General Duke Posted September 2, 2008 Nugaal iyo Baay oo caawa tartami doona Boosaaso (HR Media) Tartan Aqooneedka ee ay Bishan Ramadaanka Horseed Media ku tartansiineyso qaar ka mid ah gobollada Dalka Soomaaliya oo xalay bilowday ayaa caawa waxaa tartami doona gobollada Bay iyo Nugaal. Labada gobol tartamayaashooda waxaa ay diyaar ku yihiin magaalooyinka Garowe oo Nugaal ah iyo Baydhabo oo Baay ah. Tartankan wuxuu bilaaban doonaa salaada taraawiixda ka dib marka ay saacaddu soo gaarto 9:20pm. Xalay waxaa tartamay gobollada Banaadir iyo Bari, waxaana badisay kooxda Banaadir. Aqriso xeerka tartanka Waqtiga Ka dib markii aan sameynay tashiyo badan oo la xiriira tartanka gobollada dalka Soomaaliya ee Horseed Media, qiimeynna ku sameynay xaaladaha iyo daruufaha ka jira qaar ka mid ah magaalooyinka tartanka ka qeybgalaya ee Dalka oo ay ka mid yihiin sababo dhinaca Ammaanka ah, ayaa waxaa guddiga qaban qaabada tartanka ay isla garteen iyo ka qeybgalayashuba in waqtiga tartanka uu bilaabmayo laga dhigo 9:20pm fiidnimo ilaa 10:20.pm Guddiga tartanku waxay natiijada tartanka uga dhowaaqayaan 10 daqiiqo gudohood oo dheeraad ku ah waqtiga tartanka ee aan soo sheegnay. Diyaargarowga Si waqtigii loogu talogalay uu u bilaabmo tartanka waxaa koox waliba laga codsanayaa inay diyaar ahaato 10 daqiiqo ka hor waqtiga uu bilaabmayo amma 9:10 daqiiqo. Iyadoo la eegayo xaaladaha ammaan ee dalka ka jira xiligan waxaa tartamayaasha gobollada laga codsanayaa inay waqti ka hor soo gudbiyaan haddii ay timaado daruufo dhinaca ammaanka ah amma xaalad kale oo deg deg ah. Haddii sidaasi la yeelo guddiga tartanka waxa uu go’aan ka qaadan karaa maareynta xaaladaasi. Gobolkii ka maqnaada Tartanka cudur daar la’aan iyadoo waqtigana uu taagan yahay waxaa dhibcaha si toos ah u qaadanaya gobolka kale ee la tartamaya. Su’aalaha Si loo ilaaliyo waqtiga iyo daruufaha kale ee ka jira qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, guddiga tartanka gobollada ee Horseed Media waxa uu go’aamiyay su’aalaha lagu tartamayo inay noqon doonaan habeen walba 20 suaa’aalood. Su’aalaha waxay ka bilaabmi doonaan lambar 1 ilaa 20. Koox kasta oo tartameysa su’aasha waxay ka qabsan lambarkey doonto, balse xaq u leedahay inay 10 su’aalood ka jawaabto, waxaana u furan inay su’aalaha kale ee laga jawaabi waayo ka faa’iideysato. Su’aal kasta oo laga jawaabo waxay leedahay 2 dhicood, su’aasha ka faa’iideysiga ahina waxay leedahay 1 dhibic. Maxaa mamnuuc ah? In la kiciyo buuq In la soo dhoweeyo aaladaha wax u dhimi kara maqalka In tartanka dhexdiisa lagaga horyimaado guddiga tartanka Maxaa la oggolyahay? Inagoo tixraaceynta shuruudaha aanu u dejinay tartanka gobollada dalka Soomaaliya waxaa bannaan oo la oggol yahay. In tartamayaasha taageerayaashood ay ka soo saacidi karaan jawaabaha su’aalaha meel kasta oo ay joogaan Tartamayaasha waxaa ay soo gudbin karaan meelaha lagala soo xiriiri karo sida telefoon amma Email. In tartamayaashu ay haystaan 2 daqiiqo oo ka madax bannaan su’aal weydiinta oo ay kaga fekeri karaan jawaabta su’aasha la weydiiyo. Tixgelinta Tartamayaasha Horseed Media waxay tixgelineysaa dhammaan tartamayaasha gobollada dalka Soomaaliya sida sharafta leh ee ay u ajiibeen inay tartankaasi ka qeybgalaan. Xubin kasta oo tartamayaasha ka mid ah waxay u aragtaa inay tahay xubin muhiim ah. Tartankan Gobollada dalka ee Horseed Media waxaa lagu bixin doonaa Abaal marin qiimo badan oo la guddoonsiin doono gobol kasta oo muteysta, oo rajeyneyno in ay ka faa’iidi doonaan sumcad iyo ammaan. Horseed Media waxay ballan qaadeysaa in tartanka uu noqdo mid si caddaalad ah u dhaca. Codsi Maadaama Idaacadda Horseed Media Adduunka oo dhan si toos ah looga dhegaysan karo Khadka Internetka, waxay ka codsaneysaa dhammaan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan inaysan la harin talooyinkooda iyo fikirkooda iyagoo noogu soo hagaajin kara Email: horseedmedia@hotmail.com #+2525765151, +2525762571, +25266207263. Shaxda Isku aadka gobola Quote Share this post Link to post Share on other sites