Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland former bank chairman Abdi Ducaale freed from housearrest

Recommended Posts

Xukuumada Somaliland oo Raalligelin Siisay Guddoomiyihii hore Baanka Md. Cabdiraxmaan Ducaale

Written by Qaran news

Oct 03, 2010 at 04:51 PM

 

Hargeysa (Qaran news)- Warar aannu caawa ka helnay xubno iyo ilo lagu kalsoon yahay oo ka mid ah dawladda cusub ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddu raalli gelin ka bixisay xayiraaddii dhowaan lagu soo rogay Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ducaale Maxamed. Toddobaad ka hor ayaa Hanti-dhawraha guud ee Qaranku uu ku amray inaanu MD Cabdiraxmaan dalka ka bixi karin taas oo baajisay socod iyo safar uu guddoomiyuhu ugu bixi lahaa dalka DJabuuti.

 

Dadweynaha Somaliland ayaa arrintaas aad ula yaabay kuna sheegay inay tahay xaalad abuur maaddaaba Hanti-dhawraha guud aanu isagu cid xidhi karin ama xannibi karin oo maxkamadu hawshaas lahayd. Sida la sheegay arrintaas uu ku kacay Hanti-dhawraha guud ee Qaranku maxkamaddu waxba kalama socon.

 

Arrintaas ayaa dawladda cusub sumcad xumo u soo jiidday dadweynahana ku abuurtay werwer iyo kala shaki dadka dhexdiisa ah siiba gobollada bariga Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Cabdiraxmaan ay labaduba ka soo jeedaan.

 

Si kastaba ha ahaatee xukuumada ayaa qoraal ku soo gaadhsiisay raalli gelintaas MD Cabdiraxmaan Ducaale kuna war gelisay inuu dalka ka bixi karo hadduu rabo una sheegtay in arrintaasi ahayd farsamo xumo ka timi dhanka xukuumadda. Qaraalkaas raalligelinta ahi wuxuu ka soo baxay sida la sheegay xafiiska Hanti-dhawraha guud ee Qaranka oo isagu markii hore ku soo rogey guddoomiyaha xayiraadda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Che -Guevara, i am a believer of justice and i will not hestitate to point out the faults & wrongdoings of xukumada whenever i see one. Injustice anywhere is a threat to justice everywhere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda oo Joojisay Baadhitaanadii Hanti-dhawruhu ku waday Masuuliyiintii Xukuumaddii hore iyo waxyaabaha kalifay

 

 

Hanti-dhawraha oo fasaxay Guddoomiyihii hore ee Baanka iyo wada-xaajood Beelaysan oo arrinta lagu xaliyay

 

Hargeysa (Waaheen) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa joojisay Baadhitaanaddii uu Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku ku waday Masuuliyiintii Xukuumaddii hore ee Rayaale

 

Joojinta Baadhitaanadii uu waday Hanti-dhawraha Guud ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii ay dhalisay Xiisado Beelaysan oo gil-gilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Amaanka Guud ee dalka. taasoo keentay in Goboladda qaarkood laga abaabulo isu soo baxyo lagaga soo horjeedo baadhistaasi oo loo arkay in Masuuliyiin gaar ah lagaga Aargoosanayo

 

Inkastoo aanay Xukuumaddu wax War ah ka soo saarin joojinta Hawlgaladii uu Hanti dhawruhu ku baadhayay Masuuliyiintii Xukuumaddii hore hadana waxa ay warar hoose oo aanu ka helnay ilo u dhuun daloola arrintani cadeeyeen in Hanti dhawraha Guud u qoray Guddoomiyaha Baanka qoraal uu kaga qaadayo xayiraadii uu hore u saaray ee uu buuqa ugu weyni ka dhashay.

 

Waxa kale oo uu sheegay joojinta Baadhitaanadaasi inay Suurtogaliyeen Siyaasiyiin hawsha u galay qaab Beelaysan kuwaas oo heshiisiiyay Hanti-dharaha Guud iyo Guddoomiyaha Baanka si ay ugu qanciyaan reerihii kacay in arrintii laga noqday

 

Siyaasiyiintaa ka qayb qaadatay daminta Xiisadaa ka dhalatay Baadhitaanada uu waday Hanti-dhawraha Guud ayaa la sheegay inay ugu cad-cadaayeen Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland kuwaas oo Hantidhawraha iyo Xukuumaddaba ugu hanjabay inaanay Ansixin doonin Hantidhawraha maadaama oo lafilayo in Golaha la horkeeno toddobaadkan si loo Ansixiyo

 

Sidoo kale waxa ka qayb qaatay daminta Xiisadda ka dhalatay Baadhitaankaasi Madaxweynaha Somaliland oo diray Ergooyin kala duwan si looga hortago Mucaaraddada ay arrintani keentay oo Xawli dheeraynaya ku dhaqaaqday isla markaana ku gilgishay Degenaanshihii iyo Xasiloonidii Goboladda qaar gaar ahaana kuwa bari oo ay ka soo jeedaan Masuuliyiinta uu markii ugu horeysay Amarada ku fuliyay Hanti dhawruhu, gaar ahaana Guddoomiyaha Baanka oo aad looga ixtiraamo

 

Joojinta baadhitaanadii uu Hantidhawrku ku waday Masuuliyiintii hore ee Xukuumaddii dhacday iyo kuwo imika joogaba ayaa si weyn looga dareemay Xarunta Hantidhawrka Guud ee Qaranka taasoo labadii cisho ee ugu danbeysayba uu istaagay dhaqdhaqaaqii iyo hawlagaladii ay wadeen shaqaalaha xaruntaasi oo uu Suuq wyni u soo baxay tan iyo intii Amarka lagu siiyay fulinta hawshaas, kuwaas oo cabsi badan ku abuuray shakhsiyaadkii ay baadheen iyo kuwii u qorshaysnaaba

 

Taalabadan ay Xukuumadda Siilaanyo ku joojisay baadhitaanadii ay ku baadi goobaysay Malaayiinka lacagta ah ee Deymaha ah ee ay Xukuumaddii hore gashay ee ay ku wareejisay ta cusub ayaa keenaysa niyad jabkii ugu weynaa ee ay Dadku kala kulmaan Xukuumadda rajadii ay ka qabeen isla markaana ay God dheer ku dhacday balanqaadyadii ay ka filanayeen Xukuumadda Cusub oo wakhtigii ay Mucaaradka ahayd ku faani jirtay inay ilaalin doonto Hantida Ummadda isla markaana ay Sharciga Hor-keeni doonto wixii Hanti ah ee laga Lunsado Qaranka

 

Waxa kale oo ay wadada u furaysaa joojinta baadhitaanadii uu Hantidhawruhu ku waday Masuuliyiintii Xukuumaddii hore inay fursad u helaan Masuuliyiinta cusub ee talada qabsaday ay ku lunsadaan Hantida Qaranka, maadaama oo ay heleen qiil ay ku baxsadaan ama Dhufays ay dabada Geliyaan oo uu ogolaaday Madaxweynuhu taasoo soo af-jaraysa in cid danbe la baadho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Halkaa waxa ku dhimatay rajadii laga qabay in musuqmasuqa curyaanshay wadanka lala dagaalamo horumarna lagu talaabsado. kol haddii la leeyahay dawladu lama hadli karto nin beeshayda ah.

 

Waa suaale kuwa hada shaqada qabtay sidee loola xisaabtami doonaa haddii aan kuwii hore waxba la waydiin karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this