Sign in to follow this  
Jabhad

People power

Recommended Posts

Jabhad   

gacmahooda kula diriraya isbaarooyinka yaala waddooyinka waa weyn ee Gobolka Banaadir

 

Sabti, January 07, 2006(HOL): Markii ugu horeysay ayay dadweynaha Muqdisho tijaabiyeen awooddooda qarsan, kadib markii ay maanta dadweynaha ku nool xaafadda Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigleey xoog ku muquuniyeen Koox Maleeshiyo ah oo Isbaaro soo dhigtay Isgoyska Aadan Cadde, kuwaasoo horay looga qaaday halkaas.

 

Iska hor imaad dhexmaray dadweynaha deegaanka iyo kooxdaas maleeshiyada ah ayaa sababay dhaawaca labo ruux, haseyeeshee dadka deegaanka ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay xaafaddooda ka xoreeyaan isbaaro lagu qaadayay lacago baad ah, isla markaana lagu furanayay dadweynaha caadiga ah.

 

C/llaahi Qarshe oo madax u ah ciidamada Madaniga deegaankaas ayaa sheegay in ay ku fiirsan waayeen dadka deegaanka koox burcad ah oo wax u dhimeysa iyaga iyo dadka kale ee safarka ah, sidoo kalena mid ka mid ah Odayaasha deegaanka oo ka qeybgalay howlgalka ay ku sifeynayeen maleeshiyadaas ayaa sheegay in aan dib dambe goobtaas lagu qaadi doonin wax lacag ah oo baad ah.

 

Haweenka Deegaankaas oo ay wehliyaan Caruurtooda ayaa la sheegay in ay gurmad u fidiyeen ciidamada Madaniga ee xaafadooda, kuwaasoo aan cabsi gelin doonin dadka rakaabka ah ee saaran gaadiidka ka shaqeeya iyo kuwa mara wadada wadnaha.

 

Mid ka mid ah darawaliinta gaadiidka yar yar ee isticmaasha wadadaas ayaa sheegay in ay xowli adag ku mari jireen wadadaas, si ay uga nabadgalaan in la dhaco gaadiidkooda ama la baarto jeebabkooda, taasoo ay caan ku yihiin in ay mararka qaarkood isticmaalaan maleeshiyooyinka lacagaha Baadda ah xoog uga qaata Gaadiidka Dadweynaha, iyadoo ay mararka qaarkoodna gaadiidkaas sameeyaan shaqo joojin ay kaga cabanayaan lacagta faraha badan ee ay ka qaataan maleeshiyooyinka dhex taagan waddooyinka, taasoo dhibaato ku ah Haweenka iyo Ardayda Dugsiyada Waxbarashada aada, kuwaasoo ku qasbanaada in ay lugeeyaan masaafo aad u dheer, halka kuwa shaqaalaha ah ay iyana ku qasabto in ay ka daahaan shaqooyinkooda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this