Sign in to follow this  
General Duke

Clan Courts accept negotiations Igad as mediators, why?

Recommended Posts

MUQDISHO: Maxkamadaha Islaamiga ah oo ogolaaday inay wadahadallo la qaataan Dowladda Federaalka Somalia

Posted to the Web Nov 14, 08:30

 

 

Muqdisho (PP) - Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa daboolka ka qaadaya in Maxkamadaha islaamiga ah a ogolaadeen inay wadahadallo la qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Maxkamadaha oo ku xiray shirkii ka dhacay dalka Sudan ee ay ku kulameen iyaga iyo Dowladda Federaalka shuruudo adag ayaa wuxuu yimid ogolaashadoodaan kulammo ay la qaateen Madax ka socotay IGAD.

 

Kulanka Madaxda IGAD iyo Maxkamadaha oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayay ku shaaciyeen madaxda Maxkamaduhu inay ogolaadeen inay kulammo la qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulankan lagu wadaa inuu ka dhaco Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti.

 

"Waxaan qaadanay go'aanka ah inaan la hadalno dowladda federaalka Soomaaliya, waayo kulammada aan la qaadannay Madaxda IGAD ee halkaan noogu yimid ayaa ka dhigay inaan ogolaanno kulankaan" ayuu yiri C/raxmaan Jinaqoow oo ah ku xigeenka Golaha Shuurada ee Maxkamadaha.

 

Maxkamadaha ayaa dhanka kale, waxay sheegeen in kulanka ay la qaadanayaan Dowladda uu noqon doono mid ay heshiis dhab ah kula gaaraan, waxaana ay sheegeen madaxda Maxkamaduhu inay doonayaan in uu dhammaado dhibaatada ka dhex jirta iyaga iyo Dowladda.

 

Dowladda ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin go'aankaan ay sida dhaqsada badan ku gaareen Maxkamadaha markii ay la kulmeen IGAD, waxaase lagu wadaa inay dhawaan ka soo saaraan go'aan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Dubai - Imaaraadka Carabta

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha maxaakiimta Islaamka oo aqbalay casuumaad uga timid urur goboleedka IGAD .

 

November -14-2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia .

 

Golaha maxaakiimta Islaamka ayaa aqbalay casuumaad uga timid urur goboleedka IGAD kaddib markii is afgaran waa uu ku dhexmaray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan maxkamadaha Islaamka iyo dowladda Kenya.

 

Golaha maxkamadaha ayaa ogolaanshaha ay aqbaleen qaar ka tirsan wadamada IGAD oo markii hore ay ka biyo diidsanaayeen ay timid kulan shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaddib markii xubna saddax gaaraya oo ka socda dowladaha IGAD iyo dowladda Kenya ay ug wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa shirka dib u heshiisinta dowladda fedraalka iyo golaha maxaakiimta.

 

Sh. C/raxmaan Janaqow ku xigeenka madaxa golaha fulinta maxkamadaha ayaa sheegay in maxkamadaha ay aqbaleen casuumad kaga timid urur goboleedka IGAD.

 

Ambassador Maxamed Cabdi Afey iyo xubnaha la socda oo diyaarad qaas ah shalay ku yimid magaalada Muqdisho isla galinkii dambana dib ugu laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay dhinacooda in golaha maxkamadaha ay la gaareen qodoba dhowr ah islamarkaana ay jirto casuumad gaar ah oo IGAD ay u fidisay golaha maxkamadaha si looga wadahadlo waxyaabaha ay maxkamadaha tabanayaan.

 

Dhamaadkii bishii October ayaa golaha maxkamadaha iyo dowladda fedraalka waxaa uu suuragali waayey kulankii saddaxaad ee lagu qaban lahaa magaalada Khartuum kaddib markii golaha maxkamadaha keeneen sharuudo suuragalin waayo in kulankaas uu dhaco.

 

Marka laga reebo Soomaaliya ayaa lixda dowladood ee IGAD Saddax ka mid ah waxaa ka biyo diidan golaha maxkamadaha Islaamka kuwaas oo u arka inay la safan yihiin dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maxakmadaha oo shuruud la`aan kaga qayb galaya wada hadalada Kharduum.

 

Talaado, November 14, 2006

 

Muqdisho (AllPuntland)- Gudoomiye ku xigeenka golaha fulinta ee maxkamadaha magaalada Muqdisho C/raxmaan Jinaqoow ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in golaha maxkamadahu ay diyaar u yihiin in ay wada hadallo la qaataan xukuumadda Soomaaliya.

 

Jinaqoow oo saxaafadda magaalada Muqdisho kula hadlayay ayaa waxa uu shaaciyay in kulammo ay la qaateen madax ka tirsan urur goboleedka IGAD ay iskula meel dhigeen qaabka uu u soconayo kulanka dhex dhexaadinta dawladda iyo maxkamadaha.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay shuruud la`aan u tagayaan magaalada Kharduum oo ay wada hadal kula galayaan xukuumadda Soomaaliya.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in wada hadaladaasi ay ku dadaalayaan sidii ay u meel mari lahaayeen oo ay uga soo bixi lahaayeen miro dhal aad u ballaaran.

 

Hadalkani ayaa waxa uu soo baxay iyada oo magaalada Muqdisho ay booqasho ku joogaan mas`uuliyiin ka socota xukuumadda Kenya oo haysa madax tinimada meerta ee ururka IGAD.

 

Wali si rasmi ah looma shaacin xilliga uu dhacayo wareega saddexaad ee wada hadalada maxkamadaha iyo dawladda, iyada oo aan sidoo kale xukuumaddu aysan waxa jawaab ah wali bixin.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this