Sign in to follow this  
General Duke

Kuwait: President Faroole's trip, meets Amiir + gains support of Kingdom....

Recommended Posts

Amiirka Kuwait oo qaabilay Madaxweynaha Puntland

2 Dec 2, 2010 - 2:20:36 PM

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/raxman Maxamed Farole ayaa maanta BBC Laanta Af Somaliga u sheegay si sharaf badan loogu soo dhaweeyey dalka Kuwait halkasoo wafdiga Madaxweynaha ay ku sugnaayeen maalmihii la soo dhaafay.

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu amaan balaaran iyo mahadcelin u jeediyay Amiirka Dowladda Kuwait Sheikh Sabax Al Axmed Al Jabberi oo wafdiga Madaxweynaha ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada Kuwait.

 

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah: Wasiirka A/Gudaha Gen. C/llahi Axmed (Ilkajir); Agaasimaha Batroolka Md. Ciise Dhollowaa; iyo Agaasimaha Hey'ada Daryeelka Bulshada Md. C/shakur Max'ud Gurey.

 

Madaxweyne Farole ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo badan sida amniga, la dagaalanka burcad badeeda, iyo nabadaynta qabaa'ilka Puntland iyo guud ahaan qabaa'ilka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Balanqaadkii Kuwait

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in Dowladda Kuwait ay samaysay balanqaadyo badan isagoo intaasi ku daray inuu ku kalsoonyahay in Kuwait ay fuliso balamahaasi.

 

Inkastoo uusan tafaasiil ka bixin balamahaasi, Madaxweynaha Puntland wuxuu waraysigiisa ku cadeeyey in qoraal codsi ah loo gudbiyay Dowlada Kuwait.

 

"Kuwait waa wadan Somalia abaal isku leeyihiin wax badan baa naga dhaxeeya. Waxaan ka mahadcelinaynaa soo dhaweyntii wanaagsanayd. Waxaanu ka codsanay taageero muuqata gaar ahaan dhanka kaabayaasha dhaqaale iyo arrimaha bulshada," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Farole.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu yiri: "Puntland gaar ahaan baahi Somalia inteeda kale qabin ayaa ka jirta kaabayaasha dhaqaalaha oo ah baahi aad u wayn. Waxaan Kuwait kala hadalnay dhamaystirka madaarka (airport) ku yaala Puntland iyo warshad laga dhiso Laas Qoray."

 

Madaxweyne Farole wuxuu cadeeyey in booqashada dalka Kuwait ay ka horaysay wafdi ka socda dalka Kuwait oo gobollada Puntland booqasho ku tagay horaantii sanankaan 2010-ka, isagoo sidoo kale sheegay inay kulamo la yeesheen ganacsato iyo hey'adaha khayriga ee dalkaasi Kuwait.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Badda Puntland

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Dowladda Puntland aysan fasax cidna u waydiisan doonin arrimaha amaanka dalka.

 

"Muddo ku dhow labo sanno ayaa dowladaha caalamka waydiisanay in naloo dhiso ciidanka badda iyo xarumo ku yaala xeebaha bari iyo waqooyi ee Puntland gaar ahaan in nala siiyo taageero qalab iyo isgaarsiin lagula diriro burcad-badeeda…Laakin jawaab waa ka waynay dowladahaasi," ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Isagoo hadalkiisa wata ayuu sheegay inay jiri karaan su'aalo la iska waydiiyo shirkada tabaraysa ciidamada badda ee dowladda Puntland, laakinse muhiimadu ay tahay in Puntland sugto amaankeeda.

 

"Maalgalin waxay ku xirantahay amaan iyo degaansho horumar-na lagama samayn karo meel aanu amaan ka jirin," ayuu yiri Madaxweyne Farole.

