Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Minister Juxa opens EU project + 100 new scholarships

Recommended Posts

26.jpg

Wasaaradda Waxbarashada Puntland Oo Furtay Mashruuca Waxbarashada Soomaaliya ee Midowga Yurub(Sawiro)

 

August 26, 20101 comment| leave your own!

Share Waxaa maanta kulan balaaran lagu qabtay xarunta Wasaarada Waxbarashada Puntland kasoo lagu furaayo mashruuca hormarinta waxbarashada Soomaaliya qaybtiisa degaanada Puntland.

 

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada Dr.Cabdi Faarax Juxa Wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada,Wasiiru dowlaha wasaarada Qorshaynta iyo xirrirka Caalamiga ah,Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo masuuliyiin ka socota Midowga Yurub(EU) iyo hay’addaha UNCEF,CFPT iyo AET.

 

Kulankaan ayaa ahaa markii hore mida ay albaabadu u xiranyihiin,waxaana markii masuuliyiintaan dhamaysteen kulankaa ay shir jaraa’d oo looga hadlaayo kulankoodii saaka ay ku qabteen isla hoolka wasaarada Waxbarashada.

 

Sarkaal ka tirsan Hay’adda UNICEF oo lagu magacaabo Md Salaad ayaa ugu horeyn hadlay,wuxuuna sheegay in madaxdaan kala gadisan ay isugu yimaadeen maanta in ay ku dhawaaqaan mashruuca loogu talagalay taya galinta Waxbarashada Soomaaliya oo ay Puntland qayb ka tahay.

 

Md salaad ayaa sheegay in mashrucaan uu wasaarada qaybo badan ka caawin doono kuwasoo dhamaantood kor u qaadaya waxbarshada Puntland.

 

Sarkaal ka socda Midowga Yurub oo halkaas hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay ka qaybgalka mashruucaan tayaynta Waxbarashada Sooomaaliya qaybtiisa Puntland,wuxuuna ka codsaday maamulka Puntland in ay gacan weyn ka qaadato kor u qaadida miisaaniyada waxbarashada.

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa ugu danbeyntii goobta ka hadlay,wuxuuna sheegay in mashruucaan wasaaradiisa ay daba joogtay tan iyo markii loo magacaabay xilkaas.

 

Wuxuu mahadcelin gaar ah ujeediyey Sarkaalka ka socday Ururka Midowga Yurub kasoo sheegay in mashruucaan uu yahay midkii 7-aad ay wado ururka uu kala soo qaybgalo isla markaan Midowga Yurub ay xooga saareen sidii caruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh.

 

Mashruucaan Tayaynta Waxbarashada Soomaaliyeed qaybtiisa Puntland oo maanta la furay ayaa waxaa uu socon doona mudo saddex sano ah.

 

Maxamed Saciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sudan iyo Itoobiya oo Deeqwaxbarasho ugu deeqay Dowlada Puntland .

 

Wasirka Wasarada Waxbarashada puntland Cabdi Farax Juxa oo maanta shir Jaraa’id uu ku qabtay Xafiiskiisa waxaa uu kaga warbixiyey Safarkisii uu ku soomaray dalalka itoobiya iyo Sudaan kuwaas oo u ka soo helay Deeq waxbrasho oo gaaraya 150 arday in kabadan oo loo qaadayo waxbarasho Jamacado Dibada waxaana ay noqonayaan ardaydaani loo soo helay waxbarashada heer jamacadeeda ah ardayda ugu saraysay Imtaxaanka dugsiga sare fasalka 4aad ee Puntland

 

‘wasiirku waxaa u ku bilaabay shir kisi jaraa’id, waxaan maqnayn Mudo ku dhow aniga iyo wafdi ka socday Wasarada waxbarashada si wanaagsan ayaa naloo soo dhaweeyay, waxaan tagnayn Nahromiil oo ku matanaysan puntland horay ayaana deeq waxbarasho sudaan noo siisay hada waxaa ay noogu deeqday, waxaan ardayda ugu bishaaraynaa ardaydii horay u heshay Deeqda waxbaradaa oo ka baqday in ay hada tagayaan, Hadana waxaan ka soo helnay 60 kurisi oo jamacado ah oo ay ka mid yihiin Jamacada Sudan iyo aljeezara’

 

Kadibna waxaan u sii dhaadhacay dalka Itoobiya waxaan soo marnay Dowlada dhexe ee itoobiya iyo tan kililka soomaalida oo si wayn nalooka soo dhaweeyay, albaabna waa naloo furay, waxaana ka helnay in kabadan 100 arday waxaana ku waragalinyaa dhamaan ardayda in ay qaataan Passport Dowlada Fedraalka oo la aqoonsan yahay, waxaana la siinayaa deeqda waxbarasho ee laga soo helay itoobiya iyo Sudaan ardayda ugu saraysa ee helay Dhibcaha A oo xag u leh

