Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Axmed cabdi xaabsade on the current events in Eastern Somaliland And the Elections

Recommended Posts

Maamulkaasi Waxa Wada Koox Yar Oo Laba Isim Ah, Axmed Siillaanyo Ilmaabti Baanu Nahay Wax Cadaawad Ahina Nagama Dhaxayso”

 

Axmed Cabdi Xaabsade

 

Hargeysa, May 30, 2010 (Haatuf) – Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Axmed Cabdi Maxamed Xaabsade ayaa sheegay in si wayn looga fiirsado cida madaxwayne Rayaale culayska ku saartay sii daynta maxaabiista falfalka argagixiso ku xukuman, isagoo intaa ku daray in hindisaha maamulka Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku hawlan yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Garaaradada Sool, kuna tilmaamay arin aanaan aan ka suura galayn deegaanadaasi.

 

Siyaasiga Axmed Xaabsade waxa uu Komishanka doorashooyinka uga digay in cidna aanay u xaglin natiijada doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhici doonta 26-ka Juune 2010.

 

Mr Xaabsade waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaasa oo uu wargeyska Haatuf shalay kula yeeshay Hargeysa, taas oo sidoo kale kaga hadlay arimo la xidhiidha shaqaaqadii ka dhacday Buuhoodle iyo furista asxaabta siyaasada, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

 

S: Madaxwayne Rayaale waxa uu dhawaan sheegay in safarkii ugu danbeeyey ee uu kaga soo laabtay Faransiiska dawlada shisheeye ay culays ku saareen in uu sii daayo maxaabiista falalka argagixiso ku xukuman ee ku xidhan xabsiyada dalka, arinkaasi sideed u aragtaa?

 

J: Arintaasi ummadu dhagahay u wada taagaysaa maxaa yeelay argagixisadu waa tii wax kharibtay, ha la sii daayo cida tidhi maanaan garan, cida odayga ku tidhi argagixada ha la sii daayo arinkaasi aad ha looga fiirsado oo ha looga taxadiro.

 

S: Sideed u aragtaa kooxaha Somaliland diidka ah ee ku hawlan samaynta maamul ka madaxbanaan Somaliland SSC, iyagoo wakhtigan xaadirka ahna ururiya maleeshiyo beeleedyo weerar ku soo qaada Somaliland?

 

J: Maamulkaasi waxa weeyi waxaan raad weyn lahayn oo dadkuna aanay isku raacsanayn oo kooxyar oo laba Isam ah ayaa wada, isimadii kale oo dhami way ku gacmo saydheen, labadaasi waxaan u arkaa in xumaan iyo abaabul aan meel gaadhayn ay wadaan.

 

S:Labadaa Isim ee aad sheegtay inay abuulayaan hindisaha maamulkaasi ma noo sheegi kartaa xubnaha ay yihiin?

 

J: Haa, waa Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kaliya, Garaadka Baharsame iyo Garaadka Jaamac Siyaad.

 

S:Adigu marna ma kala hadashey Garaadada arimahaasi ay kaga soo horjeedaan Somaliland?

 

J: Ismaanaan arag Garaad Jaamac Garaad Cali, laakiinse Garaadka kale waanu is aragnay waxaanu noo sheegey inaanu Somaliland diidanayn, balse uu diidan yahay ashkhaas ka mid ah oo uu rabo inay si toosa u wada hadlaan Rayaale laakiin aanay suuro galin.

 

S: Wakhtigan xaadirka ah oo la gudo galayo ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland, hadii garaadada Sool ay ku adkeysteen ku dhawaaqida maamulkaa iyo maleeshiyaadka ciidan ee ay abaabulayaan miyaanay arintaasi keeni Karin isku dhac iyo xaalad amaan daro?

 

J: Markastaba isku dhac wuu imanayaa, nimanku dalkoodii bay joogaan ha yaraado taageerada ay haystaane qalaanqal way samayn karaan, laakiin niman wax badali kara maaha.

 

S: Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Buuhoodle ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca keentey ee ka dhalatay iska hor imaadkii dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidamada Itoobiya maxaad ka odhan lahayd dhacdadaasi?

