Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The 20th of February

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-02-18 (Hadhwanaagnews) 20-ka Febarweri waa xus iyo xusuus ma guuraan ah oo aan gedmasho lahayn, baalka taariikhda ummadeed ee dahabiga ahna ugu xardhamaysa oo u gashay maalin ku suntan gadood dadweyne iyo dhiirrasho dhallinyaro midiidin diid ah oo dulmi iyo xaqdarro ka dhiidhiyaysa. Allayle waa hog, shaxaan la hilmaamin! Ummad aan taariikh sugan lahayni, waa ummad aan jiritaan sugan lahayn!

 

 

Waxa ay ku beegnayd gadoodkii ardayeed ee 20-kii February iyo maalmihii ku xigey ee sannadkii 1982 ka oogmey magaalada Hargeysa. Dheg-ka-maqal iyo sheeko iguma soo gaadhin ee waxa aan ka mid ahaa shaahidkeedii, qabanqaabiyaasheedii iyo ka-qayb-galayaasheedii. Sidaas darteed waa waajib dareenku igu duduucayo in aan maanta 26 sannadood ka dib ereyo ka idhaahdo dhacdadaas taariikhiga ah saamaynteeda gobolka iyo noloshii siyaasadeed ee xilligaas ka dhisaallayd.

 

Waxaan uga qaybgalay si firfircoon oo aan hadhsiimo iyo hoyasho lahayn. Waxaan ahaa arday dhigta Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar oo ku yaalla duleedka bogcaddii uu gadoodkaygu ka bilaabmay oo ahayd Maxkamaddii la keenayey inammadii xidh xidhnaa, macaallimiintayadii, dhakhaatiirtii iyo aqoontii ummaddayada. Saamaynta dareenka ee dhacdadaas taariikhiga ah marka maanta dib u qiimeeyo, waxa ay ahayd saamayn weyn oo bar bilow u ahayd in si ficil ah loogu dhaqaaqo oo badheedh looga hor yimaaddo maamulayaashii xaaduqa ahaa ee taliskii keli taliska ahaa ee Hargeysa ku sugnaa. Dhagaxtuurka iyo tallaabooyinkii ku lammaanaa iyo fal celintii taliska oo ahayd in la sii kordhiyo cadaadiskii iyo cabudhintii dadka lagu hayey, waxa ay ahaayeen waxyaabihii soo dedejiyey in dad badani ku qulqulaan oo ku biiraan fadhiisimadii cusbaa ee SNM ka yagleelaysey gudaha Itoobiya dhulka ku teedsan xuduudda labada dal. Arday badan oo ka mid ahayd hormoodkii dhagaxtuurka, ayaa ka mid ahaa dadkii ku biiray SNM ee qoriga qaatay oo aan aniguba ka mid ahaa.

 

Dalka oo dhan buu gadoodkaasi saamayn weyn ku yeeshay oo gilgiley. Talis kelidii taliye ah oo xoog, xabbad iyo jujuub wax ku wada oo aan cidina ka daba juuq odhan karin, ayaa dhallinyaro madfacoodu dhagax ay tuurayaan ahaa ka hor yimaaddeen oo u jilib dhigeen. Astaan geesinnimo iyo naf hurnimo ayay saamayntu noqotay. In “MAYA, MAYA” la odhan karo oo la diidi karo “YEEL” ayay saamayntu ahayd, taliskana u quus goyn ayay u ahayd.

 

Hambaaber dhowaanta

Dareen ma hurdaana

Dagaal wata heeso

Hidday u lahayde

Hargeysi ma toostay

Hoggaanka ma diiddey

Harqoodka ma tuurtay

In aanay hummaagga

Hadoodilan yeelin

Sidii hebed geela

Hashii Nebi Saalax

Horaaddada dhiiban

Hankeedu ma siiyey

Waxay hibanayso

Ninkay la hadlayso

Hagaag ma u sheegtay

Hadday samo weydo

Inay hantideeda

Nafteeda hurayso

Hubaal ma caddaysay.

 

Allayleha waa hog

Shax aan la hilmaamin!

 

Malaa Hugur tiisa

Waxaabu u haystey

Inaan Hayal toosan

Harraati aqoone

Maskii Hilqadaale

Ma soo hardaf duulay.

 

Wallee hagardaamo

Falkaagu habeensey

Higlooy gabbalkaa dhac!

