Sign in to follow this  
General Duke

PM makes private visits to Abdiqasin and Ali Mahdi

Recommended Posts

Muqdisho: Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo guryahooda ku booqday laba Nin ee xilal Madaxweyne kasoo qabtay Soomaaliya dagaalada sokeeye dhexdooda

- Saturday, April 30, 2005 at 13:21

 

Muqdisho (AllPuntland)- Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa maanta ku booqday guryahooda Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ahaa madaxweynihii DKMG ahayd ee lagu soo dhisay Jabuuti 2000 iyo Cali Mahdi Maxamed oo isagana madaxweyne ka ahaa dawladii lagu soo dhisay Jabuuti 1991-kii.

 

Labadaas madaxweyne hore oo ayan shaqayn dawladahoodii ayaa wafdiga ra'iisal wasaaruhu ay ka bilabeen kulamada ay la lee yihiin waxgaradka Muqdisho ku sugan.

 

Ra'iisal wasaaraha ayaa Cabdiqaasim iyo Cali Mahdiba la galay kulamo gaara oo aan la shaacin waxay kawada hadleen, laakiin kulamada furan ee ay wadayeesheen ayay kaga hadleen sida dawlada hadda Soomaaliya u dhalatay ay uga badbaadi lahayd wadadii ay mareen dawldihii ka horeeyay, iyadoo Geedi uu xaqiijiyay in caasumada Soomaliya tahay Muqdisho.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan ay yeesheen Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiqaasim Salaad oo ka dhacay guriga C/qaasim

 

Kulan ay yeesheen Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiqaasim Salaad oo ka dhacay guriga C/qasim (Waqtiga Muqdishi 13:00pm ) ayaa ra'iisul wasaaraha waxaa kulankaas kuwehliyay danjirayaasha wafdiga ka soo raacay magaalada Nairobi.

 

Sida uu wariyaha Midnimoee magaalada Muqdisho Nuuradiin qadka isgaarsiinta ku soo gaarsii yaya xarunta Midnimo ee London ayaa shegay in kulankaas oo qaatay waqti yar laguna soo dhaweeyay Prof. Geeddi, looga hadlay arimaha Soomaliya ayaa Prof. Geeddi u xaqiijiyay wafdigii lasocda ,C/qaasin iyo saxaafada in ay caasimada Soomaaliya tahay Muqdisho meel kalena aysan noqn karin caasimd .

 

Kulanka markuu dhamaaday ayaa Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo C/qaasim Salad waxey yeesheen shir gooni ah oo ay labadooda kaliya meel gooni ah wada geleen lamana yaqaano waxa ay ka wada hadlayeen.

 

Wafdiga uu hogaaminaayo Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu wada in ay u gudbaan guriga Mudane Cali Mahdi Maxamed halkaas oo Prof. Geeddi kulan kula yelan doono Mudane Cali Mahdi.

 

Wixii Warar ah oo soo kordho iyo sawiradada shirarkaas waan idin soo gudbin doonaa.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudane Cali Mahdi oo gurigiisa ku qaabilay wafdiga uu hogaaminayay Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi

 

Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa halka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdiga uu hogaaminayay Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi halkaas oo si diiran Prof. Geeddi loogu soo dhaweeyay.

 

Qadka isgaarsiinta ayaa wareyaheen Muqdisho Nuuradiin nagu soo garsiiyay in kulankaas uu bilowday (Waqtiga Muqdishi 14:00pm ) qaatayna waqtigaaban ayaa waxaa ka muuqatay Mudane Cali Mahdi farxad isla markaasna u hanbalyeyay Prof. Geedi, kadiba waxaa leys dhafsady war bixino iyo arimaha xaalada Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyn doono Dowladda KMG isla markaasna loo bahan yahay inlaga faaideysto fursadaan qaali ah.