 

Wasirku waxaa kale oo uu ka warbixiyey Imtaxaanadkii dhawaan ay ku guulaysteen Wasaradu in ay isku wakhti u wada fariistaan Imtaxaanaadka Dugisiyada sare iyo kuwa dhexe natiijadii ka dhalatay waxaana uu soo bandhigay Sanad Dugsiyedaydii Dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe kuwaas oo markii ugu horaysay halmar imtaxaan uwada fariistay waxaana ugu badnaa ardayda fasalka 4aad ugu sareeeyay puntland ALwaxa oo helay 32 arday oo A Garowe Haji Cali Bixi Galkacayo Muntada Qardho waxaana u farisatay 801 arday 759 aarday ayaa u gudbay waxaa ku dhacay 42 arday aayaa dhacay 141 ayaa waxaa ay ku baxeen A

 

Mahan markii ugu horaysay ee wasarada waxbrashada Puntland aysidaan oo kale ay deeeq waxbarasho u soo bandhigto uguna deeqdo ardayda ugu saraysa Dugisyaada Sare imtaxanaanadka u danbeeya kuwaas oo dhiiri galin u noqota, waxaa horay u aaday markay dhamaysteen dugisyada sare arday Deeq waxbarasho looga helay dalalka Sudaan iyo Yeman

 

 

C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International- Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka ayaa si fiican u Qeexey shuruudaha looga baahan yahey Ardeyda oo ay uugu horeyso Passport-ka cusub ee federaalka oo aan maranaba la Aqabali doonin kii hore ee cagaarnaa waxaana uu sheegey wasiirka in jamacada ay ka qaadan doonaana diploma iyo digree ayna helayaan Adeeg aad u sareeya lagana saacidi doono dhamaan wixi ku saabsan wax barashadooda

 

Dhinaca kalena Wasiirka Waxbarashada ee dawlada Puntland wuxuu Warbaahinta u qeybiyey Warqad Qoraal ah taas oo isna akhriyey islamarkaaasna ku saabsanayd Natiijooyinka Imtaxaankii ay sanadkan Wasaaradu Qaaday waxaana ay Natiijadu u qornayd Sidan:-

 

Dugsiyada imtixaanka aan horay ugu gali jirin Wasaaradda .

1 Number Of Schools 17

2 Number Of Students 801

3 Number Passed 759

4 number f ailed 42

5 Number of AS 141

Dugsiyada ugu fiican

 

Alwaaha 32

 

Xaaji Cali biixi 5

 

Muntada Qardho 6

 

Ardayda gashay kaalinta dugsiyadaa aan horay Wasaaradda imitixaanka uga qaadi jirin

 

1 Cabdullahi Cali faarax Maxamed oo ka socda Dugsiga sare ee Alwaaxa

 

2 Zakariye Axmed Maxamuud oo ka socda dugsiga sare ee Xaaji Cali biixi

 

3 Abdullahi Mahamuud Aadan oo ka socda Dugsiga sare ee shaafi

 

4 Amina Mahamuud Abdullahi Nawaawi Bosaaso

 

Dugsiyada Imtixaanka ugali jiray Wasaaradda horay

1 dugsiyada imtixaanka u fadhiistay waa 7

2 Ardayda imitixaanka gashay waa 527 Arday

3 Ardayda baastay waa 522

4 Ardayda dhacday waa 5

5 Number Of As waa 66

 

1 Dugsiga ugu fiican sanadkaan Dugsiyada sare ayaa noqday Dugsiga Cumar Samatar.

 

2 Dugsiga labaad gale ee dugsiyada ugu fiican qaatay waa Dugsiga Ganbool ee Magaalada Garowe

 

3 dugsiga sedax galy waa Sh Cusmaan Qardho oo asna kaalinta sedaxaad soo galay .

 

Ardayga ugu sareeya dugsiyada sare ee Puntland ayaa noqday Arday ka qalin jabiyay Dugsiga Cumar Samatar Gaalkacyo waxaana lugu magacaabaa Xuseen Abdullahi Warasame Xaashi

Waxaa kaalinta labaad galay Ardayga kale ee asna ka soo baxay Dugsiga sare ee Ganbool ee Magaalada Garowe kaa oo asna lugu magacaabo Maxamed Maxamuud Yuusuf Mahamuud .