 

Markii laga war helay ee aannu ogaanney in berrito aroornimadkii (20/02/1982) inammadii UFO maxkamadda la keenayo waxa bilaabmay ruxan weyn oo runtii magaalada saaqay oo ku baahayey habeenkii oo dhan. Guuxa dadku meel walba wuu gilgilayey. Intii is taqaan ama macaariif ahiba si gooniya ayay wax u wada gorfaynayeen. Waxa laga sinnaa dareen ah in arrinta inammadu iska dhan tahay oo wax maxkamadi xukumaysaa aanay hadda jirine xukun hore loo sii qorsheeyey oo dil ah uun ay maxkamaddu ku dhawaaqi doonto. Sidaas darteed waxa lagu wada qanacsanaa in berrito maxkamadda lagu wada kallaho. Dad badani habeenkaas il iyo baal isuma aanay keenin oo jiif iyo joogba waa la is diiddanaa.

 

Waxaannu go’aansannay arday aannu asxaab ahayn iyo anigu in aanan berrito dugsiyada xaadirin. Habeenkii guryahayaga umaannu hoyan. Hurdaba maannu ledin. Waxannu isu qaybinnay dugsiyada sare in subaxdii laga hawl galo oo ardayda lagu dhiirri geliyo in ay maxkamadda u yimaaddaan si isku xidhan. Meel walba waxaa ka socday dadaal noocaas ah. Ma jirin cid ama dallaayad dadaalladaas isku duwaysaa. Hase yeeshee dareenka dadkaa meel u wada hoggaansanaa: In maxkamadda dilka ah la baajiyo, inammadana loo hiiliyo ayaa lagu kulansanaa.

 

Anigu dugsigayga Faarax Oomaar oo maxkamadda u dhow, ayaan qaabbilsanaa. Dharkii Balcadda ahaa (shaadh cad oo gacmo gaab ah iyo surwaal kaaki ah oo lugo dheere ah) maanu qaadan subaxdaas intaydii xalayto wax wada gorfaynaysey. Maxkamadda ayaannu ku waaberiisanney. Si xoog ah ayaa loogu soo gurmayey markii salaadda subax la tukadeyba. 9:00 subaxnimo maxkamadda iyo agagaarkeeda ushii cirkaas loo tuuraa dhulka kumaanay dhacayn. Dadweyne kala duwan oo dumar iyo dhallinyaro u badnaa ayaa arladaba haystey oo maxkamadda ku gadaannaa.

 

Nusasaacaha (Nasashada) xilliga loo baxo, ayaannu diyaar ku wada ahayn dugsiyada hortooda meelaha ardaydu ka nusasaacayso, si ardaydu marka ay fasallada ka soo baxaan dhinaca maxkamadda loogu soo hago. Wacaasha iyo waayaha Hargeysi ku waaberiisatey saaka ardaydu way ku wada baraarugsanaayeen oo ma adkayn in ficilo la horqaadaa.

 

Reer Faarax Oomaar waxa ay u nusasaace tageen dhankii maxkamadda. Xitaa intii ka maagaysey ee daba yar giijinaysey waxa jiitey mawjaddii socotey. Ardaydii dugsiga 26-ka Juun ayaa iyana soo dhaadhacay oo maxkamadda shafka soo saaray. Waxa la isku soo wada gadaamay maxkamaddii. Shaadhadhkii cadcaddaa iyo surwaalladii kaakiga ahaa ee ardayda, ayaa si waafi ah uga dhex muuqday oo hadheeyey dadkii maxkamadda horteeda sidii kaarbedka oo kale ku goglanaa.

 

Mar keliya ayaa la is gaadhiiyey dareen xambaarsan in inammadii maxkamadda xaggeeda dambe laga soo geliyey oo la xukumayo. “Gacan Nebi nin doonow gacantaa ha samaato”. Dhulka ayaa la taabtay. Dhagaxa iyo shiidka ayaa hadhka lagaga dhigayaa askartii maxkamadda hor tubnayd. Tacshiirad rasaaseed ayay dhagixii askartu kaga jawaabayaan. Maqalkii rasaastu waxa uu soo kiciyey dadkii magaalada oo dhan. Ardaydii dugsiyada sare iyo dhexe, ayaa qolo kastaa halkeeda ka soo dhaqaaqday. Muddaharaad ayaa dhinac walba ka soo bilaabmay. Faras magaalaha ilaa shacabka (xafiisyada dawladda iyo maxkamadda) ayaa dadku is qabsaday. Waxaa ka dhacay wixii la ogaa ee toogasho iyo dil lahaa, xadhig iyo cadaadis lahaa iyo dhinaca kale mintidnimo iyo kacdoon dhiirran lahaa.

