Jacaylbaro Posted August 21, 2007 Markabkii U Horeeyay Ee Ganacsatada Itoobiya Oo Ku Soo Xidhay Dekada Berbera iyo warkale..... Berbera (Qaran)-Maareeye Ku xigeenka Dekada Berbera Bile Xirsi Ciid ayaa maanta shaaca ka qaaday in markabkii u horeeyay ee u raran Shirkad Ganacsi oo Itoobiyaan ahi uu Todobaadkan ku soo xidhay Marsadaas. Markabkan oo u raran shirkadda Ganacsiga ee East African Commercial Private, waxa uu sidaa shixnad sibidh ah. Maareeye ku xigeenku waxa kale oo uu ka waramay dhaq dhaqaaqa dekeda Berbera ee toddobaadkan oo uu ku adkaystay inuu aad u kordhay isagoo intaas ku daray in ay dekada xiligan taagan yihiin ilaa 7 Markab oo uu ka mid yahay Markab 15 kun oo tan oo sonkor ah u sida shirkada Ganacsiga Maxaliga ah ee Indhadeero . Maareeye ku xigeenka dekada berbera waxa uu xusay in dekada ay u soo iibiyeen qalab ku kacay shan Boqol oo kun oo Dollar,isla markaana waxa uu ku dooday in ay dabooli karaan adeegyada bulshadu uga baahdaan oo dhan. Quote Share this post Link to post Share on other sites