Sign in to follow this  
Gabbal

Kismaayo being shaken by another bout of civil unrest.

Recommended Posts

Gabbal   

Bananbax ka dhacey Kismayo

6 Oct 6, 2006, 21:26

 

Sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Kismayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa halkaas ka socda banaanbax xoogan oo ay dhigayaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo, kaas oo ay ugu soo horjeedaan maamulka cusub ee Maxkamaddaha Islaamiga ay u dhiseen gobolada Jubooyinka dalka Soomaaliya.

 

Bannaanbaxan oo bilowday maqribkii ayaa dadku soo buux dhaafiyeen xaafada Calanleyee magaalada Kismaayo, waxayna dadku ku dhawaaqayeen diidmada maamulkaas cusub.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in maliishiyada Maxkamadaha ay isku dayeen iney hor istaagaan bannaanbaxaasi, hase ahaatee waa ku guuldareysteen, waxayna maliishiyada Maxkamaddaha dadka ku ridayeen rasaas si ay u kala kaxeeyaan.

 

Garowe Online ayaa idin soo gudbin doona faah-faahin ku saabsan arrimaha Kismayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Banaanbaxyo rabshado wata oo xalay ka dhacay magaalada Kismaayo.

 

 

Mogadishu - 07-October -2006-Allceeldheer.com Banaanbaxyo rabshado wata ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo iyadoo taayaro lagu gubay Wadooyinka qaar ee magaalada, xilli maxkamadaha islaamka ay sheegeen in maamul ay u sameeyeen gobolada Jubooyinka.

 

Banaanbaxyadaan oo si goos goos ah uga dhacay gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa ay bilowdeen xalay 9:30 fiidnimo, iyadoo looga soo horjeeday qaabkii loo magacaabay maamulka islaamiga ee Maxkamadaha ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo.

 

Banaanbaxaan oo ay soo abaabuleen beelo ka mid ah beelaha dega gobolada Jubooyinka ayaa waxa ay sheegeen in ay gabi ahaanba qaadacsan yihiin maamulka Maxkamadaha ay ka sameeyeen gobolada Jubooyinka oo ay ku tilmaameen in dhismihiisa lagu sameeyay cadaalad darro.

 

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa waxa ay socod ku mareen xaafadda Calanleey, iyagoo ku qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah maxkamadaha islaamka, waxaana ay ku gubeen wadooyinka qaar ee xaafadaha taayaro.

 

Banaanbaxyada ceenkaan oo kale ah ayay Maxkamadaha ka maamnuuceen dhowaan in lagu qabto magaalada Kismaayo, balse waxa uu ku soo beegmay xilli golaha maxkamadaha ay shalay ku dhawaaqeen maamul islaami ah oo ay sheegeen in ay ku saleeyeen qaab deegeen oo dadku ay ku qanacsan yihiin, laakiin dibadbaxaan ayaa muujinaya in ay jiraan beelaha qaar oo wali saluugsan qaabka maamul u sameynta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Banaanbaxyo ka dhan ah maamulka loo sameeyay Kismaayo oo xalay dhacay

 

 

Kismaayo 07, Oct.06 ( Sh.M.Network) Banaanbax balaaran oo rabshado wata oo looga soo horjeedo maamulka Maxkamadaha islaamka ay ka hirgaliyeen gobolka J/hoose ayaa xalay ka dhacay magaalada Kismaayo.

 

Dibadbaxayaasha oo ahaa kuwo careysan ayaa waxa ay socod ka soo bilaabeen dalcadda Suuqa caanaha iyo Somalia Star, iyagoo u soo ruuqaansaday isgoyska Aaargo, waxaana ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay uga soo horjeedaan maamulka cusub ee dhowaan maxkamadaha ay ka hirgaliyeen magaalada Kismaayo.

 

Dadkaan oo aad u careysnaa ayaa waxa ay shidayeen taayaro, iyadoo dad goobjoogayaal ah ay shabelle u sheegeen in mararka qaar ay dhaceysay rasaas sida la sheegay ay ridayeen dad ku soo dhex dhuuntay dibadbaxayaasha.

 

Qiic, olol iyo sawaxan ayaa hareeyay magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamada Maxkamadaha islaamka ay galeen heegankii ugu sareeyay, inkastoo aanu sameyn wax dhaq dhaqaaq ah oo ka dhan ah dibadbaxayaasha.

 

Lama yaqaan rabshadaha waxa ay ka dhasheen, laakiin wararka qaar ee la isla dhex marayo ayaa waxa ay sheegayaan in dibadbaxaan ay soo abaabuleen beelaha qaar oo aan ku qanacsaneyn maamulka Maxkamadaha ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo, inkastoo Maxkamadaha islaamka ay sheegeen in maamulka ay sameeyeen ay ku saleeyeen qaab deegaan oo dadku ay ku qanacsan yihiin.

