Sign in to follow this  
Cige

faysal Cali WARAABE - reerkeena, qaar baa sagaal oday ka tirsada qabiilkooda

Recommended Posts

Cige   

This guy is FUNNY, I like him smile.gif

 

he may become next president of Solmaliland :confused:

 

...... haddii aanu khayr noo lahayn ILLAAHAY annaga xukunka nooma keeno, ILLAAHAY baa og qofka uu soo saarayo, aniga Faysal Cali Waraabe ahaan haddii ay khayr ii leedahay ILLAAHAY ha ii dhiibo, haddaanay khayr ii lahayna ILLAAHAY iima dhiibo, waxba ku falimaayo, laakiin waxaan idiin sheegayaa in wanaagiinu ku jiro in aad dadka wanaagsan doorataan, oo aad qabyaalada iska dhaaftaan, qabyaalad iyo Islaamnimo meel ma wada gasho, dadka Islaamka ahi waa wada walaalo. Hase yeeshee, inagu faamli baynu nahay, haddii aynu wada abtirsano, waliba beel ahaan reer *******, qaar baa sagaal ka tirsada ********, faamli yar oo iminka soo kacay oo ILLAAHAY barakeeyay oo uu badiyay baynu nahay, laakiin cudurkeenu waxa weeye inaga ayaan is jeclayne ee aynu inagu is jeclaano, :( maanta haddii aynu is jeclaano oo Kitaabka ILLAAHAY qaadano dhulkeenaasi barwaaqo ayuu noqon doonaa, dhulkeenu waa dhul barwaaqo ah laakiin waxaynu la’nahay hogaan wanaagsan oo iimaan qaba oo ILLAAHAY ka baqaya, ILLAAHAY ha inoo soo saaro hogaan wanaagsan.”

 

waxaa maanta dawladdu ku qayilaysaa waa Tamaashiirtii, waa Jiingaddii, waa Mushahaaraddii, waa Kursigii, Dawadii caruurta ayaa lagu qayilayaa, waxaa maanta magaaladaa Hargaysa lagu cunayo haddii aad aragtid, Wasiir kastaaba marshaf wayn buu samaystay iyo afar af-miishaan oo leh wax ku dhaamaa ma jiro, waar waa lagu dhaamaaye orodoo meeshii lagaa soo doortay wax gee, markaa ILLAAHAY (SW) dad khayr qaba dalka ha inoogu bedelo.” VERY TRUE :cool:

 

 

Source: http://www.somaliweyn.org/pages/news/August_08/30August25.html

 

[ August 31, 2008, 12:47 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

No worries, the will come and edit just like the did to the other above posts yesterday.

 

The Mod is not a software that automatically changes the word but they have lives too. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Speaking of Faysal cali waraabe, he is mad! Wax xidhxidha unbuu la'yahey; because reer salaxleey oo dhan buu wax ka maqan u raadinayaa! :D

 

Anigu waxaan ka helaa kolkuu muqadasnimadda somaliland ku nuux-nuuxsanayo. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

War ninku ma waalan yahay mise waa runtiis oo dadkaa 70% waalan?

 

 

“Maanta waxaynu maraynaa oo aynu bilawnay in ay carruurteenu Gudaafada wax ka gurtaan, waana markii ugu horeysay ee taariikhda Somaliland ay qoysas dhami gudaafadaha Xashiishka wax ay cunaan ka gurtaan baahida jirta darteed. Guryahana %70 dad waalan ayaa ku jira inaanu Cusbitaalo gayno ayaanu doonaynaa, waanaynu ladanahay waxa ina soo maray hadaynaan wada waalan. Kuwa Magaaladda socda ee aad welli-yada moodaysaana welli maaha ee way waalan yihiin iyagana inaanu qaqabano ayaanu doonaynaa.”

 

 

Riyaale muxuu u xiri waayay?

 

“Dawladan maanta joogtaa waxa ay ku soo baxday laba arrimood oo midi ahayd Somaliland qolo qudhi yay haysanin ee maalinba qolo ha haysato maamulka, iyo ta labaad oo ahayd ku xumee oo dad ayaa lagu xumaynayay ee horta caqli kale kumay soo bixin.”

 

Booto badanaa xagguu lacagta uga keenayaa

 

“Waxaanu jecelahay in aanay inan dambe oo reer Somaliland ahi Qaad iibin oo aanay dibad dambe fadhiisan, shaqo ayaananu u samayn doonaa, guryaha ayaanu ku celinaynaa oo sharaftii ayaanu u soo celinaynaa, taasina waxa ay ku xidhan tahay caruurtaa yaryar ee 15-jir iyaga oo ah isku maararoobaysa ee ilmaha kala dhalaysa in aanu joojino oo ay dhalinyartu iyaga oo mudda kar ah guursadan, waxaaananu isu guurin doonaan koox-koox dawlada UCID kharashka ka bixiso.”

 

 

War ninkaan yaa umadda ka qabta?

 

Source: http://www.somaliland.org/2008/09/02/%e2%80%9cdawladani-waxay-ku-soo-baxday-sland-qolo-qudhi-yay-hay sanin-iyo-ku-xumee-oo-cidbaa-lagu-xumaynayay%e2%80%9d-faysal-cali-waraabe/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this