Jabhad Posted March 26, 2007 War deg-deg ah: Xerada ay degan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka ee Ceel-cirfiid ayaa waxaa ka dhacay Qarax weyn oo laga maqlay deegaankaasi, iyadoo rasaas ay fureen ciidamadaasina uu ku dhintay nin darawal ah. Hobyonet. Muqdisho Isniin, March, 26, 2007 Qaraxaasi ayaa abaarihii 12.00 duhurnimo waxuu ka dhacay gudaha Saldhiga Ciidamada Itoobiyaanka Ceel-cirfiid ee wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Balcad. Qaraxaasi ayaa waxuu u geestay ciidamada Itoobiyaanka Qasaare aanu si rasmi ah loo xaqiijin, iyadoo xiligii qaraxaasina ay ciidamada Itoobiyaanka rasaas fara badan ku fureen Wadada fariisinka u ah. Ciidamadaasi Itoobiyaanka ayaa waxey rasaastii ay fureen ku dishay halkaasi hal nin oo ahaa darawal, waxaana dadweynihii deegaankaasi la soo gudboonaaday cabsi xoogan iyo qalqal. Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda ayaa xiray wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, iyagoo amar ku bixiyay in labada dhinacba aysan u gudbi karin dadweynaha iyo baabuurta. Qaraxaaasi ayaanu si rasmi loo ogeyn waxa sababay in uu xeradaasi gudaheeda ka dhaco. Ahmad Dahir Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya Maslaha1@hotmail.c Quote Share this post Link to post Share on other sites