 

Nin magaciisa ka gaabsaday oo Shabelle la soo xiriiray kana mid ah dadka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan rabshadaha ka dhanka ah Maamulka maxkamadaha islaamka tan iyo inta ay beeshooda xubno fiican laga siinayo maamulka magaalada Kismaayo.

 

Dibadbaxyadaan oo bilowday abaarihii 9 kii fiidnimo ayaa gaaray ilaa 12 kii saqdii dhexe, iyadoo dibadbaxyaaasha qaar ay dhulka dhigayeen boorarka xafiisyada sharikaadka magaalada kismaayo.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo dibadbaxyo ka dhan ah Maxkamadaha islaamka uu ka dhaco magaalada Kismaayo tan iyo markii gacan ku heynta magaaladaasi ay la wareegeen maxkamadaha 25 kii bishii la soo dhaafay, ka dib markii isbaheysigii Barre Hiiraale uu u kala jabay kuwo ku soo biirey Maxkamadaha iyo kuwo kale oo isaga huleelay magaalada Kismaayo.

 

Farxaan lafoole

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Banaanbax looga soo horjeedo maamulka cusub ee Kismaayo shalay looga dhawaaqay oo xalay ka dhacay magaaladaasi.

 

October 07 2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia

 

Banaanbax looga soo horjeedo maamulkii shalay maxaakimta islaamka ay kaga dhawaaqeen magaalada Kismayo ayaa xalay boqalaal qof ay ka dhigeen magaalada Kismaayo iyaga rabshado sameynayay kuwaasi oo qaarkood xabsiga la dhigay.

 

Dibad baxayaasha oo wadooyinka ku xeray dhagaxaan iyo taayaro gubanayay ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Kismayo si ay u muujiyaan sida ay u diidan yihiin maamulka cusub ee shalay laga dhisay magaalada Kismaayo.

 

Kooxahaan mudaaharaadka dhigayay oo muddo hal saac ah waday rabshado ayaa ku waramay in ay ka careysan yihiin qaabka loo dhisay maamulka Gobalka .

 

Barre Salaad Axmed (Barre garwene) oo ka mid ahaa maamulki hore ee degmada Kismaayo kana soo jeeda beesha Cowramale ayaa sheegay in ay ka xun yihiin qaabka loo dhisay maamulkaani, isaga oo xaqiijiyay in beeshiisu aysan ku qanacsaneyn.

 

Barre Garwene ayaa intaa ku daray in ay taageersan yihiin maamulkii hore ee dooxada jubba iaga oo sheegay in ay ku qanacsanaayeen habdhismeedkii maamulkii hore.

 

C/qaadir Maxamed Jibriil oo ka tiran mas`uuliyiinta maxaakimta islaamka ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ku dhawaad 30 ruux oo dhalan yaro ah ay xabsiga u taxaabeen ka dib markii ay sameyeen rabshado , isaga oo sheegay in banaanbaxaasi uusan aheyn mid weyn ayna fulinayeen dad doonaya in ay dhacaan hantida dadweynaha.

 

Waxaana magaalada xalay laga maqlayay dhawaqa rasaasta inkastoo aysan jirin cid wax ku noqatay sida ay sheegayaan wararka saaka soo baxay.

 

Dhismaha maamulkaani loo sameeyay gobalada Jubooyinka isla markaana ay dhiseen maxakimta islaamka ayaa ah mid ka kooban 18xubnood oo loo dhisay waaxyaha maamulka degmada iyo guud ahaan gobalada Jubooyinka. Iyadoo 33 xubnood magaalada Kismaayo looga dhisay golaha shuurada jubooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

sida ku cad wararka aad keentay halkan, bannaanbaxyaasha maamulkan ku meel gaarka ah ayey ka soo horjedaan ee kama soo horjeedaan Maxaakimta.

 

 

Waxan mudaaharaadka wado waa ruxan iyo kolonyo yar oo moodeyso in qaabka maamulka loo dhisey aysan cadaalad aheyn qabiil ahaan marka la fiirsho, ee wax saas u sii buuran ma ahan mudahaaraadkan.

 

Talk to you people in Kismaayo if they are there and ask them the reality there- there was another dibadbax at da same time last night, but this dibadbax was arranged by gangs so they can loot shops and hantida dadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Nin weyn baa tahay sxb. Qaab rageed u hadal. Gangs iyo waxaad sheegeysid yaa doonaya idaacadaha Soomaaliyeed ee wada dhan iyaaba sheegayee sababta iyo siday wax u dhacayaan.

 

Teeda kale what makes you think I don't speak to Kismaayo and I don't know what's been going on? How do you think I have been refuting all the propaganda from people like you taking this opportunity to hurl tribal based shots at Barre?