 

Maanta marka garaadka lagu dhereriyo waxa uu dhagaxtuurkaasi ahaa mid u abaabulnaa sidii quluubta dadku isugu xidhnayd. Ma jirin xaqiiqadii meel wadne ah oo laga hagayey muddaharaadyadaas maalmaha socdey ee ay ardaydu hormoodka ka ahayd. Dadaal isku ujeeddo ah oo iniba ay meel ka waddey, ayaa ahaa dhaqaajiyaha dhagaxtuurka.

 

Dhagaxtuurkaas Hargeysa ka dhacay 20-kii Feebarweri iyo maalmihii ka dambeeyey ee sannadkii 1982, wuu minjo baxdasay. Bishii Mey 1-dii ayay ardayda Burco muddaharaad kan Hargeysa ku xidhiidhsan ka dhigeen magaaladaas Burco. Waxa muddaharaadka Burco hal-ku-dhig u ahaa:

 

Burco iyo Hargeysi waa laba mataano ah

Waxay Hargeysi doonto doonnay

Waxay Hargeysi diiddo diidney!

 

20-ka February waa maalin ku astaysan oo suulka iyo saxeexeedu yahay dhiirrasho iyo naf hurnimo xaraar taagan, taas oo ka mid ah hubkii cuslaa ee lagula dagaal galay Taliskii Maxamed Siyaad Barre ee keli taliska ahaa iyo tamartii kor u qaadday awooddii siyaasiga ahayd ee SNM oo markaas (hortii 1982) aan lahayn cudud ciidan oo weyn iyo saamayn siyaasadeed oo ballaadhan toonna.

 

20-ka Febarweri waa xus iyo xusuus ma guuraan ah oo aan gedmasho lahayn, baalka taariikhda ummadeed ee dahabiga ahna ugu xardhamaysa oo u gashay maalin ku suntan gadood dadweyne iyo dhiirrasho dhallinyaro midiidin diid ah oo dulmi iyo xaqdarro ka dhiidhiyaysa. Allayle waa hog, shax aan la hilmaamin!

Hal-ku-dhiggii 20-ka Febarweri

Sannad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatey kacdoonkan dadweyne oo ku beegnayd 20-kii Febarweri 1983 Hargeysa si weyn ayaa looga xusay, taliskana waxa ay ku ahayd fallaadho sun jiidanaya oo wadnaha kaga yuuban tummaati ahaan. Halgankii hubaysnaa ee SNM hagaysey ayaa isna hanqalka la soo kacayey, waxana maalintaas hal-ku-dhiggu ahaa:

Waxaad geeddan ku weydo, garbaduub kuma keentid

Guul waxaad ku heshaana, gacantaa midig weeye

SNM baa guul leh, geerina Afweynaa leh!

 

Kayd-yaalka Taariikhda

Magacyada dhallintii maalintaas dabka saarrayd ee maxkamadda la keeni lahaa (20-kii Febarweri1982):

1. Injineer Maxamed Baaruud Cali

2. Axmed Maxamed Yuusuf (Jabane)

3. Dr Maxamed X. Maxamuud Cumar

4. Dr Aadan Yuusuf Abokor

5. C/raxmaan C/llaahi X. Aadan

6. Axmed Xuseen Caabbi

7. Xuseen Maxamed Ducaale (Berberaawi)

8. Dr Maxamuud Sh. Xasan Tani

9. Dr C/llaahi Cali Yuusuf (Colaad)

10. Maxamed Dagaal Xirsi

11. Cali Cige Faarax (Cali Biid)

12. Yuusuf C/llaahi Ibraahim

13. Dr Cismaan Cabdi Maygaag

14. Aadan Warsame Siciid

15. Maxamed Cabdi Ducaale (Ayuub)

16. Maxamed Cali Ibraahim

17. Axmed Maxamed Madar

18. Cumar Ciise Cawaale

19. Dr Maxamuud Cali Sulub

20. Baashe Cabdi Yuusuf

21. Ismaaciil Cabdi Hurre

22. Xasan C/llaahi Sh. Cali

23. Axmed Xasan Madar

24. Maxamed Cabdi Jiciir

25. Maxamed Macallin Cismaan

26. Siciid Maxamed Ibraahim

27. Mijir Ismaaciil Xaashi Madar

28. Xasan Cabdillaahi Cali (Ceel-geeye)

 

 

Ummad aan taariikh sugan lahayni, waa ummad aan jiritaan sugan lahayn!

