Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Burco Sheikhs Surrender to the Police

Recommended Posts

Labada Wadaad ee lagu kala Magacaabo Axmed Cabdi Jaar iyo Aadan Axmed Caarre oo Labaduba dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Togdheer, kuwaasoo xukuumadu ku raad-joogtay isla-markaana tuhuno ku salaysan inay gacan-saar la leeyihiin wadaada ka dagaalama koonfurta Soomaaliya lala xidhiidhinayay oo maalmihii u dambeeyay 48 Saacadood dawladu u qabatay in gacanteeda loo soo geliya ayaa maanta si iskood isku keenay xarunta maamulka Gobolka Togdheer ee magaalada Burco.

 

Arrintan ayaa ka dambaysay waan-waan iyo wada-hadal lagu qanciyay in wadaadu gacanta dawlada soo galaan oo aanay ka war-wareegin, ka dib markii ciidamada Boolisku ku guuldaraysteen inay soo qabtaan awood ku soo muquuniyaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, wararka aanu ka helayno gobolka Togdheer ayaa waxay intaa ku darayaan in dawladu waan-waan ku saabsan soo qabashadooda la gashay madaxdhaqameedka beelaha ay ka soo jeedaan, kuwaasoo ku qanciyay in aanay ka meermeerin dawlada ee ay la gudboon tahay in sharciyan isaga difaacaan kiisaska lala xidhiidhinayo iyo tuhunada lugahooda hoos-galay.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in xarunta maamulka gobolka ay wakhtigaasi ku sugnaayeen masuuliyiin uu ugu horeeyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo madaxda laamaha gobolka, halkaasi oo jeelka dhexe ee magaalada Burco looga gudbiyay wadaada, kiiskoodana lagu guda jiro baadhistiisa.

 

Todobaadyadii u dambeeyay ayay ku daba jireen labadan wadaad ciidamada ammaanka ee gobolka Togdheer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labadii wadaad ee Booliska Burco doonayeen oo Xabsiga Dhexe loo Gudbiyay Maanta

 

 

Burco(Qarannews)-Labadii Wadaad ee Ciidanka Boolisku raadinayay inay qabtaan ayaa duhurnimadii maanta si rasmi ah isu geeyay xarunta maamulka gobolka togdheer iyagoo aan wax boolis ah iyo odayaal ahi la socon.

xafiiska gobolka ayaa ku sugnaa Wasiirka Hawlaha guud ee Somaliland Md.Siciid Sulub iyo Gudiga Nabadgelyada Gobolka,ka dibna waxa labada

wadaad loo gudbiyay dhinaca Xabsiga Dhexe ee magaalada Burco,iyagoo uu sii kaxeeyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolku,oo aan

wax askar ah wadan.

 

talaabadan labada wadaad ee kala ah Siciid Axmed Jaar iyo Aadan Axmed Caare ku tageen xarunta gobolka ayaa ka dambaysay Kulamo

iyo shirar gooni gooni ah oo shantii maalmood ee u dambeeyay uu ku hawlnaa wasiirka hawlaha guud,kaasoo uu ugu dambayntii ku guulaystay

inuu wadaada ku qanciyo inay si kalsooni leh isku soo dhiibaan gacanta dawlada,taasna ay ka qableen.

 

sida wasiirka hawlaha guud sheegay labadan wadaad ayaa sheegay inay la baadhidoono arimaha lagu tuhunsan yahay,oo hadii lagu waayo la sii doono

hadii kalena sharciga la marin doono.

 

mid ka mid ah labadan wdaad ayaa todobaadkii hore qabtay shir jaraa,id oo ku cadeeyay inaanu wax xidhiidh ah la lahayn kooxo argagixiso ama kooxo

wadaado oo hubaysan.

 

markii uu Boolisku ku guuldaraystay qabashada mid ka mid wadaadan ,islamrkaana uu socon waayay 48-saacadood ee uu qabtay Badhasaabka Gobolku

ayaa waxa gobolka si kadis ah u soo gaadhay wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta somaliland kaasoo arintii ku dhameeyay

hab dublaamisiyadeed,iyo odaytinimo,taasina ku qaadatay mudo shan maalmood ah,iyadoo xiisaduna taagnayd mudo 11-maalmood ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(HWN):- Xukuummada Somaliland ayaa maanta gacanta loo soo geliyey labadii wadaad ee ay beryahanba ku raad-joogtay qabashadooda,kadib markii beesha Galbeedka Burco ku soo wareejiyey Xukuummada iyo Maamulka Gobolka labadaa nin ee wadaadiinta ah.

 

Labadan Wadaad oo la kala yidhaahdo Siciid Axmed Jaar iyo Aadan Axmed Caare. Siciid Axmed Jaar, ayaa waxa lagu soo eedeeyey inay gacan saar la leeyihiin Wadaada Diimeed ee ka dagaalamaya Koonfurta Soomaaliya,balse laguma cadeyn arrintaas lagu eedeeyey.

