Sign in to follow this  
General Duke

Kampala: 60 Puntland officers train in Uganda:PICS

Recommended Posts

SOURCE

 

60-dan Ka Mid ah Saraakiisha Puntland oo Tababar Uga Socdo Dalka Uganda

Thursday, June 18th, 2009 at 9:54 pm

C/qaadir Kaarshe

HR Media Kampala

 

60-dan ka mid ah saraakiisha Police-ka Puntland ee ka hawgelgala saldhigyada kala duwan ee magaalooyinka puntland ayaa waxaa tababar uga socdaa Dalkan Uganda .

 

Tababarkan Dawlada Dalka Uganda u fidisay qaar ka mid saraakiisha Police-ka Puntland ayaa waxaa uu ku mudaysanyahay 40 – 45 Maalmood, wxaana mudadii ay joogeen qaateen intii badnayd tababarkiii ay meesha u yimaadeen.

 

Warbaahinta Horseed Media ayaa waxay ku booqatay Saraakiisha Xarunta ay ka deganyihiin Magaalada Kampala, halkaas oo ay saraakiishu kaga warbixiyeen Tababarka ay qaadanayaan.

 

Col: Sayid Jama Cabdalle oo ah masuulka ugu sareeya saraakiisha Tababarka qaadanaya ayaa Horseed Media waxaa uu uga waramay Tababarkan ay saraakiishu ku jiraan iyo Heerarka tababar ee ay qaataan, isagoo ugu horayn Dawlada Uganda Uga Mahadceliyey Fursadan Qaaliga ah ee ay siisay.

 

Col: Sayid waxa uu sheegay in Tabarkan uu ahaa mid ay u qaadanayeen Laba Face oo kala ah Qayb Theory ah iyo Qayb Practical ah, waxana uu sheegay in Qaybtii Theory-ga ay hada u dhamaatay ayna ku guda jiraan Qaybtii Practical-ka oo socondoonta Muda 10 Cisho ah.

 

 

Saraakiisha ayaa waxaa loo qaybiyey Saldhigyada waaweyn ee Dalkan Uganda halkaas oo ay ku qaadanayaan Qaybta Practicalka ah ee tababarka waxaana Mudada 10-ka Casho ah kala Hawlgeleyaan Saldhigyada Saraakiil kale oo Ugand-is ah.

 

Kudhawaad 10 Saldhig oo ah kuwa Ugu waaweyn Dalkan Uganda ayaa loo qaybiyey Saraakiisha oo ay ka Hawlgelayaan, Waxaana ugu waaweyn Saldhigyada Loo qaybiyey Old Kampala Police Station, Jinja Police Station, Iyo Weliba Taliska Ugu weyn Ee laga Xukumo Poilce-ka Dalka Uganda.

 

Ardayda Reer Puntland ee wax ka barata Dalkan Uganda ayaa iyana waxay aad u soo dhaweeyeen Tababarka Saraakiisha uga Socda Dalka Uganda, Waxaana ay ii sheegeen inay Qorshaynayaan Kulan ay Yeeshaan Saraakiisha iyo Ardayda wax kabarata Dalkan Uganda Sida uu Horseed Media usheegay Axmed Shire Ahmed oo ka mid ah Hormuudka Ardayda Somaliyeed ee waxkabarata Dalka Uganda.

 

26-ka Bishan June ayaa loosoo Gebagebeyn doonaa Saraakiisha tababarkan, waxaana lagu wada inay xidhitaanka tababarka ka soo qaybgalaan Madax ka socota Maamulgoleedka Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this