 

 

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeisa (SL Times): The 20th anniversary of the 20th February school children uprising was observed on Thursday. It was 21 years ago when thousands of high school students went to the streets in protest against the imprisonment of members of the UFFO group by the dictatorial regime of Siyad Barre. UFFO was a self-help group whose members were mainly university graduates. They were arrested by Siyad Barre’s secret police for embarking on a scheme for cleaning Hargeisa’s only public hospital. After they were charged with acts of subversion and belonging to an illegal organization, members of the UFFO group were brought to Hargeisa regional court to stand trial.

 

As thousands of students gathered in front of the court chanting for the release of the group, the security forces fired live bullets into the crowd. 17 student demonstrators were killed and many others were wounded as demonstrations spread to engulf much of the town.

 

Most of the UFFO group members received long-term imprisonment sentences. The last bunch of them were released in early 1989.

 

Early Thursday morning a wreath was placed at a memorial for the students that were engaged in Dagaxtuur "Stone throwing." Later, the occasion was marked by speeches at Al-khayria Plaza. Among the key-note speakers were KULMIYE party’s presidential candidate, Ahmed Sillanyo, UFFO veteran leader Mohamed Mohamud Omer Hashi, SNM veteran Mohamed Kahin and Somaliland Vice-President, Ahmed Yusuf Yassin. Somaliland’s former first lady Kaltum H. Dahir had also made her first public appearance on Thursday since the death of her husband, late president Egal. Kaltum was one of the demonstrating students on that Feb 20th day of 1982.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) -- Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

 

"Meel kulul ayay i dhigeen oo dheymihiina way iga joojiyeen si aanu u sii noolaanba Illaahay ayaa og” Marxuun Xuseen Cabaase

 

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin inuu dhamaystirto waxbarashadiisii sare ee uu higsanayay. Xuseen waxa laga yaabaa in badan oo inaga mid ahi in aanay garanin maanta sababtuna waxay tahay taariikhdii sheegi lahayd oo aynu hilmaanay qoritaankeedii. Xuseen waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1965, wuxuuna dusgiga quraanka (malcaamada) ka dhigtay halkaas.

 

 

Dugsigiisii hoose wuxuu ka bilaabay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, ka dib markii marxuunkii dhalay Allah ha u naxariistee loo badalay gobolkaas. Dugsigisii dhexe waxa uu ka galay magaalada Muqdisho (Dusgiga Sheekh Madar), ka dibna waxa uu dhamaystay tacliinta dugsiga sannadkii 1981kii oo uu ka soo baxay Dugsiga Sare ee Banaadir.

 

 

Marxuun Xuseen markii uu dhamaystay dugsiga sare waxa uu door biday inuu ka bilaabo shaqadii qaranka halkii uu ku dhashay iyo magaalada Hargeysa oo in muddo ahba hiyigiisa ka dhex guuxaysay sidii uu ugu soo laaban lahaa. Waxaanu noqday macalin shaqo qaran ah oo ka dhiga Dugsigii Sare ee Gacan Libaax oo isla sannadkaas la furay (1981). Haddaba waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo ardaydii Xuseen ee fasalka 1aad ee dugsiga sare G/libaax, waxaanu noqday macalinkaygii Bayoolajiga.

 

 

Marxuunku waxa uu kala kulmay magaalada Hargeysa dareen ka duwan kii Muqdisho ka jiray wakhtigaas, waxaana hor lahaa kacdoonkii dadka reer Somaliland sida cad ugala hor yimaadeen taliskii nacabka ahaa ee Siyaad Barre. Waa wakhtigii la xidhxidhay dhalliyaradii aqoonyahanada ahaa ee loo yaqaanay UFFO. Waxaana bilow ahaa halgankii hubeysnaa ee dagaalyahankii SNM.

