Cowke Posted April 26, 2010 Wasaarada Deeganka ee Puntland oo Maantey soo bandhigtay mashaaric Biyo Xireen ah oo laga Fulinayo Gobollada Nugal & Karkaar. Garowe, Apr 25 - Shir Balaaran oo Ay Soo Agaasintey Wasaarada Deegaanka, Daaqa & Duurjoogta Dawlada Puntland ayaa Maantey ka Dhacay Xarunta Gobolka ee Magaalada Garoowe, Waxaana goob joog ka ahaa Madax ka Tirsan Golaha Wasiirada, Madaxda Gobolka, iyo Wakiilo Hay'adeed. Shirkaan ayaa Waxaa uu ahaa shir ku Saabsan Mashaariic ay soo Bandhigtey Wasaaradu Taaso ah Mashaariic Biyo Xireen ah Wasaaradu ay ka Fulineysaa Mashaariicdaan Gobollada Karkaar iyo Nuugaal. Waxaa ugu Horeyntii Shirkaan Furay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Deegaanka, Daaqa & Duurjoogta Dawlada Puntland Mudane Cismaan Cawad Waxaana uu Wasiirku Sheegey Mahiimada ay Bulshada Reer Puntland u Leedahay Mashaariicdaan. Wasiirka Ayaa Sheegay iney Jiraan Dhul Faro Badan oo Qarka u Saaran inuu Noqdo Togag Waaweyn iyadoo uu intaasi ku Daray in Qof kastaa oo Reer Puntland ah ay Mas'uulid ka Saaran tahay Dhulkiisa iyo Deegaankiisa. Shirkaan oo ay ka Hadleen Masuuliyiin uu ka Mid yahay Wasiirka Maamul Wanaagada Dawlada Puntland Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Masuuliyiin ku Hadlay Afka Madaxda Gobolka Nuugaal iyo Wakiilo ka Kala Socdey Ha'adaha UNICEF Iyo ILO oo iyagu hirgelinaya mashaariicda, oo sida la sheegay ay maalgelinayso Japan. Mashruucaan Biyo Xireenka ah ayaa Waxaa Fan ku Bixiyay Hay'adaha UNICEF Iyo ILO Waxaana Wakiiladii u Hadlay Ay Sheegeen iney Mashruucaan ay ka Faa'iideysan Doonaan Boqolaal Dhalinyaro Reer Puntland ah. Shirkaan ayaa Waxaa uu ku soo Dhamaadey Jawi aad u wanaagsan iyo Sidii Loogu Tala galay, Waana Markii ugu Horeys oo Deegaanada Puntland Laga Hirgaliyo Mashruuc Biyo Xireenna ah. Maxamed C/lahi Cali 'Kooshin' Daljir, Garowe You can listen to the press conference hereHere Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted April 26, 2010 Dont you have to have a biyo first before aadan biyaha xirin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted April 26, 2010 Ducaysane, There is canals around karkaar/nugaal and river-streams all over the Puntland Region. They just not as big as the webi shabelle, however a dam construction in nugaal and karkaar will be excellent developments for the people. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted April 26, 2010 Calling for trouble. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 26, 2010 Originally posted by Mansa Munsa: Calling for trouble. Why? Quote Share this post Link to post Share on other sites