Sign in to follow this  
General Duke

Speaker Shiekh Adan Madobe, gets office, home and cars transfered ...

Recommended Posts

Gurigii iyo Gawaaridii Gudmoomiyihii hore ee Barlamaanka oo lagu wareejiyay

Posted to the MOL February 2, 2007, 5:36 am

 

Baydhabo:- Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Gurigii iyo Gawaaridii uu horey u isticmaali jiray Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Sheekh Shariif Xasan ee isagu magan-galyo Siyaasadeed haatan ku jooga Wadanka Jabuuti.

 

Suxufi ku sugan Magaalada Baydhabo oo aan wax ka weydiiday cadadka Gawaarida lagu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ii xaqiijiay, in lagu wareejiyay Labo Land-Cruser ah nooca loo yaqaan (LEYLA-CALAAWI) iyo Laba gaari oo ay qoryo ku rakiban yihiin nooca loo yaqaan (CABDI-BILAHA).

 

Maalmo ka hor inta aan la qaban doorasahada Gudoomiyanimada Baarlamaanka ayaa la sheegay in goob amaan ah la geeyay Gawaaridan, iyadoo la sugayey in lagu wareejiyo Xildhibaanka ku guuleysta doorashada, waxaana nasiib-wanaag maanta lagu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, agabkii iyo hantidii taalay xafiisyada iyo Gurigii uu Magaalada Baydhabo ka deganaa Gudoomiyihii hore ee shaqada laga ceyriyay.

 

Mid ka mid ah Gawaarida lagu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ayaa la xaqiijiyay inuu yahay nooca aysan xabada karin ee loo yaqaan (BULLET PROOF).

 

Xuseen Yaasiin Godo-Godo

Tiibo_Talyaani@hotmail.com

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Baarlaanka Soomaaliyeed Sh Aaden Madoobe oo wacad ku maray inuu ka shaqayn doono arimaha dib u heshiinta Qaran

 

Baydhabo Olol News Desk-- Gudoomiyaha cusub ee golaha baarlamaanka dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu shaca ka qaaday in uu ka shaqaynayo arrimaha dib u heshiinta.

 

Sh. Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in uu door lixaad leh ka qaato dib u heshiinta dalka iyo taageerada dawladda Soomaaliya, waxana uu sheegay in uu doonayo in uu hir galiyo ka shaqaynta walaalaynta iyo nabadaynta dalka.

 

Aadan Madoobe ayaa waxa uu ugu baqay gudoomiyihii hore ee golaha baarlamaanka dawladda Soomaaliya Shariif Xasan in uu la shaqeeyo hogaanka cusub ee golaha baarlamaanka iyo in uu ula shaqeeyo sidii ay horay ula shaqaynayeen markii uu hogaanka hayay.

 

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa waxa mar uu saxaafadda hadal siiyay waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo xallinta khilaafaadyada iyo kala fogaashaha dalka ka jira.

 

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay xildhibaanada dalka ka maqan in ay dalka soo galaan oo ay ka qayb qaataan hawlaha dalka ka soconaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this