 

bannaanbaxyaasha maamulkan ku meel gaarka ah ayey ka soo horjedaan ee kama soo horjeedaan Maxaakimta.

Kii kan ka horeeyene ee bilaawmay intii aysan Ciidamada ee Kismaayo qabsaday kuli xaadirine maxay ka banaanbaxayeen? Qaad baa? :D:D

 

Barre Garwene ayaa intaa ku daray in ay taageersan yihiin maamulkii hore ee dooxada jubba iaga oo sheegay in ay ku qanacsanaayeen habdhismeedkii maamulkii hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Waryaa HORN, gangska websiteya badan baa keenay adiguse waad ka boodey inaad soo tabiso, saas u fahan hadalka, any website that is against Maxaakimta's rule would not mention the gangs!!

 

 

aan u soo gudbo, Hal cillad baad leedahay adigu sxb Horn, hal waliba ka badan saan filayo, marka wax laguu sheego ama wax run ah la taabto tribal shots iyo waxbaad ku kacdaa aan meeshaba oolin ood leedahay qaab qabiil ayaa Barre loo hagardaaminayaa etc

 

 

Lets see what your relatives in Kismaayo are saying, noo soo sheeg bal waxey dhaheen kolley waad edit-gareeniyee :D

 

Hakuu macaanaato sxb, ee bal naga tartiibi dagaalkan baas eed nagu saadaalineyso not good for ur relatives or families in Kismaayo and not for me as well or anyone else

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I am sure HornAfrik and Shabelle are against the Maxkamado and are engaging in propaganda. :rolleyes:

 

Shabelle, which can be said to be very, very guilty of your accusation :D , even said this:

 

Dibadbaxayaasha oo ahaa kuwo careysan ayaa waxa ay socod ka soo bilaabeen dalcadda Suuqa caanaha iyo Somalia Star, iyagoo u soo ruuqaansaday isgoyska Aaargo, waxaana ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay uga soo horjeedaan maamulka cusub ee dhowaan maxkamadaha ay ka hirgaliyeen magaalada Kismaayo.

 

Dadkaan oo aad u careysnaa ayaa waxa ay shidayeen taayaro...Qiic, olol iyo sawaxan ayaa hareeyay magaalada Kismaayo

and HornAfrik said this:

 

Dibad baxayaasha oo wadooyinka ku xeray dhagaxaan iyo taayaro gubanayay ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Kismayo si ay u muujiyaan sida ay u diidan yihiin maamulka cusub ee shalay laga dhisay magaalada Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Horn waxaan ula yaabeynin, markii lala dagaalay Qeybdiid, I had difficult time explaining to my relatives that their clan wasn't under attack. I was shocked at the reaction displayed by the most educated members in our family how personal they took the war when certain Muqdisho radios announced reer hebel are being routed out of Muqdisho today. Marka, qof soomaali ah waxaan loola yaabi karin, qabiilkaa lafaha ka galay no matter how much schooling they have done. Waxaa u daran oo kaliya ninka madaxda ah iyo kan inadeerkii ah ee dhinac taagan laakiin ka fikrad duwan iyo xukun jacayl waalli ah. Dad tipo talyaani ahaa, oo very secular ahaa, oo weligood qori qaadanin aa caadifad qabiil gashay markii radiyowyada ay ka maqleen qabiilkoodaa hilfaha loo laabay.

 

Kismayo cidna lagama xigo qabiilkuu doono ha ahaado, Xamar cidna lagama xigo qabiilkuu doono ha ahaado, Siyaasaddaan reer hebelaa meeshaan iska leh shalay ka billaabatay koonfurta. Gedo was the first place which gave refuge to all somalis who didn't want to participate in the civil war ilaa niman qabiilka Gedo ka dhashay amxaaro kusoo hoggaamiyaan qabiilkoodii iyo soomaalidii kaloo meesha degganaa.

 

 

Horn diinta si fiicanuu u yaqaanaa sida ka muuqatay hadalladiisa, cilmi adduunyana kuma yaro, haddana qabiilkaa ka xoog badan oo wuxuu u hadlaa sida nin dulman oo kale. La yaab waaye.

 

 

Qofka caqliga leh, qabiilllada soomalida makala xigsado, your qabiil should be the group of somalis who serve the interests of islam and country. It is that simple.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xoogsade-

 

Can you tell me why Dahir Aweys and Sheikh Shariif are trying back to back to contact Barre and even speaking with Ugaas Ciise Ugaas Cabdille right besides Barre Aadan Shire exclaiming they made a mistake and a wrong decision to allow a non-fully supported aggression towards Kismaayo to take place in the first place?