 

Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa kulankaas waxaa ku wehliyay Danjiraha Kenya Maxamed Cabdi Afey,Afhayeen madaxweynaha Yuusuf Bari Bari, Wakiilka Jaamacadda Carabta Cabdalla Mubaarak, Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cali Foum,Safiir kuxigeenka dalka Uganda u fadhiya Nairobi Mr. Didas, Safiirka Al-jeeriya u fadhiya Nairobi Maxamed Hijan Al-Shariif, Danjiraha Dowladda Jabuuti Maxamed Siyaad Ducaale, waxaa kaloo goob joog ahaa Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde), Nuur Shirbow iyo xubno kale.

 

Sidoo Kale kulan waxa ka horeeyay kulan kale uu Prof. Geedii la yeeshay C/qaasim

 

Kulankas oo ku dhamaaday is afgard iyo jawi wanaagsan ayaa Prof. Geeddi u mahadceliyay Mudane Cali Mahdi sid xil kasnimada uu u muujiyaya inuu la shaqeyn doono Dowladda KMG.

 

Wixii warar ee soo kordho iyo sawiradada shirarkaas waan idin soo gudbin doonaa.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geeddi Oo C/qaasim Iyo Cali Mahdi La Kulmay, Kalana Hadlay...

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

 

Webmaster

Ra'iisul wasaaraha dowladda kmg ah ee somalia Cali Maxamed Geedi ayaa gurigiisa ku booqday oo kulan muddo gaaban qaatan la yeeshay madaxwaynihii hore ee dalka somalia C/qaasim Salaad xasan

Ra'iisul wasaaraha iyo madaxwaynihii hore ee somalia waxay kulankooda ka dhacay guriga c/qaasim salaad xasan kaga wada hadleen arrimo la xiriira dalka somalia iyo sida nabad loogu soo celin karo.

 

Ra'iisul wasaaruhu waxa uu ka dalbaday c/qaasim salaad xasan in uu dowladda kmg ah la shaqeeyo si ay ugu suurto gasho in ay dalka ka howl gasho ayna ugu guulaysato howlihii loo doortay in ay sida ugu habboon u gudato.

 

Sidoo kale madaxwaynihii hore ee somalia c/qaasim Salaad xasan ayaa ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi ka dalbaday in uu taageero howsha magaalada Muqdisho lagu nabadaynayo ee ay maalmii la soo dhaafay wadeen qaar ka mid ah xubnaha golayaasha baarlamaanka iyo wasiirrada ee toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho,waxaana la sheegayaa in ra'iisul wasaaruhu uu ka aqbalay c/qaasim salaad xasan dalabkaasi.

 

Markii uu soo gaba gabagaboobay kulankii uu la yeeshay c/qaasim salaad xasan ra'iisul wasaare Geedi waxa uu u dhaqaaqay dhinaca guriga uu magaalada Muqdisho ka dagganyahay madaxwaynihii hore ee isna dalka soomalia soo maray sagaashamaadkii cali Mahdi Maxamed oo kulankoodu uu wali soconayo.

 

Cali Mahdi isagu dowladda horayba waxa uu u sheegay in uu taageersanyahay isagoo walibana madaxwayna, ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha kale ee ku mowqifka ah ku raacsan in dalka la keeno ciidammo shisheeye oo u sheegay in ay lagama maarmaan yihiin si hubka looga dhigo maleeshiyooyinka hubaysan, waxaan cali mahdi uu hadalkaasi ka sheegay shir jaraa'id oo uu goor sii horraysay ku qabtay hoteelka Ramadaan.

 

Liibaan cabdi cali

hayaan_8@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

cali_geedi.jpg

 

gedi_cabdiqasim.jpg

 

afey_wafdiga.jpg

 

Ra'iisul Wasaare Geedi oo maanta guryahooda ku booqday Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan

 

 

RW Cali Maxamed Geedi iyo Cali Mahdi Maxamed

Sabti, April 30, 2005(HOL)@20:00GMT: Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo shalay markii ugu horeysay dalka dib ugu soo laabtay tan iyo markii loo magacaabay Ra'iisal Wasaarenimada ayaa maanta guryahooda ku booqday Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan oo horay madaxweyneyaal KMG ah uga noqday Soomaaliya.

