ANWAR Posted October 10, 2010 Siilaanyo oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka EU-da u qaabislan Somaliland iyo Somaaliya iyo wasiiro 9 Aug, 2010 - [siilanyo] Hargysa -Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka socda EU-da. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada mr Cukuse, warsaxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi uu na soo gaadhay waxa uu u dhignaa isga oo dhamystiran sidan: Weftigan oo uu hogaaminaayey Geroges-Marc Andre oo ah wakiilka EU-da ee Somaliland & Somaliya kana koobnaa 13 Xubnood oo ka kala socda wadamada Sweden, Finland, Denmark, France. Netherlands, Hungary, Spain, Germany, Austria, iyo UK. Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay Xaalada Guud ee Somaliland ee dhinacyada Nabad gelyada, Maamulka iyo Dhaqaalaha. Waxa kale oo uu madaxwaynuhu Weftiga uga waramay Dhismaha Xukuumada oo uu sheegay in ay tahay Xukuumad aad u Tiro yar isla markaana Tayo leh oo ay Aqoonta iyo Khibradu Saldhi u yihiin, Madaxwaynuhu waxa uu tafaasiiska bixiyey siyaasada xukuumada Cusub ee Horu marinta Wadanka & in ay uu yoolkeedu yahay rumaynta iyo meel marinta Balanqaadyadii xiliga kaanbaynka ee hore. Dhinaca kalena madaxwaynuhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday Adkaynta Nabad gelyada iyo Ka hortaga Argagixisada iyo Budhcad badeeda. Madaxa Weftiga Ceroges-Maec Andre ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu hambalyeeyey doorashadii Dalka ka dhacday iyo Sidii nabad gelyada lahayd ee isbedelku u dhacay, Madaxa weftigu waxa uu soo maalilnad ku dhiiriyey Dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar ka gaadho Dhismaha Dawladnimada & Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu sheegay in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso farsamada iyo Aqoonta lagu Xaqiijinaayo taas. Gebegebadii kulankan waxa uu ku dhamaaday is Afgarad. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 10, 2010 old news my friend Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted October 10, 2010 dam i must keep upp Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 10, 2010 ^^ haa niyo laakin galmudug dadka way ka yara danbeyan lool Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted October 10, 2010 lool anaaga baraxley baa news kaa helana maaxa nagoo ogtahay Quote Share this post Link to post Share on other sites