 

No sxb, lest you think it is ku-tiri-ku-teen, waa xaqiiq dhab ah. Qorshaha Kismaayo dadkii watay waa la yaqaan; Diine looma ogalaanayo iney ku gabadaan.

 

Barre specifically told Ugaas Ciise he would not speak to them nor any other people who represent them unless they remove their militias all the way to Barawe. How feasible it is for them I don't know, but I know what Barre will do.

 

If Barre Aadan Shire had done anything in his power to stand against or do anything to harm the Islamic movement in Somalia, I would have reason to oppose him.

 

If Barre Aadan Shire supported foreign troops to come to Somalia and would allow Ethiopian troops to come to Somalia, I would have reason to oppose him.

 

If Barre Aadan Shire was part of the "anti-terror" alliance and had participated in the molestation of our religious people, I would have reason to oppose him.

 

If Barre Aadan Shire had been seduced by Western money and power and had given up Sheikh Hassan Turki while he was under his protection in Ras Kambooni, I would have reason to oppose him.

 

I have no reason to oppose Barre Aadan Shire sxb and neither do they from this interview starting at 6:50

Share this post


Link to post
Share on other sites

By Sahra Abdi Ahmed

 

 

KISMAYO, Somalia, Oct 7 (Reuters) - Somali Islamists arrested 35 people and shot in the air to disperse a protest in Kismayo against the new administration at the key port it seized last month, witnesses said on Saturday.

 

Scores of people took to the streets late on Friday, burning tyres and blocking roads, after the Islamists appointed a new governor, mayor and heads of the airport, port and the city's overall security.

 

The protesters said the Islamists, who captured Somalia's third city on Sept. 25, had not shared power fairly when picking the port's new leadership.

 

"We are angry about how this administration has been set up," said Barre Ahmed, an official of the Juba Valley Alliance, an independent authority that controlled the region around Kismayo before the Islamists took it over.

 

The Islamists said the protesters were political trouble-makers.

 

"We have arrested 35 people. These were not regular demonstrators, they have a political agenda to undermine our administration," said Abdul Kadir Jibril, one of the Islamist Court officials charged with security in Kismayo.

 

The protests were the fourth since the Islamists seized the port. Past demonstrations have also been against the Islamists' ban on the popular leafy stimulant khat and on cinemas.

 

The Islamists have prohibited the mild stimulant, usually traded by women and mostly chewed by men in Somalia.

 

The Islamists, who control the capital Mogadishu, seized Kismayo without firing a shot, expanding their control over southern Somalia and effectively flanking the interim government, based in the provincial town of Baidoa, on three sides.

 

The United Nations refugee agency said on Friday more than 2,000 Somalis have fled across the border to Kenya over the last two days after reports of advances by Islamist forces on several southern towns this week.

 

Some 30,000 people from Somalia have sought refuge in Kenya since the beginning of the year. The U.N. agency said their continued arrivals could soon overwhelm existing refugee camps.

 

The interim government, the 14th attempt at effective central rule since the 1991 ouster of a dictator, regards Kismayo's capture as breaching a ceasefire agreement reached at peace talks in Sudan.

 

(Additional reporting by Sahal Abdulle in Mogadishu)

 

Source: Reuters, Oct. 7, 2006

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Doesn't that proof to you that all you have been saying was false? That infact Barre was fair and the JVA was a regional-wide maamul that recognized all the inhabitants of the Jubbas and had a place for each? That people who were supposedly oppressed, as you have alleged, are actually speaking out in favor for the maamul of Barre and violently protesting against this put together maamul that you just yesterday alleged was a political feat and will bring all the people together? And these are not even "reer Gedo" people to say the least. :D

 

Suldaanka beesha Cowra-ma leh “Hadduu Mareykanku ku goodiyo cunaqabateyn, aniguna waxaan leenahay laga billaabo saacadan Kismaayo waxaa saaran cunaqabateyn

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Barre was a warlord whose exit was welcomed by many locals :D .

 

Soomaali qabiil maaro looga heli maayo lamana qancin karo maamulwalba oo la sammeeyona qolaa eed sheeganaysa.

 

I support these Courts for reasons beyond your grasp, walaal--for now at least.

 

PS. lol@good Suldaan's threats of dil and jidgooyo, Suldaan maashe kaas :D ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Cut the spin. You support them because it was Barre in Kismaayo. ;)

 

 

Alleyle Oodweyn baa si fiican kuu soo qabtay; The Story of Xiin: From Cabdulahi Yusuf to Yusuf Siyaad Indhacade. :D

 

Kismaayo waa loo soo socdaa, mark my words.

 

 

p.s. I love the hypocrisy in this statement. ;)

 

Soomaali qabiil maaro looga heli maayo lamana qancin karo maamulwalba oo la sammeeyona qolaa eed sheeganaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this