Liibaan Posted February 16, 2007 'Xukuumaddu Waxay Wax U Waddaa Si Ka Soo Horjeeda Himilada Aqoonsiga,' Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) Haatuf — Hargeisa, Somaliland — 13 February, 2007 Hargeysa, February 13, 2007 (Haatuf) – Mudane Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo ka tirsan golaha wakiilada, isla markaana ah xoghayaha guddiga arimaha debedda ee golaha wakiilada ayaa si ba’an uga dayriyey siyaasadda arimaha debedda ee Somaliland, kuna tilmaamay inuu aayaha siyaasadeed ee Somaliland marxalad walaac leh marayo, isagoo xukuumadda madaxweyne Rayaale ku tilmaamay xukuumad gidaar madaw maraysa oo ka gaabisay inay ummadda u soo bandhigto halka wax marayaan. Sidoo kale mudane Tuke waxa uu si kulul u cambaareeyey xadhiga sharci darrada ah ee lala beegsaday suxufiyiinta Haatuf, isaga oo taa ku tilmaamay sheeko cawaaqib-xun. Waxa kale oo uu mudane Tuke ka hadlay xaaladaha gudaha Somaliland iyo shaqaaqooyinka isa soo taraya ee ka dhacay degaamo badan oo Somaliland ah, kuwaas oo uu wer-wer siyaasadeed ka muujiyey. Mudane Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) waxa uu ariamahaa iyo waxyaalo kaleba kaga hadlay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta golaha wakiilada, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay: “Dalkeena waxyaalo badan oo dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo nabadgelyada ayaa ku soo biirey iyo guud ahaanba jiritaanka Somaliland. Ururada Midowga Yurub, Jaamacada Carabta iyo Midawga Afrika waa maqasheen inay soo jeediyeen inay Somaliland ka qayb-gasho wada hadalada dib-u-heshiisiinta Somaliya, waana arin dareenkeeda leh, Somaliland-na mar keliya kamay qayb qaadan shirarkii badnaa ee dib-u-heshiisiinta ahaa ee hore loogu qabtay kooxaha Somaliya. Waxaad moodaa in dusheena lagu shaxayo oo aynaan xaalada ku soo korodhay mandaqada kaba war-haynin, xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee halkan joogtaana ilaa iminka waxay ogtahay inoomay sheegin. Anagu hadaanu nahay golihii ummaddan metelayay waxaanu leenahay ummaddu xaq bay u leedahay inay wax ka ogaato masiirkeedu halka uu marayo, madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee gaadh-gaadha wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ee ku war-wareega, wax alaale iyo wax ay isla ogyihiin anagu ma ogin, ummaddani talo ayey u baahan tahay, wixii cusub ee soo biira ee halisteeda leh wada tashi inaynu kaga gudubno ayaynu u baahannahay, gaar ahaan golayaasha qaranka waxay u baahan tahay in dood furan laga yeesho waxa laga yeelayo iyo xogta laga hayaba, kalsoonida aad ka qabi karto marka lagugu dul-shaxo ee meelo kale lagaaga soo taliyo wer-wer iyo walaac weyn ayay leedahay. Waxaan soo jeedin lahaa in arintaas dood furan laga dhigo. Djibouti waynu ogayn inay markasta midnimada Soomaaliyeed taageersanayd, gooni-isu-taageenana ay ka soo horjeeday, laakiin laba dal oo ay ka dhexayso dano-bulsho, dhaqaale, derisnimo, waxyaalahaasi si caadiya ayay u socon jireen, ilaa maanta xukuumaddeenu inoomay sheegin safiirkeenii Djibouti waxa lagu soo eryey, mana aha had-ba waxa ay labada madaxweyne isku qabtaan in xidhiidhka labada ummaddood ay ku xidhnaato, arintaasi sharaxaad baanu ka rabnaa. Shirkii madaxweynayaasha Afrika ee dhowaan lagu qabtay Addis-Ababa run ahaantii aad iyo aad bay walaac u lahayd qaabka ay Somaliland u tagtay, wasiirka arrimaha dibadda oo aanu qof keli ahi la socon ayaa tegay, qaabkii loo galayna waxa uu ahaa mid ka hooseeyey rabitaankeena, waxaanay ahayd in abaabul badan loo sameeyo oo ay golayaasheena cidi ka raacdo oo jaaliyadaheena dibadaha la soo abaabulo. Shirka madaxweynayaasha Afrika qof mudh-mudh lihi muxuu ka soo qaadi karaa, waad is-ceebaynaysaaye dalalkii aynu saaxiibada ahayn ee Itoobiya iyo South Africa ee la sheegi