu waxbarasho u hesho looga fadhiyaa!

 

Axmed-Assad, MurtiSoor (G & B)

Ahmedy98@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this