 

Sida ay tibaxayaan wararka naga soo gaadhaya Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa sheegaya in Labadaa saaka la keenay Xarunta Gobolka Togdheer, iyada oo uu wehelinayey Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar.

 

Labada nin waxaa loo qaaday dhinaca Jeelka wayn ee magaaladda Burco, iyada oo halkaasi lagu weydiin doono su’aalo la xidhiidha eedeymaha loo soo jeediyey.

 

Ka hor intii aan labada nin loo qaadin jeelka Burco ayaa waxa ku qaabilay xarunta Gobolka Togdheer Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed iyo Gudida nabad galyadda Gobolka Togdheer.

 

Si kastaba ha ahaate, labadan Wadaad ee ay xukuummadu beryahanba raad-gureysay si ay u soo qabato, ayaa waxa ay maanta qabashadoodu ku timi, kadib markii wada xaajood xukuumadu la gashay Beesha Galbeedka Burco iyo kulamo xidhiidh ah oo ay habeenadii ugu danbeeyay ay Culimadda iyo wax-garadka beeshu la yeelatay labadan wadaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer

 

 

Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Siciid Sulub Maxamed oo ay wehelinayaan guddiga nabadgelyada gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay si deg-deg ah u soo gabo-gabaynayaan baadhis ay xukuumadu ku samaynayso laba wadaad oo ka tirsan culimada gobolka Togdheer oo maanta Duhurkii isu soo dhiibay xarunta maamulka Togdheer

 

Wasiirka ayaa sheegay in haddii waxba lagu waayo baadhista lagu wado labadan wadaad oo kala ah Siciid Axmed Jaar iyo Aadan Axmed Caare in si dhakhso ah loogu soo celinayo Sharaftooda iyo karaamadooda hadii lagu helo wax danbiyana sharciga la marin-doono.

 

Wasiirka ayaa sidaasi ku sheegay shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay xarunta maamulka gobolka Togdheer, kaas oo uu kaga hadlaayay isdhiibista ay dawlada isugu soo dhiibeen labadan wadaad waxyaabaha lagu xidhiidhinayo iyo xaalada amaanka gobolka Togdheer.

 

"Waanu ku faraxsanahay sida sharafta leh ee ay labadan muwaadin iyadoon awood loo adeegsan oo xor ah ay dawlada isugu soo dhiibeen una ogolaadeen in danbiyada lagu eedaynaayo lagu sameeyo baadhis qaran. Sidaa darteed nimankaa baadhistooda waanu soo gabo-gabaynaynaa haddii wax lagu waayana xoriyadooda ayaanu u soo celinaynaa hadii lagu helo danbiyada lagu eedeyanayana sharciga ayaa la marinyaa.

 

 

Waxaanu wasiirku intaa ku daray in ay labadan wadaad ku yimaadeen wadatashi uu sheegay in odayaasha magaaladu ay la sameeyeen labadan wadaad sidaa dareedna ay ka aqbaleen Odayaasha in ay isdhiibaan oo la baadho waxa lagu eedaynayo.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in ay Togdheer kaga fiican tahay gobolada qaar wadatashiga, isla markaana waxa uu u mahad celiyay Odayaasha, culimada Burco iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay arimaha labadan wadaad sidii loo soo afjari lahaa loona horgaynlahaa dawlada.

 

Guddoomiyaha Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan Dhagalaab oo isna ka mid ahaa masuuliyiinta shirkaa jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in ay jireen dad badan oo buun-buuniyay arimaha labadan wadaad oo sheegay in ay Burco noqotay hoy Argagixiso, sidaa darteed waxa uu u soo jeediyay cid kasta oo arintaasi aaminsan in ay maanta cadaatay in aanay Burco noqonaynin waxaas ay sheegeen labadii wadaad ee la hadal hayana ay iyagu ogolaadeen in xabsiga la geeyo oo la baadho wixii lagu haysto.

 

waxa iyana halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Biin iyo ku-xigeenkiisa Guuleed Daahir Samatar kuwaas oo ugu baaqay dadweynaha reer Burco in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka gacana ku siiyaan hawlaha ay fulinayaan.

 

Ugu danbayntii Labadan wadaad ee maanta iyagu isu dhiibay xukuumada ayaa mid ka mid ah muddo laga joogo laba todobaad hawlgal ay ciidamada booliska Burco ay ku fuliyeen masaajid uu ku tukanaayay ayay usuur toobi wayday in ay qabtaan isla markaana hawlgalkaasi laba qof oo shacab ah ayay ku dhaawaceen Boolisku

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

This will come back to bite Somaliland in the ****. Mark my words. Men of Islamist creed have no loyalty to state and an attack on any of them is an attack on all of them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this