General Duke Posted June 2, 2009 Baladweyn: Cumar Xaashi Aaden oo galay gudaha magaalada Baladweyn. 2. juni 2009 Baladweyn(AllPuntlan d)- Wasiirka Amniga ee dowladda Soomaaliya Cumar Xaashi Aaden iyo Saraakiil uu hogaaminayo oo udhalatay magaalada Baladweyn ayaa gashay gudaha magaaladaasi, sida ay sheegayaan Warar Madax banaan oo ka soo baxaya magaaladaasi. Safiirkii hore ee dowladda Itoobiya ujoogay dalka Itoobiya,hadana ku magacaaban Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Africa ayaa ka mid ahaa wafdigii uu hogaaminayay Cumar Xaashi Aaden. Wasiirka Amniga ayaa waqtigan magaalada Baladweyn kulamo ku laleh Odayasha dhaqanka, wuxuuna imaatinkiisa magaaladu ka dambeeyey markii ay uu xalay soo gaaray deegaanka Kalabeyrka oo ay joogaan ciidamo ka socda dowladda Itoobiya, halkaas oo uu wada xaajoodyo kula yeeshay Odayaasha dhaqanka. Cumar Xaashi Aaden, C/kariim Faarax Laqanyo & Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxa ay sadexdanba siyaasiba ka soo jeedaan gobalka Hiiraan ee ay maanta tageen, waxa ayna taagersan yihiin dadaalada uu wado dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, isla markaasna ay doonayaan in ay dadweynaha gobalkaasi ay ka dhaadhiciyaan waxyaabaha ay doonayaan. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Recovering-Romantics Posted June 2, 2009 The Lion of Hiiraan will crush the anarchist. No-wonder they cry foul every-time they hear his name! Quote Share this post Link to post Share on other sites