Sign in to follow this  
Dhuujiye

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Bilowday Olole ku aadan Talaalka Caruurta

Recommended Posts

Dhuujiye   

copy from hiiraan online

Axad, April 25, 2010 (HOL) Wasaarada Cafimaadk Puntalnd ayaa olole ku aadan talaalka caruurta ka bilowday meelo ka mid ah Gudaha Puntland gaar ahaan magalooyinka Garoowe iyo Galkacyo

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi Warsame oo Garowe kaga qayb galay Kulan looga hadlayay hirgalinta Talaalka ayaa sheegay in ay muhiim tahay Talaalidda Caruurta da,duudu ay ka yartahay 5 Sano.

 

Waxaa kaloo uu Wasiirka ka digay dhibaatada ka imaan karta talaal la,aanta caruurta ,Waxaana uu ku Booriyay hooyooyinka Puntland in Caruurta ay talalka siiyaan si looga bad baadiyo cuduro dhowr ah.

 

Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in Lixda Cudur ee caruurta looga hartagi karo talaalka oo kaliya ,isla markaana ay haboontahay in caruurta loo dhamaystiro,Waxaana uu ku tilmaamay Fursad.

 

Waa lama huraan in Caruurta talaalka lasiiyo, waadna la socotaan in talaalka uu difaac adag uyahay lixda Cudur ee dilaaga ah, sidaas daraadeed waa in la bad baadiyaa caruur badan oo Somaaliyeed" Ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka ee Puntland.

 

Kulanka uu ka qayb galay Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr Cali C/laahi Warsame ayaa socon doono muddo asbuuca ah ,si loo sameeyo wacyi galin ku aadan hirgalinta talaalka qaybihiisa kala duwan gudaha Puntland.

 

Ugu Talaalka Caruurta ayaa sanadkii labo jeer ka furma caalamka meelo kamid ah ,Waxaana somaliya ay ka mid tahay Meelaha ugu badan ee aan nasiibka u helin in si dhamaystiran looga hirgaliyo Talaalka Caruurta.

Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this