Sign in to follow this  
General Duke

Hiiraan: Ethiopia liberates Belwedweyne for Sharif Hotel

Recommended Posts

War deg deg ah: Ciidamada dowlada oo la wareegay galbeedka magaalada Baledweyne xilli Ittobiyaan ay soo gaareen.

 

Ciidamada Al shabaab iyo kuwa xisbul islaam oo la wareegay degaanka galbeedka magaalada Baledweyne ayaa dib uga baxay deegaankaasi ka dib markii ay halkaasi soo gaareen ciidamo Itoobiyaan ah.

 

wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay halkaasi durbaba gaareen iyagoona la wareegay guud ahaanba dhinaca galbeed ee magaalada baledweyne ka dib markii ay halkaasi dib uga gurteen maleeshiyaadka daacada u ahaa Al shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

wax dagaalo ah lama soo sheegin oo halkaasi ka dhacay iyadoona xaalada dhinaca galbeed ee magaalada baledweyne ay degan tahay waxaana halkaasi amaankeeda sugaya ciidamada dowlada oo taageera ka helaya maleeshiyaadka Ahlu Sunnah.

 

Ciidamada dowlada ee halkaasi gaaray ayaa la sheegayaa inay yihiin ciidamada ka soo laabtay dsagaalkii maalintii shalay ka dhacay degmada Buulo Burte ee gobolka hiiraan kuwasoo dib ugu laabtay degmada baledweyne ee gobolka Hiiraan.

 

Ilaa iyo hada ma jirto war ka soo baxay dowlada soomaliya oo ay kaga hadlayaan soo gelida ciidamada Itoobiya lkuwasoo la sheegay inay ku sugan yihiin qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH: Ciidamo Ethiopian oo goor dhow lug ku soo galay Magaalada Beled weyn

 

Ciidamo Ethiopian ayaa goor dhow lug ku soo galay Magaalada Beled weyn kadib markii ay ka soo dhaqaaqeen dhanka koofur ee magalada, waxaana ay isku fidiyeen qeybo ka mid ah Magaalada.

 

Ciidamadan ayaa isku dhiririyay Xaafada nuur xawaas ilaa Buundo koowaad, waxaana xaalada magaalada mar kaliya noqotay mid kacsan oo dadka deegaanka bilaabeen inay xaroodaan.

 

Lama oga ilaa iyo hada sababta ka dambeysa soo gelitaanka Ciidamadan Ethiopianka oo shalay fariisimo ka sameystay Garoonka diyaaradaha.

 

Soo gelitaankan ayaa ku soo aadaya xilli shalay dagaalo xoogan ka dhaceen magaalada B/weyn taasoo qeyb ka mid ah Magaalada ay kula wareegeen Xoogaga Xarakada Alshabaab.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:War deg deg ah :Al-Shabaab oo ka baxay galbeedka Baladweyn kadib markii ciidamo Itoobiyaan ah ay halkaas u jiheysteen

21. august 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )Warar goor dhaw naga soo gaaray galbeedka magaalada Baladweyn ayaa sheegaya in halkaas ay isaga baxeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee shalay qabsaday.

 

Ka bixitaanka maleeshiyada Shabaab ayaa timid galbeedka Baladweyn markii ay halkaas u dhaqaaqeen oo ay lug ku aadeen ciidmo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaan wax dagaal ah kala hortagin maleeshiyada Shabaab , waxaana soo socoashadooda kadib la arkay galbeedka magaalada oo faaruq ah.

 

Ciidamada dawladda ayaa dib u galay iyagana halkaas oo hada gaaray.

 

wixi ku soo kordhaa kala soco xafiiska AllPuntland Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

I don't understand how Al-shabaab can claim they intend to "liberate" Alaska, if they haven't got the guts to face Amxaar injirley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Now Al Shabaab are clowns, but Sharif Ahmed is a bigger clown and dont even mention his supporters and those who used to demonstaret against Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Itoobiyaan oo gudaha u soo galay B/weyn iskuna fidiyay xaafadaha magaalada.

(21-08-2009)War goor dhow naga soo gaaray magaalada B/weyn ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiya ah oo lugeynaya ay soo galeen gudaha magaalada, kadib markii ay ka soo tallaabeen duleedka koofur ee magaalada.