 

J: Arintaasi waxay ahayd shil dhacay oo aan loo baahnayn, wuxuu ka bilaabmay niman yar yar oo qaadlayaal ah oo doonayey inay Itoobiya u gudbaan oo loo diiday dabadeed halkaasi ayey habadi ka bilaabantay, arintiina magaaladiibay ku fiday, dagaalkiina wuu balaadhay labada dhinacba dhimasho way soo gaadhay, laakiinse hada rag waawayn baa meeshii yimid oo arintii gacanta ku qabtay dabadeed waxa la gaadhay heshiis in wixii la kala hayeyna dib la iskugu celiyo nabad galyo buuxdana shaqaaqadii dhacday lagu soo afjaro.

 

S: Hawshii badalaada kaadhadhka ee codbixinta doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhicidoonta 26-ka June sanadkan waa gabo gabo diwaangalintii dalka ka dhacday 2008-dii, dalkana waxaad ku tilmaamtaan siyaasiyiintiina ka soo jeeda Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ha lagu celiyo diwaangalintii, arinkaasi maxaad ka odhan lahayd?

 

J: Horta markii horeba diwaangalin buuxda lagama qaban Sool iyo bariga Sanaag 20% lama diwaangalin dadka ku dhaqan deegaanadaasi, hase yeeshee arintan kaadhadhka cusub ee codbixinta doorashada waa la qaatay Insha Allaahuna dadku foodkooda way dhiiban doonaan.

 

S: Maadaama siyaasi miisaanleh aad tahay ololihii doorashada madaxtooyadana la gudo galayo, kuna tartamayo sadexda xisbi UDUB, KULMIYE iyo UCID maxaa ilaa hada kaa hortaagan inaad xisbi ku biirto ee goonida kaa dhigay?

 

J:Anigu wakhtigan xaadirka ah doorasho ma galayo, diyaarna uma yihi, hadana xisbiga aan galaa wax macno ah ii samayn mayso, waxaanse anigu go’aansaday inaanan wakhtigan xisbi galin, laakiin kolay siyaasada dalka taladeeda wax waan ku leeyahay oo waajib bay igu tahay.

 

S: Musharaxa jagada madaxwaynaha xisbiga KULMIYE u sharaxan doorashada madaxtooyada Axmed Siilaanyo oo lagu tilmaamo inaydin Ilmaabti tihiin ma cadaawad siyaasadeed ayaa idinka dhaxaysa xaga afkaarta, xidhiidhse ma idinka dhexeeyaa labadiina?

 

J: Horta xidhiidh wuu na dhexmaraa, muxuu noo shexmari waayey, Axmed Siilaanyo-na Ilmaabtina waanu nahay saaxiibna waanu ahaan jirnay wax cadaawad siyaasiyeed ahina nagama dhaxayso, laba nin oo ehel wada dhalasho ka dhaxaysana waanu nahay.

 

S: Marka la eego siyaasiyiintiina Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle musharixiinta ku tartamaya doorashada madaxtooyada iyo hogaanada sare ee sadexda xisbi qaran kama muuqataan ma la odhan karaa siyaasiyiintiina beelaha ***** ayaa ka gaabiyey inaydin ka qayb gashaan tartanka doorashada asxaabta?

 

J:Markii hore ee asxaabta siyaasada la dhisayey Beesha bariga sool wuu ka maqnaa rag da’yar oo iska joogay mooyaane waa laga maqnaa, markii distuurka qaranka aftida loo qaadanayeyna kamay qayb galin, wakhtigan xaadirka ah wixii ka danbeeya waa laga mid noqon doonaa oo waa laga qayb gali doonaa tartanka doorashooyinka.

 

S: Xisbiga KULMIYE waxa uu barnaamijkiisa ku cadeeyey hadii uu doorashadan madaxwaynaha ku guulaysto inuu furi doono ururadii siyaasada oo doorashada ugu soo horaysa ee golayaasha deegaankana ururo iyo asxaaba loogu tartami doono wax damac ahi ma kaaga jiraa inaad urur siyaasiya ku dhawaaqdo?

