MR ORGILAQE Posted November 2, 2004 Jen.Cadde Muuse oo wada dadaal lagu joojinayo colaada ka aloosan Adhi Cadeeye Burtinle-Online Talaado, Nofember 02 2004 Jeneraal Cadde Muuse Boqor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Isniintii gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Jeneraalka oo ay wehliyeen wasiiro iyo taliyayaal ciidan oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa sida wararku sheegayaan wada dadaal uu ku joojinayo colaada halkaa ka aloosan. Cadde Muuse oo si wanaagsan loogu soo dhoweeyay magaalada Laascaanood ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay maamulka Riyaale, kuna soo qaaday sidii loo joojin lahaa xiisada colaadeed ee maalmihii lasoo dhaafay halkaa ka jirtay, loona kala qaadi lahaa ciidamada isku hor fadhiya jiida hore ee dagaalka. Jeneraal Cadde oo sanadkii 2002dii dagaal kaga hor yimid Madaxweynihii maamulka Puntland Col.Cabdullaahi Yuusuf, xarumo ciidana ku lahaan jiray dhulka Somaliland ayaa la rumeysan yahay inuu weli xiriir wanaagsan la leeyahay saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland iyo Salaadiinta ree Waqooyi qaarkood. Dadaalka nabadeed ee uu qado Jeneraal Cadde Muuse ayaa la sheegay in ay soo dhoweeyeen mujtamaca wanaaga jecel ee labada dhinac ee ay colaadu dhex martay. Jeneraal Cadde ayaa ah mas'uul miisaan weyn ku dhax leh maamul goboleedka Puntland. Burtinle-Online editor@burtinle.com Quote Share this post Link to post Share on other sites