Dal Aqoon Posted November 18, 2010 Khalkhalka siyaasadeed ee curyaamiyey dawladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya waxaa ugu weynayd khilaaf iyo isqaqabsi had iyo jeer u dhexeeya madaxda sare ee dawladda siiba raysalwasaaraha iyo madaxweynaha. Laga soo billaabo khilaafkii riday dawladdii carta ee ka dhexeeyey madaxweynihii hore C/qaasim Salaad iyo raysalwasaarihiisii Cali Khaliif Galayr, Cabdullahi Yuusuf vs. Cali Geeddi, Cabdullahi Yuusuf vs. Nuur Cadde, tii u dambeysey Sheekh Shariif vs. Cumar Cabdirashiid, dhammaan khilaafyadaas waxa sabab u ahaa markasta qofka madaxweynaha ah oo rabay inuu isagu meesha taladiisa ku muquuniyo. Arrintaas oo fure ay u tahay in markaa madaxweynaha talada maroorsanayaa helo raysalwasaare u dhega nugul oo aan mawqil lahayn. Arrintaa ayaa waxay u meel martay markii ugu horraysay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo helay Maxamed Farmaajo, oo ah raysalwasaare aad hebed u ah, wixii la rabana la marsan karo. Qodobbadan hoos ku qoran ayaa marag ah mawqif jileeca Maxamed farmaajo: 1. Ayaama ka dib markii jagada raysalwasaarannimo lagu magcaabay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, laakiin aan weli baarlammaanku ansixin, ayuu soo saaray go’aankiisii siyaasadeed ee ugu horreeyey, go’aankaas oo uu raysalwasaaruhu sheegay:”anigu ma rumaysni wax la yiraahdo 4.5…wasiirradii dawladdii hore cidi kagama jiri doonto dawladdayda,” Raysalwasaare Farmaajo. Go’aankaas ayaa waxba kama jiraan noqday ka dib markii Sheekh Shariif ka cadhooday, xasuusiyayna raysalwasaaraha in isaga laftiisu meesha ku yimi xeerka 4.5 oo sal u ah dawladda taagta daran ee TFG. Go’aan jabkaas raysalwasaaraha dad badan baa la yaabay, qaarna waaba ka caroodeen. 2. Kolkii Shariif Sakiin uu baarlammaanka fariisin waayey, oo wacad ku maray inaanu ansixin Mr. Farmaajo, dedaal shacabka iyo xubnaha baarlammaanka ka yimi ayaa lagu meel mariyey in raysalwasaaraha la ansixiyo. Ka dib madaxweynaha ayaa ku amray Mr. Farmaajo inuu Shariif Sakiin la heshiiyo, inkastoo Maxamed Farmaajo markii hore ka biya diiday, aakhirkii waa la mariyey, waxaba weliba la oggolaysiiyey inuu wasiirrada Digil iyo Mirifle cidaan Shariif Sakiin ahayn lagala tashan. 4. Golaha wasiirrada markuu soo magcaabayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wasiirradii beeshiisa loo gartay oo 4 ahaa, laba ka mida Sheekh Shariif ayaa ku soo magcaabay laba nin oo isaga xafiiska u shaqayn jiray: Cabdikariim Jaamac iyo Cabdirashiid Xaashi. Sidoo kale Xuseen Xalane ayaa isana waxa wada jir u soo magcawday AMISOM iyo Sheekh Shariif. Arrintan ayaa weli la isku haystaa, iyadoo meelo badan oo Soomaaliya ka mida muddaharaadyo ka dhaceen, beeshii wasiirrada xaqa u lahayd inay magcaabatana ay sheegeen inaan lagala tashan. Marka la isku soo duubo, madaxweyne Shariif oo isaga laftiisa lagu xanto nimaan mawqif adag lahayn oo isbedbeddel badan, ayaa Maxamed Farmaajo kala mid ah meelo badan. Liidnimada Shariifka iyo Farmaajo oo isaga ka sii liitaa waxa lagu macnayn karaa , “mmiskiin baa misko la fuulo leh…” Baalaaba siyaasigu hadduu raad qaadka horeba ku bilaabo mawqil liidasho, lama arko karti dheeri uu gadaal kala soo baxo. W.Q. Axmed Ugaas Mashqare Quote Share this post Link to post Share on other sites