Cige Posted August 31, 2008 This guy is FUNNY, I like him he may become next president of Solmaliland :confused: ...... haddii aanu khayr noo lahayn ILLAAHAY annaga xukunka nooma keeno, ILLAAHAY baa og qofka uu soo saarayo, aniga Faysal Cali Waraabe ahaan haddii ay khayr ii leedahay ILLAAHAY ha ii dhiibo, haddaanay khayr ii lahayna ILLAAHAY iima dhiibo, waxba ku falimaayo, laakiin waxaan idiin sheegayaa in wanaagiinu ku jiro in aad dadka wanaagsan doorataan, oo aad qabyaalada iska dhaaftaan, qabyaalad iyo Islaamnimo meel ma wada gasho, dadka Islaamka ahi waa wada walaalo. Hase yeeshee, inagu faamli baynu nahay, haddii aynu wada abtirsano, waliba beel ahaan reer *******, qaar baa sagaal ka tirsada ********, faamli yar oo iminka soo kacay oo ILLAAHAY barakeeyay oo uu badiyay baynu nahay, laakiin cudurkeenu waxa weeye inaga ayaan is jeclayne ee aynu inagu is jeclaano, maanta haddii aynu is jeclaano oo Kitaabka ILLAAHAY qaadano dhulkeenaasi barwaaqo ayuu noqon doonaa, dhulkeenu waa dhul barwaaqo ah laakiin waxaynu la’nahay hogaan wanaagsan oo iimaan qaba oo ILLAAHAY ka baqaya, ILLAAHAY ha inoo soo saaro hogaan wanaagsan.” waxaa maanta dawladdu ku qayilaysaa waa Tamaashiirtii, waa Jiingaddii, waa Mushahaaraddii, waa Kursigii, Dawadii caruurta ayaa lagu qayilayaa, waxaa maanta magaaladaa Hargaysa lagu cunayo haddii aad aragtid, Wasiir kastaaba marshaf wayn buu samaystay iyo afar af-miishaan oo leh wax ku dhaamaa ma jiro, waar waa lagu dhaamaaye orodoo meeshii lagaa soo doortay wax gee, markaa ILLAAHAY (SW) dad khayr qaba dalka ha inoogu bedelo.” VERY TRUE :cool: Source: http://www.somaliweyn.org/pages/news/August_08/30August25.html [ August 31, 2008, 12:47 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 31, 2008 ,, ,wax waalan ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cige Posted August 31, 2008 Wuu waalan yahay Maaha? Waadh haddaba yaa naga qabat .. waa suaa'le? :rolleyes: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 1, 2008 waxa uu Faysal reer Baligubadle kula kaftamay inuu isagu magaalada keenay bisadii u horaysay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 1, 2008 No worries, the will come and edit just like the did to the other above posts yesterday. The Mod is not a software that automatically changes the word but they have lives too. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted September 1, 2008 Speaking of Faysal cali waraabe, he is mad! Wax xidhxidha unbuu la'yahey; because reer salaxleey oo dhan buu wax ka maqan u raadinayaa! Anigu waxaan ka helaa kolkuu muqadasnimadda somaliland ku nuux-nuuxsanayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 1, 2008 Nooc walba waanu ka leenahaye iska daa ..... isaguba wuu is og yahay inaan cidina dooranayne Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cige Posted September 2, 2008 War ninku ma waalan yahay mise waa runtiis oo dadkaa 70% waalan? “Maanta waxaynu maraynaa oo aynu bilawnay in ay carruurteenu Gudaafada wax ka gurtaan, waana markii ugu horeysay ee taariikhda Somaliland ay qoysas dhami gudaafadaha Xashiishka wax ay cunaan ka gurtaan baahida jirta darteed. Guryahana %70 dad waalan ayaa ku jira inaanu Cusbitaalo gayno ayaanu doonaynaa, waanaynu ladanahay waxa ina soo maray hadaynaan wada waalan. Kuwa Magaaladda socda ee aad welli-yada moodaysaana welli maaha ee way waalan yihiin iyagana inaanu qaqabano ayaanu doonaynaa.” Riyaale muxuu u xiri waayay? “Dawladan maanta joogtaa waxa ay ku soo baxday laba arrimood oo midi ahayd Somaliland qolo qudhi yay haysanin ee maalinba qolo ha haysato maamulka, iyo ta labaad oo ahayd ku xumee oo dad ayaa lagu xumaynayay ee horta caqli kale kumay soo bixin.” Booto badanaa xagguu lacagta uga keenayaa “Waxaanu jecelahay in aanay inan dambe oo reer Somaliland ahi Qaad iibin oo aanay dibad dambe fadhiisan, shaqo ayaananu u samayn doonaa, guryaha ayaanu ku celinaynaa oo sharaftii ayaanu u soo celinaynaa, taasina waxa ay ku xidhan tahay caruurtaa yaryar ee 15-jir iyaga oo ah isku maararoobaysa ee ilmaha kala dhalaysa in aanu joojino oo ay dhalinyartu iyaga oo mudda kar ah guursadan, waxaaananu isu guurin doonaan koox-koox dawlada UCID kharashka ka bixiso.” War ninkaan yaa umadda ka qabta? Source: http://www.somaliland.org/2008/09/02/%e2%80%9cdawladani-waxay-ku-soo-baxday-sland-qolo-qudhi-yay-hay sanin-iyo-ku-xumee-oo-cidbaa-lagu-xumaynayay%e2%80%9d-faysal-cali-waraabe/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted September 2, 2008 looooooooooooooooooool@ bisadii u horraysy. Wallaahi, si dhab ah ayaan u qoslay. Jacaylbro, Ramadaan Kariim sxb! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 3, 2008 Ramadan Karim sxb ,,, beryahan waa lagu waayaye ,,, xagee ku qarisay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted September 3, 2008 Meeshaad garanysid dee Qof hadii la waayo, maxaa qarin kara Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 4, 2008 looooooooooooooooooool ,,,, waan garanayay inaan meeshaa meel aan ahayni ku qarinayne. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted October 10, 2008 JB, walal malaga yaabaa ninkaa 'waalan' in uu dad badan kuu dhaamo: WINK waa hadii dantaada aad taqaanid. Quote Share this post Link to post Share on other sites