 

Ra'iisal wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay xubno ka ahaayeen Saiirrada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Kenya iyo Jabuuti ee kala ah Maxamed Cabdi Afey iyo Maxamed Siyaad Ducaale, afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ninka lagu magacaabo Yuusuf Bari Bari, iyo weliba ku xigeenka Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Al-Sayid Cabdalla Mubaarak, Maxamed Cali Foam oo Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo xubno kale ayay maanta u ahayd maalintii labaad oo ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, iyagoo ku guda jira booqasho afar maalmood ah oo ay ku indha indheynayaan xaaladda Gobolka Banaadir.

 

 

Cabulqaasim Salaad Xasan iyo RW Cali Maxamed Geedi

C/qaasim Salaad Xasan oo ka hadlayay kulankii gurigiisa ka dhacay ee dhexmaray isaga iyo Ra'iisal Wasaare Geedi ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u bisil yihiin in ay helaan dowladnimo, deganaan iyo nabad, marka la eego sida ay dadka u soo dhaweeyeen Ra'iisal Wasaare Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isna mar sii horeysay Xamar soo booqday.

 

Mas'uuliyiinta kale ee dowladda ayuu C/qaasim Salaad ugu baaqay in ay dalka yimaadaan oo ay ka howl bilaabaan, isagoo xaqiijiyay in ay u dhib yaraan doonaan howlaha ay qabanayaan waayo ayuu yiri waxaa dowladda ku jira oo wasiirro iyo xildhibaano ka ah Hoggaamiyayaashii hubeysnaa ee dowladdeyda isbaarada u dhigtay.

 

"Annagu mar walba waajibkeena waxaa uu ahaa in dadku nabad helaan dalkuna horay u socdo, haddii ayan sidaas ahayn isbaarooyinkii dowladdeenii loo dhigtay ayaan dhigan lahayn, sidaas ayayna ku bur buri lahaayeen wax kasta"ayuu yiri C/qaasim Salaad oo sheegay in wixii ay muddo labo sano ah u joogeen shirkii Kenya oo mararka qaarkood lagu hayay wax aan Soomaalida dan u ahayn ay ahaayeen in dalku dowlad helo, shacabkuna ay dhibaatada ka baxaan.

 

 

Maxamed Cabdi Afey iyo Maxamed Siyaad Ducaale, afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ninka lagu magacaabo Yuusuf Bari Bari iyo weliba ku xigeenka Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Al-Sayid Cabdalla Mubaarak,

C/qaasim Salaad waxaa uu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra'iisal Wasaare Geedi iyo isaguba ay dhamaan yihiin dad reer Xamar ah, "Md. C/llaahi Yuusuf tan iyo markii uu soo garaadsaday wuxuu ku noolaa halkan oo uu guryo ku leeyahay, Prof. Geedina waxaan xusuustaa in uu Jaamacaddii Umadda uu duruus ka bixiyay aniga oo madax ka ah Wasaaradda Tacliinta sare" ayuu mar kale madaxweynihii hore ee TNG-da oo ugu baaqay Mas'uuliyiinta Dowladda in ay dalka yimaadaan oo ay gutaan waajibka saaran.

 

Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa isaguna ka hadlay kulankan wuxuuna ugu horeyn sheegay Ra'iisal Wasaaruhu in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta soo booqdo madaxdii dalka ka soo talisay dowladda Federaalka ka hor oo uu weliba ku tilmaamay "Senators", "Marka ay joogaan dalka Senator-ro sidan oo kale ah waxay mudan yihiin in laga talo qaato oo lala tashado waayo waxay leeyihiin waayo aragnimo dhinac walba ah"ayuu yiri Prof. Geedi oo ujeedada booqashadiisa ka hadlayay.

 

"In aan soo booqdo C/qaasim Salaad waan ku faraxsanahay, wax badan ayuuna qabtay intii uu madaxweynaha ahaa, hayeeshee waxaan ka rajeyneynaa in uusna naga harin oo uu door weyn ka ciyaaro geedi socodka loogu jiro dib u heshiisiinta Soomaaliyeed"ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geedi.