 

 

 

Maalintu waxay ahayd Sabti bisha February tahay 20, sannadkii 1982kii, waa maalin taariikhda iyo nolosha dad reer Somaliland wax wayn ka badashay oo raad weyn ku yeelatay, isla markaana ay shacbiweynaha Somaliland muujiyeen in la diidi karo yeeltii taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre. Aroorinimadaa dadka reer Hargeysa intiisa badan waxay u wada dhag taagayeen waxa ay ka yeeli doonto maxkamadii wareegi jirtay dhallintii UFFO ee la xidhxidhay. Magaalada dadku waxay u dareereen dhinaca maxkamada si ay u soo dhagaystaan dacwada been abuurka ah ee lagu soo eedeeyay nimankaa aqoonyahanada ahaa. Waxaan xasuustaa h ooyaday oo dhinacaa u sii dhaqaaqday laftigeedu aniguse waxaan tagay dugsiga maalintaas. Saacadu waa ilaa 11kii subaxnimo waxaanu ka soo noqonay sidaan u malaynayo xilligii nasashada (break time), waxa noo bilaabmatay xiisadii 4aad oo ahayd Bayoolaji. Macalinka xiisadan noo dhigayay waa marxuun Xuseen Cabaase oo aan ku xusayo qoraalkaygan maadaama uu ahaa mid ka mid ah macalimiintii i bilowday dugsiga sare.

 

 

Markay xiisadu meel dhexe marayso ayaa waxa na soo gaadhay dayaanka rasaasta iyo baabuur badan oo si xawaare ah dhanka faras magaalaha uga imanaysa. Qayladii ardayda iyo sawaxankii hoonka baabuurta ayaa is qabsaday markiiba, maanka ruux kasta oo naga mid ahaana waxa ku soo dhacday tolow sidey wax u dhaceen, waayo waxaanu wada ogsooneyn in maanta ay tahay maalintii maxkamada la keenayay dhallinyaradaas dhinbiisha u noqday halgankeenii ee UFFO. Talo meel noomay oolin laakiinse haddana dareenka waanu ka sinayn, hiyigana waxaa nu ku haynay in hubka kaliya ee aanu heli karnaa yahay dhagaxa oo miskiin caawiye aanu ciyaalnimadii ula baxnay. Fasalkii oo dhami mar kaliya ayaanu albaabka boobnay, Macalin Xuseen waxa uu isku dayay inuu yidhaa jooga laakiinse Allah ha u naxariistee isaga laftiisa ayaa dareenka nala wadaagayay. Dusgiga ardaydii ku jirtayna intooda badani waabay naga siiii horeysay oo dhinacaa iyo badhtamaha magaalada ayaanu u dhaqaaqnay si aanu ugala qayb qaadano ardayda iyo dadweynaha kale kacdoonka lagaga soo horjeeday xadhigii xaq darada ah ee lagula kacay qaar ka mid ah macalimiintayadii, aqoonyahano iyo dhakhtaradii magaalada qaar ka mid ah oo aniga shakhsiyan qalniin igu sameeyay dhawr bilood ka hor, kuwaas oo aan xasuusto sida ay naftayda u badbaadiyeen ee goor fiidnimo ah oo danbe iyagoo shaqada aan ku jirin haddana go'aansaday in ay qalniinkan igu sameeyaan. Daryanka rasaaska iyo dayaankeeda ayaa is qabsaday oo wixii rasaas dhacday malaha ruux nooli magaalada kuma hadhin ayuu is odhanayay ninkii joogay.

 

 

 

Maalintaas dadka intii wax noqotay ama la xidhay la isma tabin oo intii is ag joogtay ayuun baa iska war haysay. Nasiib darro, Marxuun Xuseen Cabaase waxa isla dharaartaa gacanta bidix kaga dhacday xabadihii askartu ay sida arxan darida ah ugu ridayeen dadka, waxayna xabadu ku haleeshay meel aan ka dheerayn dugsigii uu macalinka ka ahaa ee G/libaax, waa waddada xero jaadka sida aan u malaynayo. Dhaawacaas ka dib waxa loola cararay dhanka Cisbitaalka guud ee Hargeysa si loogu daweeyo, inkastoo shaqaalaha caafimaadku aanay yaraysan intii kartidooda ah in ay daaweeyaan marxuunka. Haddana waxa nasiib darro noqotay in ay cisbitaalka ka dhex ugaadhsanyeen dadkii ku soo dhaawacmay dhagaxtuurka askartii magacyada badnayd ee loo samaystay cabadhunta shacbiga sida Hangashta, NSS iyo kuwii Dhabarjabinta ee magaca xumaa. Marxuunka waxa dhakhtarka ugu yimid ciidamadaas qaar ka mid ah oo shaqaalihi i caafimaadka amray in ay gabi ahaanba ka joojiyaan daaweyntii Xuseen (Allah ha u naxariistee). Mid ka mid ah ardaydii ku booqatay marxuunka oo aan ka wareystay bal siduu ahaa markay dhakhtarka ugu tageen ayaa isagoo aad u murugaysay igu yidhi waxaan xasuusta wali waardhkii uu yaallay wuxuuna noo sheegay in xataa dhaymihiii ay ka tureen qolo Dhabarjabinta ahayd oo u sheegtay in ay danbi baadhayaal yihiin. Marxuunku waxa ka mid ahaa ereyadii uu ku yidhi ardaydaas dhakhtarka ugu tagtay Allah ha u naxariistee “Meel kulul ayay i dhigeen oo dheymihiina way iga joojiyeen, sayloonkii way iga tureen, gacantii waataa oo dirxi ayaa iga galay eegi kari maysaan si aanu u sii noolaanba Illaahay ayaa og”.