jirey meeye. Arrimaha nabadgelyada iyo siyaasadad khaarajiga xisbi malaha, waa arrimo laga midaysan yahay, hadii jiritaanka dalkayga xad gudub lagu samaynayo ma odhan karo mucaarid baan ahay, laakiin mab’da ahaan waxaan aaminsannahay sida ay xukuumadda Rayaale siyaasadda arrimaha dibadda ay u wado inay tahay mid ka soo horjeeda himilada aqoonsiga ee aynu hiigsanayno, imika xaaladdo nabadgelyo darro ayaa ku soo korodhay dalka, ilaa Sanaag, Sool, Daroor, Caynaba, Gar-adag, Ceel-afweyn, ilaa Berbera dhamaantood isku dhacyo ayaa ka soconaya, waxaase laysweydiinayaa maxaa isku soo wada beegay, Malaga yaabaa inay gacani inagu jirto, anigu ma aaminsani in dhacdooyinkan xidhiidhka ahi ay yihiin wax iska socda, warar dheeraad ah ayaa xukuumadda looga fadhiyaa inay ka bixiso. Waxaad moodaa in Somaliland loogu talo-galay in si dhaba loo masaxo, waxa gudaha dalka ka dhacaya ayaa muraayad u ah, caalamka kalena waxa laynagu ******an jirey ilaalinta xuquuqda aadamaha, xoriyadda hadalka, maanta waxa bil iyo dheeraad si sharciga ka baxsan u xidhan Haatuf gudoomiyaheedii, tifaftiraheedii, weriyeheedii gobolka Awdal, jaraa’idku xor bay u yihiin inay wax qoraan, waxaase muhiim ah wixii ay qorayaan inay cadaymaheedii hayaan, madaxdu xaq uma laha hadii la yidhaahdo dhaqaalihii dalkaa boobteen maaha inay yidhaahdaan waan kaa xoog weynahay oo waan ku xidhayaa, waxaa muhiim ah inay ogaadaan in berito kiisaskan ay gelayaan iyaga lagu xidh-xidhi doono, madaxweyne wasiir, taliye iyo nin kale toona ka saari mayso hebel baa i-soo maray, hadaad taariikhda dib u raacdaan xasuuqii Yuhuudda ayaa ninkii xoghayaha guud ka ahaa qaramada midoobay ee markii dambena noqday madaxweynaha Austria ayaa waxa lagu soo eedeeyey inuu ahaa laba xidigle ka tirsan ciidankii Naasiga markii xasuuqii dhacayay, waxa lagu yidhi taa macnaheedu waxay tahay heer masuuliyadeed ayaad ka joogtay markii waxaasi dhacayeen, diinteenuna waxay ina farayso waad ogtihiin, hadaad xaq-darro aragto waa inaad ka dagaalantaa, hadaad awoodi weydo waa inaad ka hadashaa, hadii kale waa inaad iskaga haajirtaa. Waxa Haatuf ku dhacay waa dhirbaaxo aanay Somaliland ka soo waaqsan doonin, ninkii dadka madow u dagaalami jiray ee Mr. Marten (Maraykan) wakhtigii ay xoriyadooda u dagaalamayeen dhowr iyo lixdanadii waxa uu yidhi hadii ay tuulo yar oo dalka Maraykanka ka tirsan ay inyar oo cadaalad darro ah ama xaqdaro ahi ka dhacdo waxay la mid tahay iyadoo caalamka oo dhan ka dhacday, waxaanu leenahay ha la soo daayo suxufiyiinta Haatuf, hadii la soo deyn waayo cawaaqib xumada ka dhalata xadhigaasi waxa masuuliyadeeda yeelanaya madaxweynaha iyo inta ka hooseysa ee xukuumadda ka tirsan, aduunka oo dhami wuu ina eegayaa, wufuudda xuquuqal iinsaanka ee arinta Haatuf oo arinta Haatuf u soo socotana way badan yihiin. Wallaahi dhabanaano aanay Somaliland ka soo waaqsan ayay inagu noqotay arinta Haatuf, ninkii joornaalka wax ka qabaa sharcigu waxa uu siinayaa inuu kiis madaniya furto, waxay taagan tahay xitaa in maxkamaddii sare ay tidhaahdo xeerka saxaafadda maanu arag, xeerka saxaafadda yaa fidin lahaa, madaxweynaha ayaa faafin lahaa, ilaa mudadii uu dalkani lahaa hay’ada sharci-dejinta afar xeer ayaa la faafiyey ayaa laygu yidhi, xafiiskii faafinta xeerarka ee ay ahayd in xukuumaddu ay yeelato maba jiro, taasi waxaanu u qaadanaynaa in loogu talo galay in lagu curyaamiyo qarankan, si aan loo kala bixinba, waayo maxkamaddii sare ma hayso xeerkii saxaafadda ee golayaasha baarlamaanku ansixiyeen ee madaxweynuhuna saxeexay, 33 xeer oo golihii hore saxeexay ayaa golahan horyaala. Waxaanu leenahay ummaddani xaq bay u leedahay inay masiirkeeda wax ka ogaato, ma ogin anagu waxay madaxweyne Rayaale iyo Meles Zenawi isku yidhaahdeen, waxaanu soo jeedinaynaa in golaha la horkeeno oo la cadeeyo xaaladda siyaasadda