 

Kaalinta sedaxaad ayaa waxaa galay Arday asna ka soo baxay Dugsiga sare ee Cumar Samatar kaa oo lugu magacaabo Xusen Maxamed Xirse Xasan

 

Gabadha ugashay kaalinta gabadhaha dhiganayay Dugsiyada sare ee Puntland ayaa iyana waxa lugu magacaabaa Caasho jama Xasan Axmed oo dhigata dugsiga Ganabool ee Garowe

Dugsiyada dhexe ee Puntland.

 

Dugsiyada imtixxaanka u fadhiisatay waxa ay ahayeen 82 Dugsi

 

Ardayda imtixaanka u fadhiistayna waxa ay garayeen 3622 Arday

 

Ardayda baastay ee gudbtay waa 2799 Arday

Ardayda dhacday Sanadkaan waa 823 arday aya dhacday oo aan soo gudbin .

 

Dhanka kale Wasaaradu waxay ku dhawaqday Afartii arday ee ugu wanaagsanaa Imtaxaankii sanadkan,Waxaana ay Wasaaradu sheegtay in ay Siin doonto Abaalmarino Qaali ah,Waxaana ay

Afartaas arday kala ahaayeen sidan:-

 

1 Xuseen cabdullahi Warsame Xaashi Cumar samatar

2 Maxamed Maxamuud yuusuf Ganbool

3 Caasho Jaama Xasan Axmed Ganbool

4 Amina Mahamuud Cabdullahi New Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:W/Waxbarashada Puntland & Hay’adaha ka shaqeeya Hor’umarinta Waxbarashada oo Maanta Garoowe ku kulmay.

26. august 2010

 

APL

 

Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa Maanta Hoolka Shirarka ee Wasaarada Waxbarashada Dawlada Puntland isuguyimid Mas’uuliyiin kasocotay Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed & Hay’adaha ka shaqeeya Hor’umarinta Waxbarashada ee Deegaanada Puntland & Guud ahaanba dalka Soomaaliya.

 

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee dawlada Puntland,Wasiiru-dowlaha Wasaarada Qorsheynta & Saraakiil kasocotay Hay’adaha Unicef,CFPT,Midowga Yurub & Madax kale oo kasocotay Ururada Waxbarashada ee Caalamiga ah waxaana kulankan uu halku dhigiisu ahaa “Sare u Qaadida Tayeynta Waxbarashada ee Puntland” kaas oo socon doona Sadexda Sano ee soosocta.

 

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Aqoonyahano kasocotay Puntland ayaa saacado badan socday,waxaana la’isku soo qaaday sidii loo hormarin lahaa Waxbarashada Puntland islamarkaasna loo samayn lahaa Jadwalkii hor’umarintaasi u dhici lahayd Sadexda sano ee sooscota kuwaas oo saameyn rasmi ah ku yeelanaysa Guud ahaan goobaha Waxbarasho ee Puntand.

 

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee dawlada Puntland Dr,Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa kulankaasi markii uu soodhamaaday kadib isaga & Saraakiil ka qeybgalaysay kulankaasi ay Warbaahinta la hadleen,waxaana uu sheegey in Kulankaas laga gun gaaray isagoo mahad celin balaaranna usoo jeediyey Dhamaan hay’adihii kulankan ka qeybgalay,waxaana uu sheegey in Dawladiisu ay markasta ku dadaalayso hor’umarinta Waxbarashada ee dalka.

 

Sidoo kale Juxaa wuxuu sheegey in Wasaaradiisu ay mahadcelin gaar ah ujeedinayso Ururka Midowga Yurub (EU),kuwaas oo uu ku amaanay inay Mashruucii 7-aad oo Hor’umarinta Waxbarashada Puntland kusaabsan ay Fulinayaan Mudadii koobnayd ee uu Xafiiska joogay,waxaana uu intaas kudaray in Wasaaradiisu ay markasta ka shaqeynayso Hor’umarinta Waxbarashada islamarkaasna ay Hay’adaha ka codsanayso inaysan marna ka daalin Howlahooda shaqo.

 

Dhinaca kalena Salaad Daahir Aadan Madaxa Unicef uqaabilsan Arimaha Waxbarashada ee Puntland ayaa isna kulankaas ka hadlay,waxaana uu sheegey in Kulanku uu siwanaagsan ugu soo gabagaboobay islamarkaasna ay isku afgarteen dhamaan Waxyaabihii ay Wasaarada kala hadleen ayna Hay’adiisa & kuwo kale loo xilsaaray inay fuliyaan mashruucan oo uu maalgelinayo Ururka Midowga Yurub.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this