Sign in to follow this  
Liibaan

Riyaale oo ka Digey Inqilaab iyo KULMIYE/UCID Oo Sheegay Inay Dawlad Dhisayaan

Recommended Posts

Liibaan   

u_2684d_2009-9-24-15-2-13f_AW.gif

 

 

War Deg-dega: Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID Oo Imikadan Sheegay Inay Dawlad Wadaag Ah Dhisayaan Haddii Guurtidu Ku Dhawaaqdo Mudda-kordhin

(Hadhwanaagnews) Thursday, September 24, 2009

 

Hargeysa(HWN):- Labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID, ayaa hadda shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa ku shaaciyay, in haddii maalinta Berri ah Golaha Guurtida Somaliland mudda-kordhin aan laga wada-tashan u sameeyaan Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeenkiisa aanay ogolaan doonin, isla markaana taa bedalkeeda ay dhisayaan dawlad wadaag ah.

 

 

 

Waxaanay Masuuliyiinta KULMIYE iyo UCID ugu baaqeen dadweynaha reer Somaliland inay Jimcaha Berri isugu soo baxaan Xarunta Baarlamanka ee Caasimadda Hargeysa, oo Guurtidu ugu balansan tahay inay Madaxweynaha iyo KU-xigeenkiisa wakhtigooda oo ku dhammaanaya 27-ka bishan September ee aynu ku jirno awgeed mudda-kordhin sannad ama lix bilood ah u sameeyaan. Si aanay suuragal ugu noqon Odayaasha Guurtidu inay iskaga dhawaaqaan mudda-kordhin aan laysla ogolayn.

 

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo guud ahaanba Masuuliyiinta kale ee labada Xisbi, oo kulan deg-deg ah oo muddo saacado ah qaatay wada-yeeshay, ayaa daqiiqado ka hor waxa ay si rasmi ah u sheegeen inaanay u dulqaadan doonin mudda kordhin mar saddexaad Guurtidu u samayso Xukuumadda Rayaale iyada oo aan dhinacyada siyaasaddu ku heshiinin. Waxaanay bulshada ugu baaqeen inay mudda-haraad kala hortagaan go’aan kasta oo cid khaas ah loogu danaynayo oo ka soo baxa Golaha Guurtida.

 

 

 

Dhawaaqan kulul ee ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa ka dambeeyay ka dib markii maanta Xisbiga UDUB ka baaqsaday hor imashada Golaha Guurtida oo saaka soo gebagabeeyay dood ay ka yeesheen mudda-kordhin Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa loo sameeyo. Taasoo in cod loo qaado Goluhu u balansan yahay maalinta Jimcaha ah ee Berri oo guud ahaanba Golayaasha Qaranka iyo Hay’adaha Shaqadu fasax yihiin.

 

 

 

Warkaas oo faahfaahsan iyo codkii Hogaamiyayaasha Mucaaridka kala soco goordhaw Hadhwanaagnews oo aanu idiinku soo gudbin doonno.

 

 

 

Mustafe-jannaale iyo C/fataax Mursal

 

Hadhwanaagnews.com/O ffice

 

Hargeysa/Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Jawaabay Dhawaaqi Ka Soo Yeedhay Xisbiyada Mucaaridka Ah Wax Yar Uun kadib Markii Ay Hadleen.

 

Thursday, September 24, 2009

 

shir jaraaid oo 10:00 fiidnimo ee caawa uu madaxwayne Daahir rayaale aaa ku qabtay xarunta madaxtoodyada isagoo kaga jawaabayay shir jaarid oo galabta fiidkii ay qabteen godoomiyaasha mucaaridku

 

u_2698d_2009-9-24-19-3-16f_dahir%20rayaa

 

Halkan Ka Dhageyso Dictator Daahir riyaale oo caawa shir jaraid Qabtay

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

he needs to shut his mouth seriously! This is so call leader of Somaliland and he cant even speak properly.

 

"waxaa tagay Jabouti, waxaan la kulmay laba nin oo mid uu Maraykan yahay" wtf who talks like that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this