Kamaavi Posted October 8, 2009 Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howl galayay magaalada Kismaayo ayaa lagu amray inay ka baxaan, kadib markii lagu eedeeyay hurinta dagaalada ka dhex aloosan Islaamiyiinta. Maamulka Wilaayada Jubooyinka ayaa la sheegay inuu waraaqo digniin ah magaalada ugu daadiyay wariyeyaasha, isla markaana uga baxaan magaalada saacado gudahood, taasoo keentay in baqdin darteed ay qofba meel u firxado. Idaacadaha Muqdisho oo maalmihii u dambeeyay si xowli ah u tabinayay dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda ayaa waxaa halkaas ugaga soo waramayay Wariyeyaal madax banaan, kuwaasoo daqiiqad kasta soo tabinayay wararka dagaalka. Warar ku dhow dhow Xafiiska Warfaafinta Maamulka Islaamiga Jubooyinka ayaa sheegaya inuu soo saaray go'aan ka dhan ah Wariyeyaasha, kaasoo ah in magaalada aanay ka howl geli karin Wariyeyaal aan aheyn Idaacada ku hadasha Afka maamulka ee ka howl gasha Magaalada Kismaayo. Ilaa tobaneeyo wariye oo ahaa wakiilo ugaga soo waramayay Magaalada Kismaayo Idaacadaha Muqdisho ayaa ka cararay, markii loo jeediyay handadaada, kuwaasoo aaday dalalka deris iyo magaalooyin kale. Warbaahinta madax banaan ayaa dhib u joog u noqotay siyaasadaha is diidan ee dalka, waxaana tacadiyada lagu haayo saxaafada ay aheyd mid mudooyinkii u dambeeyay isa soo tarayeen, waxaana sanadkan gudihiisa la dilay ilaa shan wariye. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites