Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Inta Tallaabo laga qaadayo Garaaddada Reer Sool, Tallaabo halaga qaado W.Daakhiliga

Recommended Posts

Hargeysa (Waaheen) Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali oo ka tirsan Mudanyaasha Golaha Guurtidda ee ka soo jeedo Gobolka Sool ayaa Waraysi ay Xalay uu siiyay Wargeyska Waaheen ku eedeeyay in ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu dayacday dagmooyin ka tirsan Gobolka Sool.

 

Xildhibaan Maxamed Wali oo ugu horayn ka hadlay firkikiisa ku aadan Garaadada Reer Sool ee ku sugan Djibouti wuxuu yidhi “Waa in la soo dhaweeyaa Garaadada iyo cid kasta oo dan u ah Qaranimada Somaliland, Qaranka wixii dhaawacayana waa in laga hadlaa, mana qabo Garaadada in la weeraro, mana qabo in la cabudhiyo, Muwaadinka Reer Somaliland ee xabada loo iibsanayo waa in lagu bixiyaa kharashkii lagu soo dhawayn lahaa, dalkuna mar hore ayuu arrinkaa qaatay.

 

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in ay Somaliland qaadatay hanaanka Dimuqraadiyadda oo dhigay in qofku xor u yahay fikirkiisa, qofkii xad-gudba ama khaldamana laga abbaal-mariyo Xukuumaduna shuruuc ayay u sammaysatay, laakiin qofku marka uu hadlayo lama cabudhinayo wax khayr leh ayaa laga yaabaa inuu ku hadlaba, loomana baahna in la cabudhiyo.

 

Maxamed Wali, wuxuu ku eedeeyay Wasaaradda Daakhiliga in aanay illaa hadda Degmooyin ka tirsan Gobolka Sool aanay u qorin Ciidamadii kala duwanaa ee ka hawl-gali lahaa isagoo arrintaasi iftiiminaya wuxuu yidhi “marka Degmooyinka la qoro waa in waxa ay sharci u leeyihiin la sammeeyaa, hadduu ninka u qaabilsan Dalku wixii awaamiir ah ee la soo siiyay fulin waayo, waa in tallaabo laga qaadaa, nimanka Garaadada ah in tallaabo laga qaado maaha, balse waa in tallaabo laga qaado Wasaaradda Daakhiliga, waayo fullin la’aanteedu waa ta keentay in Garaadadii iskaga tagaan Dalka iyo ninka aan xilkaska ku ahayn inuu soo dhaweeyo dadka, Gobolada fog-fog waa in la soo dhaweeyaa, uma jeedo anaga hanala soo dhaweeyo, intii aynu xummaan wax kaga qaban lahayn waa in aynu samaan wax kaga qabanaa.

 

Ugu dambayntii Xildhibaan Maxamed Wali wuxuu sheegay in loo baahan yahay ruux kasta oo inaga maqan, haddii ay tahay kuwa reer Sool iyo kuwa kale ee u dhashay lixda Gobol ee Somaliland ka kooban tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this