 

Prof. Geedi waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir shaki laga geliyo in caasimadda dalka ay Muqdisho tahay, wuxuuna arrintaas ka yiri "Waxaan idiin sheegayaa in aaney jirin arrintaas meel ay ku qoran tahay iyo meel looga hadlay intaba, waxaana aaminsanahay in caasimadda wareejinteeda uusan xitaa Baarlamaanku go'aamin karin oo loo baahan yahay in dadka afti laga qaado haddii ay baahideeda timaado".

 

Intaasi kadib waxay wafdiga Ra'iisal Wasaare Geedi booqdeen Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo isna horay u soo noqday Maxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya kadib markii ay bur burtay dowladdii Mileteriga ahayd ee Soomaaliya, waxaana halkaasi loogu sameeyay soo dhaweyn heer sare ah.

 

Cali Mahdi Maxamed ayaa u sheegay wafdigii soo booqday ee uu hoggaaminayay Ra'iisal Wasaare Geedi in shacabka Soomaaliyeed uusan maanta ahayn sidii uu shalay ahaa, wuxuuna dib u xusuusiyay dadka in shalay la isu dilayay jufo jufo, iyadoo ujeedada la leeyahayna ay ahayd in cid kasta ay iyadu madax noqoto, balse waxaa uu caddeeyay in maanta shacabku uu wanaagsan yahay, isla markaana uu cudurkaasi ka baxay, "Ummaddu waxay qabtaa hal baahi oo ah in ay hesho dowlad loo dhan yahay" ayuuna yiri Md. Cali Mahdi Maxamed.

 

"Gobolka Banaadir haddii shalay la dhahayay qabiil gaar ah ayaa leh warkaas maanta waa la idiin beeniyay, in ay cid kasta imaan kartana waad aragtaan, waxaan kitaab ku mari karaa haddii maanta madaxweynaha ka soo dego Muqdisho in loo soo dhaweyn doono sidii loo soo dhaweeyay Ra'iisal Wasaaraha seddex jibaarkeed"ayuu mar kale yiri Cali Mahdi Maxamed oo ballanqaaday in ay la meel marinayaan isaga iyo inta ku fikirka ah xilka ay sidaan mas'uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku dhuftay in ay weliba uga murug badnaan doonaan xilka Qaran ee ay hayaan, iyagoo aan dan gaar ah ka lahayn.

 

"Muqdisho waxaan u imid in aan la kulmo siyaasiyiintii hore, si ay xilka noogu tufaan, isla markaana aan uga talo qaadanno"ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Geedi oo kulamadaas kadib saxafiyiinta la hadlayay.

 

"Xubnaha Xukuumadda halkan kuma wada hadleyno, waxaan ku wada hadli doonnaa xarunta Golaha" ayuu mar kale Ra'iisal Wasaaraha oo ka jawaabcelinayay weydiin ahayd ma wada kulmeysaan adiga iyo xubnaha labada gole ee horay khilaafka idinkugu dhaxeeyay?.

 

Maxaad ku diidan tahay in dowladda la keeno caasimadda Mudqisho oo aad meelo kale u dooneysaa in la geeyo?, ayay ahayd su'aal kale oo la weydiiyay Ra'iisal Wasaaraha, wuxuuna si kulul u yiri "marka hore saxaafadda Luuqadda ay ku hadleyso waa in ay saxdaa, anigu marna ma dhihin Muqdisho lama tegayo ee waxaan sheegay in ay jiraan duruufo nagadgelyo xumo, haddiise hadda la hagaajiyo ammaanka waxaan kuu sheegayaa in aan berriba Xukuumadda keenayo, midna ogow annaga ugu horeyno dowlado caasimadahooda si KMG ah uga wareegtay kadib markii taladii faraha ka baxday, waxaana dalalka sidaasi sameeyay ka mid ah dalka Aljeeriya".

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

What does all this mean, we know what it means, and Abdullaahi Yuusuf should come to Xamar as soon as possible.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this