 

J: Hadii asxaabta siyaasada la furo talaa imanaysa, taladaana kolay waanu ka qayb galaynaa ama xisbi furan aan galno ama urur aan u madaxbanaanahay aan furtee Insha Allaahu talada siyaasada waanu ka qayb galaynaa.

 

S: Maadaama wakhtigan xaadirka ah ay dalka ka qayb galayso doorashadii madaxwaynuhu Komishanka maxaad talo iyo tusaale u soo jeedin lahayd?

 

J: Komishanka waxaan leeyahay waxa la idin saaray xil culus oo masiirkii ummada ah, yaan la idiin arkin in aydin cid u xaglinaysaan ama cid garabka saaraysaan ama cid aad istidhaahdaan ha soo baxdo waxaan leeyahay taasi waxay u adeegi kartaa in dalka dagaal ka dhaco oo xumaani ka timaado, waxaan idin leeyahay xilkiina xagsoor iyo dhexdhexaadnimo ku guta, musharaxiinta tartamaysana dhex u noqda, dalka iyo dadkana daacad u noqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^Agreed smile.gif

 

Majority of SSC residents are rooting for PL a la Hartti style or are calling for complete break from existing and overlapping recovery zone admins. Either way there is no sympathy for secession.

 

You've heard as much from the horse's mouth smile.gif He has no dog in the race. His kin has no role in the political contest. His traditional chiefs are either adopting if Somalia is divisible so is Somaliland mantra and the other chiefs -- majority by the way -- are raising clan militia to reclaim what's theirs.

 

The headline in this interview is that there was no registration carried out in SSC region. This my pal Oodweyne is the real headline in so many levels. He generously cited a figure -- 20%.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Again you basically, unknowingly perhaps, echoed what Mr. Xaabsade has already confirmed.

 

You are measuring strength of the armed militia against secessionists, downplaying the influence of the mentioned sub clan and their traditional leaders, or simply calculating future political moves from secessionists part.

 

I'm, on the hand, just stating the fact that, as things stand now, there is no much grass root sympathy for the secession.

 

If recent events are anything to go by, folks in the area seems to be rooting for PL for obvious reasons or opting out to go it alone.

 

We should not be debating this simple fact awoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

But the thing is secessionists have no grip of the said area. Nor do they have control over significant swaths of land in the contested area. Don't kid yourself buddy.

 

May I remind you the fact that you are in this area is precisely because of the likes of Mr. Xaabsade switched loyalty for reasons we all know. Tables can be turned any day.

 

Some local sub clans no to be named here are allied with secessionists. That alliance is alliance of convenience and is very much subject to the trails and tribulations of everyday politicking. So be afraid of the efforts of the traditional elders smile.gif Watch your back :D

 

Later.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Here goes our resident windbag. The hardcore clannish secessionists -- like your type, pal – are blinded by negative tribalism. Same thing applies to the other hardcore varieties on the opposite side. I know it’s beyond you but neutrality in negative clannish contest is not as you make of it smile.gif

 

Awoowe you both presuppose and promote a fiction: that secessionism is a political goal shared by majority of the Harrti and those who don’t support that goal can be forced to accept it militarily. This is a clannish hubris at its height. You really do have my sympathy for I know, conversed and seen countless Somalis whose political outlook revolves around their narrow clannish interests – if not their sub sub clan interests.

 

Now, the other point worth mentioning is your moral compass. Where does it center amigo? This is a serious concern and fundamental at that. SNM took up arms against the state precisely because they saw the regime as being one dominated by particular clan and rightly so. It resisted and resisted against government dictates and ultimately paid a hefty price – huge price both in blood and treasure. Ahem let me clear my throat and now the same folks are signing la stesa canta -- putting to practice the very wrong they set out to defeat!

 

No reread the interview with some dose of objectivity and sense of neutrality. You will see through Xaabsade’s dilemma. Mind you Xaabsade is the best ally you got.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this