Jacaylbaro Posted May 24, 2010 Garoowe, Puntland (SF) – Abshir Booyaax oo ka mid ah Hoggaamiye-yaasha Ugu Waweyn Kooxaha Burcad badeeda Somalida, kana mid ah Dadkii Bilaabay Burcad Badeednimada, Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday 18 Bishan inay gacanta ku dhigeen 11 Nin oo u ku jiro Booyaax, balse Arrinta ayaa beenowday Kadib markii Booyaax laf ahantiisa la arkay ”Waa Been ma la qaban Booyaax warka la Faafiyana Ujeedo gaar ah ayaa Puntland ka laheyd, balse Booyaax waxa u ku sugan yaahy Garoowe, xiita hal habeen kama uusan bixin” sidaa Waxa u sheegay Somalifans Online Cabdiqaadir Xaaji Saalax oo ka mid ah Saaxiibada Abshir Booyaax Sidoo kale Sarkaal ka tirsan Booliska Garoowe oo ka gabsaday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in Booyaax u xirna oo keliya Hal Habeen, kadibna la Fasaxay Mar aan weydiinay Sarkaalka in la fasaxay raggi lala xiray Booyaax iyo in kale ayuu yiri ”Waxa la wada Fasaxay isaga iyo nin kale oo lagu magacaabo Axmed Ibraahim labadooda ayaa la sii daayey, balse Maxabiistii kale dhamaan waxa loo gudbiyey dhanka Xabsiga Magaalada Bosaso” In kasta Puntland dunida u gudbisay inay qabatay Abshir Booyaax, ayaa hadana waxa muuqata in Warkaasi u aha mid Ujeedo gaar ah laga wotay Booyaax ayaa ka mid Ehelada Madaxweyne Faroole, Sidoo kale Waxaa u ka mid aha Burcad badeedii Lacagaha badan ku bixiyey Doorashadii Cabdiraxmaan Faroole 2009 Quote Share this post Link to post Share on other sites