Liibaan Posted September 25, 2009 War Deg-dega: Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID Oo Imikadan Sheegay Inay Dawlad Wadaag Ah Dhisayaan Haddii Guurtidu Ku Dhawaaqdo Mudda-kordhin (Hadhwanaagnews) Thursday, September 24, 2009 Hargeysa(HWN):- Labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID, ayaa hadda shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa ku shaaciyay, in haddii maalinta Berri ah Golaha Guurtida Somaliland mudda-kordhin aan laga wada-tashan u sameeyaan Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeenkiisa aanay ogolaan doonin, isla markaana taa bedalkeeda ay dhisayaan dawlad wadaag ah. Waxaanay Masuuliyiinta KULMIYE iyo UCID ugu baaqeen dadweynaha reer Somaliland inay Jimcaha Berri isugu soo baxaan Xarunta Baarlamanka ee Caasimadda Hargeysa, oo Guurtidu ugu balansan tahay inay Madaxweynaha iyo KU-xigeenkiisa wakhtigooda oo ku dhammaanaya 27-ka bishan September ee aynu ku jirno awgeed mudda-kordhin sannad ama lix bilood ah u sameeyaan. Si aanay suuragal ugu noqon Odayaasha Guurtidu inay iskaga dhawaaqaan mudda-kordhin aan laysla ogolayn. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo guud ahaanba Masuuliyiinta kale ee labada Xisbi, oo kulan deg-deg ah oo muddo saacado ah qaatay wada-yeeshay, ayaa daqiiqado ka hor waxa ay si rasmi ah u sheegeen inaanay u dulqaadan doonin mudda kordhin mar saddexaad Guurtidu u samayso Xukuumadda Rayaale iyada oo aan dhinacyada siyaasaddu ku heshiinin. Waxaanay bulshada ugu baaqeen inay mudda-haraad kala hortagaan go’aan kasta oo cid khaas ah loogu danaynayo oo ka soo baxa Golaha Guurtida. Dhawaaqan kulul ee ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa ka dambeeyay ka dib markii maanta Xisbiga UDUB ka baaqsaday hor imashada Golaha Guurtida oo saaka soo gebagabeeyay dood ay ka yeesheen mudda-kordhin Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa loo sameeyo. Taasoo in cod loo qaado Goluhu u balansan yahay maalinta Jimcaha ah ee Berri oo guud ahaanba Golayaasha Qaranka iyo Hay’adaha Shaqadu fasax yihiin. Warkaas oo faahfaahsan iyo codkii Hogaamiyayaasha Mucaaridka kala soco goordhaw Hadhwanaagnews oo aanu idiinku soo gudbin doonno. Mustafe-jannaale iyo C/fataax Mursal Hadhwanaagnews.com/O ffice Hargeysa/Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted September 25, 2009 Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Jawaabay Dhawaaqi Ka Soo Yeedhay Xisbiyada Mucaaridka Ah Wax Yar Uun kadib Markii Ay Hadleen. Thursday, September 24, 2009 shir jaraaid oo 10:00 fiidnimo ee caawa uu madaxwayne Daahir rayaale aaa ku qabtay xarunta madaxtoodyada isagoo kaga jawaabayay shir jaarid oo galabta fiidkii ay qabteen godoomiyaasha mucaaridku Halkan Ka Dhageyso Dictator Daahir riyaale oo caawa shir jaraid Qabtay Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted September 25, 2009 he needs to shut his mouth seriously! This is so call leader of Somaliland and he cant even speak properly. "waxaa tagay Jabouti, waxaan la kulmay laba nin oo mid uu Maraykan yahay" wtf who talks like that? Quote Share this post Link to post Share on other sites