arrimaha dibadda, dood furana laga yeesho waxyaalaha inagu soo kordhay”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Mudane Tuke. Hase yeeshee weriyayaashii shirka jaraa’id joogay ayaa su’aalo ka waydiiyey arimaha uu ka hadlay waxayna su’aalahaa iyo jawaabaha uu ka bixiyey u dhaceen siddan: S: Waxaad sheegtay in cawaaqib xumada ka dhalata xadhiga masuuliyiinta Haatuf uu masuuliyadeeda qaadi doono madaxweynuhu, arintaa maxaad uga jeedaa? J: Hadaad khalad kasta iska gasho ha fogaato ama ha dhowaatee waa mid ku haysata oo aad u qoollan tahay, maaha maanta maaha berito, saadambe ayey kugu soo baxaysaa, dunidii sidii hore maaha, adigoo madaxweyne ah ayaa maxkamad lagu horgeyn karaa, ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa looga yeedhay ciidanka bileyska, qof aan maxkamad lagu soo hor-taagi karin dembiyadiisana ma jiro, xoriyadda iyo xuquuqda hadalku waa mabaadii’da uu shacbigan dastuurkiisu ku fadhiyo, hadaad ku takri-fasho awoodaada oo aad waxaad doonto samayso ogow in berito lagu soo hor-taagi doono maxkamad aad ku dhiman doonto, wax sahlanna maaha. S: Ma laga yaabaa in wasiirka arrimaha dibadda u yeedhaan si uu golaha u horyimaado? J: Run ahaantii siyaasadda arimaha dibada guddidayada ayaa talo ka soo jeedin doonta, wasiirka arrimaha dibadana waanu u yeedhi doonaa dhowaan. S: Wasiirka arrimaha dibaddu markii uu dhowaan dalka ku soo laabtay waxa uu sheegay inuu guulo badan ka soo gaadhay socdaalkiisii dalalka Afrika, arintaas sideed u aragtaa? J: Waxaan u arkaa inay tahay khayaaligii uu wasiirku hore sugu sheekayn jirey dadka, keligii buu ahaaye ma nin keliyaa guul ka soo gaadhi kara shirweyne madaxweynayaasha Afrika isugu yimaadeen. S: Hadii xukuumaddu aanay xeerarkii idinka soo fulay aanay waxba ka fulinayn, ma idinla tahay in aad ummaddii idin soo dooratay kalsoonidii dib ugu celisaan? J: Horta waxa la gaadhay wakhtigii aanu ummadda u soo bandhigi lahayn 15 xeer oo aanu sannadkii aanu shaqaynayay ansixinay oo dib naloogu soo tuurey, waxaanu awel hore lahayn yaan laydin odhan golihii wakiilada axsaabta mucaaridka aqlabiyadiisa heshayoo xukuumaddii bay ku jiq-siiyeen, hadana maanta turxaan bixintii ayaanu faro-madhnaan ka taagannahay oo nala yidhi dekedda iyo haamaha shidaalka Berbera kama hadli kartaan, xukuumadda maanta taagan waxaan aad ula yaabay war-saxaafadeed madaxtooyadu soo saartay oo ay ku jirtay haygu karaamo seegina habaar laygu kari-waaye, af madaxweyne iyo af dawladeed toona may ahayn, xaasha lilaahi markii lagu soo doortay beel maad ahayn ee Daahir Rayaale ayaad ahayd, wax cunsuriyada oo lagu hayey beelaha gobolka Awdal may jirin ee waa bulsho xariira, loona aanayn maayo iyaga maamulka xukuumadaada ee adigaa laguu aanaynayaa. Laascaanoodii uu madaxweynuhu ka soo carayay ayuu leeyahay dad baa jid-gooyo isku hortaagay, berigaa ururkii ASAD ayaan ahaa, Badhan iyo Dhahar iyo Xudun miyaanay ahayn degaanadii ay Asad iyo Birsol ka soo baxeen, Sool iyo bariga Sanaag madaxweyne Rayaale ayaa gooyey, mar-labaadkii miyaanu maamulkii gobolka Sool ka soo rarin Laascaanood oo aanu Caynaba keenin, waxa uu ogsoon yahay madaxweynuhu hadii ay bulshada bariga Sanaag iyo Sool ay yimaadaan in aanu madaxweyne noqonayn, balse way imanayaan oo Somaliland-nimadii ayay u soo noqdeen, adaase hortaagan. Source: Haatuf Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted February 16, 2007 wallee reer Haatuf way iga qosliyaan. Way ladaba taagan yihiin uun. Iyana jeelka ayaa laga buuxiyey. They are fearless. Fearless reporting. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamalu Diin Posted February 16, 2007 Djibouti waynu ogayn inay markasta midnimada Soomaaliyeed taageersanayd, gooni-isu-taageenana ay ka soo horjeeday when did we realize this now! Quote Share this post Link to post Share on other sites