Yoonis_Cadue Posted October 29, 2005 MUUSE SUUDI “Waxaan leeyahay reer CARTE Itoobiya ha ku mar marsiyoonine, aniga oo Muuse ah ayaa idinku filan, dhibka uu wadanku 12 sano ka dhismi la’yahay waa sha’nigiina†Muqdisho,allsomali.com 6.29.02 Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah asaasayaashii Golaha SRRC ayaa isagoo ka hadlayey xaflad xil wareejin ah oo lagu qabtay xaruntiisa ka sheegay in aysan jirin wax is qabqabsi ah oo ku saabsan xilka guddoonka golaha SRRC isla markaana guddoomiyaha xilligan ee golahaasi uu yahay Hilowle Iimaan Cumar oo isla xafladaasi xilka kula wareegay qadka Taleefanka isagoo kala wareegay Jen. Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow) oo ku sugan Itoobiya. “SRRC-du waa intii ka soo hortay CARTA, mana jirto koox kale, sida COGWO, INXA qolobo qolo ayey ku tiirsan tahay, marka SRRC-du waxay ka shaqeyneysaa dib u heshiisiinta dalka†ayuu yiri hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow isagoo dhanka kalena eedeyn ba’an u jeediyey xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusaa oo uu ku dhaliilay doorkiisa ku aadan xal u helidda arrimaha Soomaaliya, isagoo buu yiri istaagay door aan dhex dhexaadnimo ahayn, “Waxay ahayd Caamir Muusaa in uu taageero natiijadii ka soo baxda shirka Nairobi ee ma ahan in uu taageero koox keliya†ayuu yiri isagoo sidoo kalena u eedeeyey dowladda Jabuuti in aysan gudan abaalkii loo galay, “Reer CARTA dhibaato daba dheeraatay ayey ku hayaan shacbiga, waxaana loo baahan yahay in shacbiga Soomaaliyeed ay si shuruud la’aan ah uga qeybgalaan shirka Nairobi†ayuu yiri Muuse Suudi oo ay wejigiisa ka muuqatay dareen uu ku diidan yahay jiritaanka kooxda CARTA “Waxaan leeyahay reer CARTE Itoobiya ha ku mar marsiyoonine, aniga oo Muuse ah ayaa idinku filan, dhibka uu wadanku 12 sano ka dhismi la’yahay waa sha’nigiinaâ€ayuu yiri Muuse Suudi Muqdisho,allsomali.com 6.29.02 Dowlad ayeey sheeganayaan waxay daganyahiin guryihii UUNLAAYE: listen Quote Share this post Link to post Share on other sites