Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: Barre Hiiraale asks for Justice and begs TFG

Recommended Posts

Baardheere: Barre Hiiraale: “Waxaan ugu baaqayaa dowladda KMG in ay si caddaalad ah ay ku xaliso dhibaatada ka jirta Kismaayo, loona sameeyo maamul ku dhisan..”

 

26. June 2007

Baardheere(AllPuntland)- Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ku sugan degmada Baardheere ayaa ka hadlay markii ugu horeysay dagaalada ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose, isagoo sheegay in uu si aad ah ugu xun yahay dagaalada sababay dhimashada, dhaawaca, burburka iyo barakaca.

 

XIldhibaan Barre Hiiraale ayaa waxaa uu sheegay in uu ka soo horjeedo dagaalada ka dhacay Kismaayo, isagoo ugu baaqay dowladda FKMG ah ee Soomaaliya in ay u istaagto sidii loo xalin lahaa dhibaatada ka jirta gobolka J/Hoose.

 

Barre Hiiraale ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Kismaayo in looga bixi karo oo kaliya in arinta la isku haayo ay ku baxaan Xildhibaanada deegaankaasi ka soo jeedo ayna tagaan isla markaana xaliyaan wixii dhibaato ah ee ka dhex aloosan maamulka gobolka ka jira .

 

“Waxaa u maleynayaa in dhibaatada ka jirta gobolka J/Hoose lagu soo gabagabeyn karo iyadoo ay tagaan xildhibaanada heyb ahaan ka soo jeeda gobolkaasi” ayuu yiri XIldhibaan Barre Hiiraale oo intaa raaciyay in Dowladda KMG ay dhowr jeer isku dayday in ay xal u hesho arintaas.

 

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda KMG in ay si caddaalad ah ay ku xaliso dhibaatada ka jirta Kismaayo, loona sameeyo maamul ku dhisan caddaalad” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale oo ugu baaqay dowladda KMG in ay xoogga saarto sidii loo soo afjari lahaa muranka gacan ka hadalka dhaliyay.

 

Barre Hiiraale ayaa iska fogeeyay inuu kaalin siyaasadeed uu ku leeyahay dagaalada ka dhacay magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in uu mar walba u ololeyn jiray sidii loo xalain lahaa dhibaatada dagaal ee halkaasi ka taagan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this