 

Wuxuu sheegay in ciidamada Afrikaanka ee AMISOM kaliya loo ogolyahay inay Somalia hub keenaan isagoo sheegay in Puntland ay ka codsan doonto caalamka sidii loo qalabayn lahaa ciidanka badda Puntland oo hada tababar uga socdo degaanka Boosaaso ee xarunta ganacsiga gobollada Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu cadeeyey in heshiiska Puntland iyo shirkada Saracen International oo hada wada tababarka ciidanka badda uu ku dhisan yahay "public-private partnership" oo ka mid ah qodobadii looga dhawaaqay shirkii Istanbul oo Somalia loo qabtay bishii May sanadkaan (Istanbul Declaration).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qabaa'ilka dirirsan

 

Madaxweyne Farole ayaa sheegay in qabaa'ilka Soomaaliyeed ay waligood diri jireen oo la isku qabsan jiray dhul daaqsimeed, isagoo hoosta ka xariiqay in dagaaladaasi ay sii bateen burburkii ka dib iyo shacabka oo hub helay.

 

"Kuma daynayno dadku inay islaayaan," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland, isagoo soo hadal qaatay in beelo ku diriray gobolka Bari ee Puntland dhowaan gaaray heshiis iyo isafgarad buuxa.

 

"Waxaan ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed meel kasta ha joogeen in nabada laga shaqeeyo," ayuu yiri Madaxweyne Farole, isagoo si gaar ah baaq ugu diray maamulka Gal-mudug oo uu ka codsaday inay xakameeyaan dhankooda ayna Puntland balanqaadayso inaan dhanka Puntland wax shido ah kaga imaan Galmudug.

 

"Dadku waa isla degan yihiin xooluhuna waa wada daaqi karaan," ayuu ku soo gabo gabeeyey hadalkiisa Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Farole.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa 20kii Nofember ka duulay caasumadda Puntland ee Garowe isagoo muddo todobaad ah joogay magaalada Nairobi, halkasoo ay wafdigu kulamo kula yeesheen hey'adaha UN-ka iyo wakiilada dowladaha daneeya arrimaha Somalia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Puntland pres meets Kuwait emir, defends anti-piracy force

3 Dec 3, 2010 - 2:54:35 PM

 

The president of Somalia's Puntland government has met with Kuwait's emir, while defending the establishment of an anti-piracy force, which is currently undergoing military training in Puntland State of northern Somalia, Radio Garowe reports.

 

 

Dr. Abdirahman Mohamed Farole, President of Puntland

Dr. Abdirahman Mohamed Farole was interviewed Thursday by the BBC Somali Service from Kuwait City, where the president's delegation has been over the past week. The Puntland delegation includes: Interior Minister Gen. Abdullahi Jama Ilkajir; Petroleum Director Mr. Isse Dhollowaa; and Social Welfare Agency director, Mr. Abdishakur Mohamud Gurey.

 

President Farole expressed his gratitude to the "fantastic welcome" the Puntland government delegation received in Kuwait.

 

"We wish to thank the Emir of Kuwait, Sheikh Jaber Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah, who welcomed us and pledged to provide tangible development assistance to Puntland," President Farole told the BBC interviewer.

 

The president declined to mention pledge specifics, but he underlined that Puntland's government advanced a list of priority projects, including completion of two airports in Puntland, "as stipulated in the Istanbul Declaration," the president added.

 

In May, the government of Turkey and the United Nations jointly hosted a conference on Somalia, where the final declaration called upon the world community to assist the completion of airports in the Puntland cities of Garowe and Bossaso.

 

Furthermore, President Farole said the priority projects forwarded to the Kuwaiti government includes the construction of a factory in Las Qoray, a coastal town in Puntland's Sanaag region.

 

"Puntland specifically has many needs that the rest of Somalia does not have, especially in infrastructure. We requested tangible development projects and we are confident of Kuwait's commitment to assist Puntland," President Farole said.

 

He indicated that the Puntland government's visit to Kuwait was preceded by a trip in February when a Kuwaiti charity group visited Puntland. He also said the delegation met with business interests and humanitarian aid groups based in Kuwait.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this