 

Ciidamada oo si lug ahaan ku soo galay ayaa durba abaaray xaafadaha dhanka bari, iyagoona isku dhiriryay Xaafada Buundo koowaad.

 

Dhaq dhaqaaqii magaalada B/weyn ayaa gebi ahaanba istaagay,waxaana hakad galay ganacsiga isu socodkii dadka iyo gaadiidka,waxaana dadka magaalada bilaabeen inay wal wal ka muujiyaan soo gelitaanka ciidamada Xabashida.

 

Ma cada ilaa iyo hada ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa, soo gelitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee magaalada B/weyn, hase ahaatee imaanshaha ciidamadan ayaa ku soo beegmeysa xilli magaalada shalay dagaalo ka dhaceen.

 

Xaalada Bariga magaalada ayaa ah mid kacsan, halka dhanka galbeed ku sugan yihiin kooxaha mucaaradka,waxaana laga cabsi qabaa dagaalo ka dhaca magaalada, kaas oo noqda mid lagu riiqmo.

 

Dalkanews.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

These Ethiopians are different we are told. They are new Ethiopians blessed by Sharif Ahmed. Also Beledweyne is a border town we are also told and not an important issue.

 

Pigs will fly my dear lads.

Share this post


Link to post
Share on other sites

CIIDAMADA GUMEYSIGA ITOOBIYA OO SOO BUUX DHAAFIYEY BARIGA MAGAALADA BELEDWEYNE IYO XARAKADA ALSHABAAB OO WEERAR KU EKEEYAY BARIGA BELEDWEYNE.

 

Muqdisho,Jimce,21, Aug,2009 (Hillaac.Net)Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ay soo buuxdhaafiyeen Bariga Magaalada Beledweyne, Waxana Wariyaheenna Magaalada Beledweyne uu inoo Xaqiijiyey in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay Magaalada Beledweyne ay aad u fara badan yihiin.

 

Dhanka kale Xarakada Mujaahiddiinta Alshabaab ayaa Weerar lama filaan ah ku qaaday Bariga Magaalada Magaalada Beledweyne oo ah halka ay soo galeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

 

Shalay ayey ahayd Markii ay Tigreegu Muddo kooban la wareegeen Gacan ku haynta Magalada Beledweyne, Iyagoo dib uga cararay Saacado kadib.

 

Shacabka Magaalada Beledweyne ayaa is weydiinaya Sababta Ciidamada Gumeysiga ay ugu soo laalaabanayaan Magaalada Beledweyne, Waxana Rayidka Magaalada Beledweyne soo foodsaartay Cabsi aad u weyn oo ay ka qabaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo had iyo goor Dhibaatooyin Baaxad weyn u geysta Shacabka aan hubeysnen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The difference is Yeey called the Ethiopians in.

 

Shariif on the other hand didn't ONCE call for Ethiopian troops to come help him. I challenge anyone on this forum to bring me a quote or clip where Shariif asks for Ethiopian soldiers.

 

If the Ethiopians are back it's all Shabaab's fault. Maybe the government would be policing the borders if it wasn't busy fighting the power-hungry opposition.

Share this post


Link to post
Share on other sites

To Sherban Shabeel:

 

You know what? I am going to have to disagree with you. I happen to think that it's the government's job to protect both our national borders and ward off the attacks of the children of Satan (i.e Al Shabab).

 

Let me explain: Sharif's government claims that it is the national authority of Somalia. Hence, it is their duty to repel any entity the infringes upon our sovereignty. Now you want us to believe that, had the hell hounds of Al Shabab never existed, they would have had the power to do something about the Ethiopian incursions-- and that just simply total and utter rubbish. Sharif is very much in cahoots with the Xabasha transgressions.

 

Now you've challenged everyone to show proof that he asked for their presence. But the same can be asked of you... Sharif knows of the Ethiopian presence--so how come, he hasn't for once, so far, condemned their aggression? Hmmm?

 

Sherbaan, don't assume everyone is naive here, and try to spend more time questioning Sharif's acquiescence to the Ethiopian troop presence. It's the honorable thing to do.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this