 

 

Allah ha naxariistee Xuseen sagaal cisho oo rafaad, xanuun, dhibaato iyo cago-jugleyn ah ka dib ayuu u geeriyooday dhaawacaa fudud ee gacanta bidix ka soo gaadhay oo haddaan nafta lagu silcin si dhib yar looga daaweyn lahaa.

 

 

Xuseen Allah ha u naxariistee waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo 17sanno markaa jiray, soona dhamaystay uun tacliinta dugsiga sare oo madi ah, hooyadii waxay umul aroortay isagoo 10jir ah. Aabbihiina waxa uu ka mid ahaa geesiyaashii saraakiisha ciidanka ahaa ee naftooda u huray dagaalkii xabashida iyo Soomaalida ee 1977. Waxa uu la dhashay marxuunku lix hablood oo 5 ka mid ahi degan yihiin dalkan Ingiriiska halka inanta kale ku nooshahay Somaliland. Marxuunku wuxuu ahaa ruux shakhsiyad fiican oo bashaasha dadkana aanay is diidin oo macaan, isla markaana ardaydu ay aad u jeclayd oo magac ku lahaa dugsiga dhexdiisa.

 

 

Haddaba inkastoo wixii Illaahay qadaray an ciddina oofin karayn haddana sida ay ula dhaqmeen ciidamadii taliskii cadowga ahaa ee ******tu isaga iyo dhigiisuba waxay qayb ka tahay taariikhda dayacan ee duuga ah, taas oo dadka reer Somaliland u taalla maanta in ay wax ku qaataan oo xafidaan si aan baritoole dadka kale been uga sheegin ama ugu gabraaran oo aanay guullahooda u afduubin. Waxaana hubaal ah in ay haddii aynu qorno taariiikhda oo derisno aynu kaga badbaadi karno mashaakilaad badan oo qaarkood wakhtigan xaadirka ahba ina haystaan.

 

 

 

Taariikhda maalintaas iyo wixii dhacay oo faahfaahsan qoraalka kaliya ee laga hayaa waa buug cusub oo dhawaan uu qoray mid ka mid ah ardaydii dugsiyada ee wakhtigaas, kaas oo markii aan akhriyay igu baraarujiyay in aan baadi doono taariikhda macalinkaygii Allah ha u naxariistee. Buuggana waxa uu si waadix ah uga sheekaynaya dhacdadii UFFO iyo kacdoonkii dhagaxtuurka ee ka bilaabmay Hargeisa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland 1982kii (A note on my teachers group: news report on an injustice.).

 

 

Illaahay naxariistii janno haka waraabiyo marxuun Xuseen Cabaase iyo intii la midka ahayd ee ku shahiiday kacdoonkii dadka reer Somaliland kala hor yimaadeen Askartii cadowga ahayd ee u adeegaysay taliskii Muqdisho. Maanta inteena noolna waxa la gudboon in aynu wax ku qaadano dhibtii iyo rafaadkii aynu u soo marnay soo dhicinta Maandeeq oo aynu ka waantowno wixii aynu isku seegnay nidaamadii tallada Jamhuuriyadii Soomaalida iskaga danbeeyay oo ay kow ka ahayd cadaalad darida iyo sinaan la'aantii jirtay.

 

 

Khadar Hassan Ali Jamhuuriya London

 

Jamhuuriya@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this